Home » Warar »

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha wasiirada ee maanta

Golaha Wasiirada ee Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa manta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoomiyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda ammaan ee dalka, bannaynta dhismayaasha dawladda, Mashrruuca Guriyeynta ee dawladda Turkiga ballan qaadey, la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo warbixinta Gargaarka iyo kaalmeynta shacabka.

Ugu horreyntii golaha ayaa warbixin ka dhageystay wasiir ku xigeenka gaashaandhiga oo ka warbixiyay xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidanka qalabka sida, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in la horumariyo xaaladooda kor u qaadisna lagu sameeyo niyadda ciidanka maadaama aysoo hooyeen guulo wax ku ool ah iyagoo soo geliyay gacanta dawladda magaalada Muqdisho iyo gobollada qaarkood.

Golaha ayaa sidoo kale waxay ka doodeen dhismayaasha dawladda ee la haysto ama dad shacab ah ay dagan yihiin, dood dheer kadib golaha waxay kasoo saareen go’aamadan hoos ku xusan:
a) Inay sharci darro tahay in la dago guryaha dawladda;

b) Waxaa la farayaa cid walba oo dagan guri dawladeed inay uga baxaan muddo 15 cisho gudahood ah;

c) In la dhiso maxkamad gaar ah oo qaadda dacwooyinka la xiriira guryaha dawladda iyo ciidan gaar ah oo arrintaas hirgaliya;

d) Golaha waxey saareen guddi Wasiirro oo arrintaas u xil saaran;

Waxaana ka mid ah Wasaaradda Arrimaha gudaha, Wasaaradda howlaha guud iyo Guriyeynta, Wasaaradda Gaashaandhiga, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Warfaafinta iyo xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir

e) In la sameeyo ogeysiin xagga warbaahinta ah, sidii loogu digi lahaa dadka dagan guryaha dawladda;
Golaha ayaa sidoo kale ka dooday mashruuc guriyeyn oo ay isla wadaan dawladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga oo ah guryo qiimo jaban oo loogu tala galay inay dagaan dadweynaha, waxeyna isla garteen arrintaas in la dardargeliyo, si looga faa’iideysto mashaariicdaaasi.

Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay guddiga abaaraha ee heer wasiir oo warbixin ka baxshay cunno qeybin ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo xiriir uu la yeeshay hay’adaha dawliga ah ee ka hawlgala arrimaha gargaarka.

Dhanka kale, golaha Wasiiradu waxay mar kale ka doodeen siyaasada iyo shuruucda hay’adda la dagaalanka Musuq maasuqa, waxay sidoo kale dood dheer ka yeesheen dhismaha shuruucda iyo qawaaniinta ay ku shaqeyn doonto hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

Halkan ka akhri qiraalkii oo PDF ah

Ugu danbeyntii, golaha ayaa guddi u saarey kasoo tala bixinta qaabkii loo sameyn lahaa hay’ad madax bannaan ee doorashooyinka dalka, iyo weliba sharciga doorashooyinka iyo axsaabta siyaasiga ah.

Golaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay wasiirka qorsheynta oo ka hadlay heerka uu marayo wada shaqeynta xagga farsamo ee dawladda Turkiga iyo Soomaalida isagoo tilmaamay inay hawsha u socoto si habsami leh.

-DHAMAAD-

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.