Home » Faallo »

Qurba joogta Puntland oo Qardho ka fuliyey howlo Caafimaad

Qaar ka mid ah Qurba joogta Puntland ( Puntland diaspora Forum) ee Toronto iyo Minnesota ayaa ka fuliyey Qardho howl gargaar ah caafimaad oo lacag la’aan ah oo lagu daweynayo dadka qaba xanuunka waalida.

Wafdi Dhaqaatiir ah oo ka yimi dalka dibadiisa ayaa maantay (16.11.2011) Qardho si rasmi ah uga bilaabay daweynta dad ka xanuusan dhimirka oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 400 oo qof oo isugu jira qeybaha kala duwan ee dadka degaanka Qardho iyo magaalooyinka ku dhow dhow.

Xasan Maxamed Ciise oo ka tirsan Wafdiga ayaa Saxaafadda u sheegay in qorshaha ugu weyn ay tahay in ay Qardho ka sameeyaan Xarun dadka dhimirka (Waalida) lagu daweeyo.

Howlgalkaan caafimaadka dadka degaanka loogu caawinayo ayaa waxaa si rasmi ah u fulinayey Dr. Cabaas Maxamed Jaamac oo ah Dhakhtar dhanka dhimirka ah.

Sidoo kalena waxaa dhinic socday tababar la siinayo ku dhawaad 15 qof oo ka kala socday goboladda Puntland, kuwaas oo sida Xasan Maxamed Ciise sheegay la doonayo in ay dadka xanuunka dhimirka qaba ay sii caawiyaan.

Daaweynta dadka dhimirka wax ka qaba ayaa ka dhacay Isbitaalka guud ee Degmadda Qardho, halkaas oo ay goob joog ka ahaayeen Masuulyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo uu ka mid ahaa Duqa Magaaladda Qardho Maxamed Siciid Ciise iyo Cismaan Dhaloweyne oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Dr. Nuur Maxamed Nuur Agaasimaha guud ee Isbitaalka Qardho ayaa ka mid ahaa madaxda maantay ka qeyb gashay howlaha u gar gaarida iyo daaweynta dadka dhimirka wax ka qaba lagu daweynayey.
Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Waxaa iyagana ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Aqoonyahanadda degaanka oo uu ka mid ahaa Liibaan C/laahi Deni ayaa isagana waxaa sidoo kale uu muujiyey sida loogu baahan yahay in Qurba joogta ay mar walba uga war hayaan degaanka, dhan kalena C/shakuur Maxamed Gurey oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adaha ka howl gala Puntland ayaa soo dhaweyay u gargaarida dadka dhibaateysan.

Waxaa la filayaa in Howlahaan daweynta ay socon doonaan illa iyo todobaadka dambe iyadda oo sida la sheegayna la qorsheynayo in si rasmi ah Qardho loogu hirgeliyo xarunta Dhimirka, taasi oo Qurbaha joogta Puntland ee u dhaltay Qardho ay doonayaan in ay hirgeliyaan.

Cabdiweli Gooni
Qardho- Somaliya
gooni@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.