Home » Maqaallo »

Kenya – Ethiopia Ciidankooda iyo madaxweeyne Sharif.

Soomaaliya waxay la yaabaneeyd ciidanka Kenya, waxaa soo cadaatay in ciidanka Ethiopia kusoo noqonayaan Soomaaliya, xagee loo socdaa? Soow wadamadani ma ahan kua safka hore – goormaa laga noqday.
Aawey dhaqaalihii faraha badnaa ee dowladaha Yurub ku bixiyeen-aduun kor u dhaafaya 200-milyan oo Euro, si loo soo tababaro ciidamo soomaaliyeed oo la wareega amniga dalka ayagoo caawinaad kahelaya AMISOM, khubaro farabadana looga keenay Yurub si eey u tababaraan.

Waxaa sida aan ognahay ciidamo lagusoo tababaray Kenya, Uganda, Ethiopia, Djibouti iyo Sudan, ciidamadaas iyo kuwa AMISOM soo maaheeyn kuwii Xamar kasaarey Shabaab mase wax kalaa jira, soow hadaba ma awoodaan ineey kasaaraan gobolada dalka, maxaa khaldan, maxaa loogu baahday ciidanka Ethiopia iyo Kenya? Maa kharashka ku baxaya ciidamadaas in kayar boqolkii-10 laga siiyo ciidamada soomaaliyeed ee mushaarka waayey.

Mase waxaan la ogoleeyn in eey jiri karaan ciidan, dowlad, iyo shacab dhinac ugasoo wada jeesta shabaabka, halkaasna eey katimaado wadajir, madax iyo madaxbanaani qarankan uu yeesho.
3-sano ee madaxweeyne Sharif Ahmed katalinayey wadankan waxaan baranay dhoowr arimood:
1. Inuu halkii calaamad oo hogaamiyenimada uu ka heeystay uu diiday inuu isticmaalo – ee ah awooda alla siiyey ee uu kalmadiisa dadka kuso jiidan karo, kana run sheego xaalada lagu sugan yahay, si eey u abuuranto barbarkeey kabaxdaa waa bakeeyle qaleen. Wuxuu kadoor biday inuu madaxda wadamada deriskaa kula dhuunto xafiisyadooda – waxeey kutaliyaana ku shaqeeyo, waxeey dhashayna waa heeynaa.

2. In dowlad goboleedyada ugu yaraan xasilooni usuura gashay hortiis, eey lumiyeen xasiloonidii, maantana tusaale ahaan Puntland iyo Galmudug eey raadinayaan ciidanka AMISOM – yaa kajooga yiraa- koleey tallo faraha waa ka baxdaye….kuwa kallana eey ku hungoobeen taageero aan marnaba dhinaciisa kasoo socon…waxaa muuqata in AMISOM eey gobolaas usocoto.

3. In shaqi kasta oo aqoon diineed leh in laga waayo goobaha siyaasada, waxaana u danbeeyey kooxda asaga lagu xanto ee TAJAMUC oo maanta yaaban, ma ahan wax ka khaldamay ee waa qorshe durugsan….hadaad diinta aqoon u leedahay maxaa jira………

4. Hadaad leedahay xirfad durugsan oo ciidan in haba yaraatee aadan ciidamada soomaaliya aadan door ku yeelan karin, taasi waxeey keentay in maalinwalba la bixiyo generaalnimo marmar leeys weeydiiyo shaqsigani xataa inuu ciidan ahaan jiray iyo inkale…..waa bahdil lagu sameeynayo ciidanka soomaaliya wax iska dhacayana maaha.

5. Aqoonyahano – DIASPORA oo dareensan in dalkooda eey wax uun kusoo kordhin karaan, markii loo dhiibo xilal sare oo wasiira u badan in 5-tii bilba koox la casilo, si eey usoo baxdo xataa kuwa aqoonyahankaa, maqnaana intii dhibku jiray ineeysan xal keeni karin, taasoo ah qorshe diyaarsan ee ma aha mid iska dhaceeysa. Waa la ogsoon yhaay in hantidii wadanka eey banaanka u baxday, ee waxaa la rabaa in kuwa fashilmay eey qeeyb ka noqdaan, welibana dadkooda eey nacaan oo laga horkeeno, si mustaqbalka aan loogu badbaadin aqoonyahaynka qurbaha ka shaqeeya.

6. Isku soo duuboow in madaxweeynuhu uu hogaan ka ahaado qorshaha ah in Soomaaliya lawaayo koox badbaaada, oo u maqan/keyd u ah, markaasna la yiraa waa dal beeylah ah oo khatar ku ah deriska iyo caalamkaba, ee haloo taliyo, arinkaas waxaan rajeeynaa inuusan ku faraxsaneeyn madaxweeynuhu, ee badbaadinta kursiga madaxweeynenimo eey halkaas la gashay, kuna kaliftay inuu fashiliyo wadaad, aqoonyahan, ganacsato, ciidan qurbajoogba, iyo dhinackastoo loo baxsan lahaa.
Gabagabo, ma runbaa in dalkan uusan laheeyn ugu badnaan 30-qofood oo u naxaya dalkan oo midoobi kara, yeelana kara aragti mideeysan oo eey u dulqaataan si eey ku gaaraan danta dalkan beeylahda laga dhigay ……arinkaas shaki weeyn baa iiga jira ee halagoobo.

Xafiiska Xidhibaan Abdi Abshir Dhoore
Abdi_dorre@yahoo.se
abdiabshird@facebook.com
Mobil: 0615 700 948.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.