Home » Warar »

Isbahaysiga Nabada Soomaaliyed (SPA) oo ku baaqay in Kenya iyo Al-Shabaaba loo aqoonsdado gumeysi cadow ku ah Qaranimada dalka

Masuuliyinta Isbahaysiga Nabada Soomaaliyeed ayaa maanta xaruntooda magaalada Muqdisho ku qabtay shir saxaafadeed kaasoo ay uga soo horjeesteen heshiiskii maalintii shalay ay ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya madaxweynayaasha Kenya, Somalia iyo Ugandha kaasoo dhigayey in meel looga soo wada jeesto si wadajir ahna loola dagaalamo Xarakada A-shabaab, iyadoo isbaheysigu uu sheegay in ujeedada Kenya aysan aheyn la dagaaalanka Al-shabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay kulankaas ayaa waxaa warbaahinta u aqriyey Dr. C/llaahi Shiikh Daahir oo ah gudoomiye ku-xigeenka isbaheysiga nabada soomaaliyeed waxaana uu u qornaa war saxaafadeedka sidatan:-

War saxaafadeed

Markii uu isbahaysigu si dhab ah u qiimeeyay xaalada amniga iyo siyaasada markii uu arkay faragelinta milateri ee dowlada Kenya ku sameysay cir, dhul iyo bad kuna xasuuqday dad aan waxba galabsan oo qaxooti ah magaalada Jilib horaantii bishaan aan u ku jirno. uguna hanjabtay shacabka Soomaaliyeed meel ey joogaanba iney duqeyn doonto gaar ahaan koonfurta Soomaaliya,markii uu arkay karti darida hogaanka sare ee Dowlada Soomaaliya, markii uu arkay in danahooda gaarka ah hadba maalintaas meesha ey ka arkaan uu mabda’oodi noqday .

Halakan kadaawo masawiro dheeri ah oo shirkaa

Markii uu arkay in caaydi iyo aflagaadadii shaqsiyaad huwan calanka kenya kana tirsan dowlada kenya ay u gaysteen madaxeynaha Soomaaliya oo huwan sharaftii qaranka Soomaaliya, markii uu arkay iyadoo aan raali gelin rasmi ah laga siin aflagaadadii u dhigantay in qaranka Soomaaliyeed la aflagaadeeyay in uu 16/11/2011 ka degay caasimada kenya ee Nairobi isla markaana uu ilaabay hadalkiisii ahaa in uusan soo gelitaanka kenya waxba ka ogeyn waxna aan laga weydiin.

Waxaa wax lala yaabo ku noqotay isbahaysiga nabada Soomaaliyeed markii ay arkeen madaxweynihii oo leh waxaan ku taageersanahay Dowlada Kenya wax alaale wixii ay soomaaliya ka wado.waxaa la wada ogyahay maalin ka hor maalinta uu kenya tagay, Dowlada kenya inay Dowlada Israa’iil weydiisatay kaalmo milateri oo Soomaaliya ay ku qabsato.

Hadaba siyaasada xumida Kenya waxay garan weysay xasaasiyada ay arintaasi dhalin karto, wuxuuna Isbahaysiga Nabada Soomaaliyeed soo jeedinayaa qodobada soo socda.

1) In Umadda Soomaaliyeed u aqoonsato Hogaanka sare ee dowlada rag loo lebisay dhar aaney cabirkiisa gaarin dabadeetna la kufey.

2) In shabaab iyo kenyaba loo aqoonsado gumeysi duulaan ku ah qaranimada Soomaaliya.

3) in Dalka iyo dibadaba laga dhigo banaan baxyo looga soo horjeedo heshiis ku sheega qabsashada ka danbeeyay waayo waxan wada ognahay in heshiis ku sheega Abdi-Weli Gaas saxiixay uu ka danbeeyay qabsashadii kenya qabsatay gobolada Soomaaliya qaarkood iyo xasuuqii ey ka gaysteen magaalada Jilib iyadoo aan xitaa wax cudur daar ah ka bixin Dowlada Kenya kuna sii hanjabtay inay duqeyn doonto 10 magaalo oo koonfurta soomaaliya ku yaal kadibna loogu yeeray Shariif Shiikh Axmed asaguna inow saxiixo.

4) Dowlada Kenya waxaan uga digeynaa isku deyga 20 sano kadib ku dhashay oo ah in Soomaaliya waa qabsan kartaa xiligaan iyadoo ku cabireysa aragtida ay ka qaadatay shaqsiyaadka ducafada ah ee hada sheegta inay Soomaaliya madax u yihiin, waxaan leenahay Soomaaliya Soomaalibaa leh, kana difaaca doonto cid kasta oo isku dayda ku xadgudubta qaramimada Soomaaliyeed. Inshaa Allaah.

5) Aduunyadu waxay ku dhaqantaa Nidaam & sharci sida wadan kastaba u leeyahay nidaam iyo sharci u gaar ah sidaa daraadeed axdi qarameed Soomaaliya wuxuu qorayaa qodobkiisa 1aad iiyo 2aad in wax kasta oo taabanaya qaranimada (siyaasada) dadka & dalka waxaa go’aan ka gaari kara shacabka si toos ah & si dadbanba isagoo u sii maraya wakiiladiisa (Parliament) qof koox ama dabaqad aan ku saleysneyn shuruucda cahdi qarameedku qabo waa sharci daro.

Abdullahi Shiikh Hassan
SPA Chairman

Gudoomiyaha Isbaheysiga nabada Somaliyed C/llaahi Shiikh Xasan oo war saxafadeedka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in heshiiskii shalay ka dhacay magalada Nairobi uu ahaa mid dowlada Kenya loogu xalaaleynayey ciidamada ay soo gelisay dalka oo uu ku tilmaamay iney aheyd talaabo sharci daro ah wuxuuna xusay in aysan diidaneyn la dagaalanka Al-shabaab oo ku tilmaamay cadowga 1aad ee umada soomaalyed balse ay diiidan yihiin in ciidamada Kenya iska soo galaan dalka iyadoo aan hanaan sharci ah soo marin, wuxuuna gudoomiyuhu si waafi ah uga jawaabay su’aalo ay shir saxafadeedkaas ku weydiityeen warbaahintii goob jooga aheyd.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.