Home » Warar »

Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) Oo Soo Dhaweeyay Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya

Maxamed Dheere oo mar noqday Guddoomiyaha Maamulka Dawladda Federaalka Soomaliya ee Gobolka Banadir ayaa markii u horeeyay ka hadlay soo gelitaanka Ciidamada Kiinyaanku ay soo galeen Gudaha Dalka Soomaliya.
Maxamed Cumar Xabeeb oo waraysi uu siiyay qaar ka mid ah Warbaahinta Gudaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in soo gelitaanka Kiinya ee soomaaliya lagu qasbay ka gadaal markii Nabad gelyadeedii Qal Qal la geliyay ,Guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir ayaa sheegey in Kiinya ay ku Qasban tahay in ay difaacato dalkeeda maadaama buu yiri martideedii falal af duub iyo dil ah loo gaystey,..

Mar uu ka Hadlayay Duqeynta ay sheegtay Kiinya ay u gaysanayso illaa Toban Magaalo oo ku yaala Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ayuu sheegey Maxamed Dheere in aan loo baahnayn in goobaha shacabku joogaan in la garaaco balse uu ku kalsoon yahay in la joogteeyo garaaciidda goobaha lagu tuhmayo Shabaab.

Maxamed Dheere ayaa farta ku fiiqay Garaacid la garaaco Xarumaha Shabaab lana joogteeyo in taasi ay hoos u dhigayso awoodda Xarakada shabaab isla markaana ay naafeyneyso duulaanada ay mar walba ku soo qaadaan fariisimada ciidamada Dawladda.

Maxamed Dheere ayaa u sheegey Dawladda Kiinya iyo ciddii kale ee gacanb ka gaysanaysa duqeyntaas inaan shacabka la waxyeeleen istiraatiijiyaduna ahaato mid Miletary oo Bar tilmaameedyo leh.

Isku soo wada duuboo hadalkan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa imaanaya xilli dhawaan Ciidamada Kenya soomaaliya ay ku jiraan muddo Bil ah islamarkaana duqeyo ay geysteen Diyaaradahooda ay waxyeelo ka soo gaartey dad Riyid ah oo aan waxba galabsan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.