Home » Maqaallo »

Qeylo dhaan nabadeed oo ku aadan dagaalada ka socda Aaga Rako Raaxo

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta islaamka ACWW.

Salaan kadib Anigoo ka xun kana murugeysan dagaalada soo noqnoqday ee ka socda gobolka Karkaar ee u dhaxeeya Beelaha walaalaha ah, waxaan leeyahay oo ka codsanayaa dhammaan waxgaradka, culimada, aqoonyahanada, oday dhaqameedyada, haweenka iyo guud ahaan shacabka damiirka islaamnimo uu ku danbeeyo in si deg deg ah loogu guntado sidi loo kala dhex gali lahaa labadan beelood oo xabaddana shuruud la’aan loo joojin lahaa. War aaway islaamnimadii, aaway damiirkii, aaway dadkii ehelka wanaaga u ahaa, war maxaa loo kala dhex gali waayey waxmagaratadan ka dhigtay caqliga iyo cilmiga in ay dhiig muslim daadiyaan uun.

Runtii aad iyo aad baan u suluugsanahay Kaalinta dowladda oo waxaan aaminsanahay in ay arintaas ka seexatay. Dowladdu wax baddan bay ka qaban kartaa oo mowqifkeedii ahaa in dadka hubka laga aruuriyo waa in ay dowladda ka dhabeysaa. Sidoo kale dowladdu dhalinyaradan xoogooda ku baabi.inaya dagaaladan sokeeye ha jihayso oo howlo kale ha u qabato. Firaaqa iyo baaga muudada haddey badato ogoow fal danbiyeedyadana wey badanayaa. Sida kaliya ee arimahaas looga hortagi karo waa iyadoo dhalinyaradan la isticmaalayo loo jiheeyo howlo kale oo ay bulshada u qaban karaan.

Waxaan ka digayaa dadka had iyo jeer arimahan ka faa’ideysta oo dabka huriya. Waxaan idiin leeyahay arimahan faraha kala baxa oo dab haka hurinina beelahan wada dhashay.
Waxaan ma labaad iyo mar saddexaadba codsanayaa in dhiigan daadanay la joojiyo oo beelahan lakala dhex galo, xal nabadeedna la raadiyo sida ugu dhaqsaha badan.

Dowladdu waxaa loo doortay oo ay u dhaaratay ummaddaas reer Puntland guud ahaan oo waxaan leeyahay dal daloolo ayaa jira guud haan Puntland ee fadlan buuxiya oo wax ka qabta dhaliilaha leydiin soo jeedinayao. Meel walbaa waayahan qeylo ayaa ka yeeraysa sida Mudug, Bari iyo meel walba. Wey jireen kuwo shidaya arimaha oo fidno wadayaal ah kuwaas loo joojin maayo ee maamulow idinku kaalintiina buuxiya oo fursad ha siinina waxmagaratada wanaag diidka ah.

Intii dhimatay Allaha u naxariista, inta ku dhaawacantay dagaaladan Allaha caafimaad siiyo, ee hadda iyo dan waa in xabadda la joojiyaan oo dhiiga laga hortagaa.

Reer bariyoow caqliga ha shaqeeyo oo ha iska kala daadinina nimcooyinkan uu Allaah idiin siiyay. Immisaa ummad loo nimceeyaa oo ay nimcadu uga soo degta dhul, bad iyo barriba oo haddana ku kufriya, kadiba uu Allaah ciqaab adag ku ciqaabaa. War dadkaas ha noqoninee eega sharafta iyo karaamada uu Allaah idiin siiyay oo isku daya dabkan baxaya inaad joojisaan oo aad Allaah u soo noqotaan.

Wabilaahi Towfiiq
Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.