Home » Warar »

Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobey oo Sheegey in Dhalinyaro u Dhalatey Mareykan oo Tiradoodu u dhaxeyso 700- 1000 ay ka Barbar Dagaalamayaan Xarakada Al-Shabaab

16-kii oktoobar ayey markii Ciidamada Wadanka Kenya ka soo talaabeen Xuduuda Soomaaliya gaar ahaan Deegaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose waxaana Gelitaanka Ciidamada Kenya ka soo horjeestey inta badan Shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo ku tilmaamey Mid sharcidaro ah hase yeeshee sidey Ciidmada Kenya u soo galeen Soomaaliyeed waxaa Dowladda Kenya ka soo baxayey qayla dhaan ku aadan in Dagaalka gacan lagu siiyo waxayna Dowladda Kenya Codsigii uugu dambeeyey u gudbisey Dowladda Israa’iil iyo Dowlado kale .

Iyadoo weli ay si socoto Qayladhaanta Dowladda Kenya ayaaWakilka Joogtada Dowladda Kenya u fadhiya Qaramada Midoobey Macharia Kamau ayaa sheegey in Dhalinyaro Mareykan u dhalatey Tiradooda gaareysa Todobo Boqol ilaa Kun ay ka Barbar dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab kuwaas oo uu sheegey in qaarkood ay Muddo ku sugnaayeen Soomaaliya

Safiirka wuxuu sheegey in Dhalinyaradaas ay yihiin Dagaalyahano aad u Tababaran oo Muddo ka barbar Dagaalamayey Xarakadda Ashabaab wuxuu sii raaciyey”Dhalinyaro Mareykan ah ayaa mudooyinkii u dambeeyey waxay Magaalada Muqdisho iyo Degaano kale ka sameeyeen falal is qarxin oo waxyeelo ka soo gaartey Cidamada Amisom iyo Kuwa Dowlada Federaalka”

Safiirka wuxuu sheegey in Dhalinyaradaas ay haatan ku sii yaraanayaan Soomaaliya islamarkana qaarkood uu sheegey in ay Dalka Soomaaliya ka Haajireen hase yeeshee Safiirka ma sheegin halka ay Dhalinyaradaas u Haajieen hase yeeshe warka ka soo yeerey Safiirka wuxuu ku soo beegmayaa in dhawaan Wiil Dhalinyaro ah oo haysta Dhalashada Mateykanka oo lagu magacaabo Cabdisalaan uu isku qarixiyey Saldhig Ciidamada Amisom ay ku lahaayeen Dugsigii Tababarka Farsamada ee Xero Jarmal

Dhinaca kale Safiirka Kenya u fadhiya Qarammada Midoobey (QM) Macharia Kamau ayaa sheegay in uu dadaal ugu jiro sidii uu Golaha Ammaanka ee QM uga dhaadhicin lahaa in la go’doomiyo magaalada Kismaayo ayadoo adeegsanayo maraakiib dagaal (Naval blockade of Kismayu).

Waxa kale oo uu Axaddii (Nov 13) jariidadda Naition u sheegay in Kenya ay hawlgalka militari ee ay ka waddo Koonfurta Soomaaliya in “ay dhamaystireen in ka badan boqolkiiba 50%”, isla markaasna “ay gaareen ujeedadii koowaad ee ay lahaayeen oo ah in ay sameeyaan aagga ood-celinta (buffer zone) si loo difaaco xuduudka Kenya,” ayuu yiri Safiirka Kenya u fadhiya UN. “Waxaana isku deyeynaa in aan aaggaas aan sii adkaysano,” ayuu hadalkiisa raaciyey Mr Kamau.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.