Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay galabta kulan looga hadlay Amniga Muqdisho iyo dib u soo celinta Bilicdeedii

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa shir guddoomiyay kulan ballaaran oo looga hadlayay Amniga caasimadda (Mogadishu Stabilization Plan), Bilicda magaalada iyo sidii goobihii dowladda dib loogu soo celin lahaa gacanta dowladda, waxaana kulankan ka soo qeybgalay guddoomiyeyaasha 16-ka degmo, saraakiil ka socotay hay’addaha Amniga sida Booliska iyo Nabadsugida Qaranka.

Shirkan oo noqon doona joogto ayaa diirada lagu saaray sidii loo sugi lahaa Amniga magaalada isla markaana loo soo celin lahaa Bilicda caasimada iyadoo la isla meel dhigay in dadka barakacayaasha ah loo raro goobo ka baxsan magaalada oo leh adeegyada aas aasiga ah sida Biyo iyo hoy ay qoraxda iyo roobka ka galaan.

Ra’iisul wasaaraha oo faah faahiyay muhiimada kulankan ayaa sheegay in muhiimada koowaad ee kulankan uu yahay sidii loo dhaqan gelin lahaa qorshaha xasilinta magaalada Muqdisho, kadibna loo howlgalo sidii loo soo celin lahaa Bilicda magaalada oo ah caasimaddii dalka, isagoo tibaaxay in qorshaha saddexaadna uu yahay sidii loo xoojin lahaa hay’addaha dowladda si taasi u timaadona loo baahan yahay in gacanta dowladda ay soo galaan dhamaan dhismeyaasha iyo dhulalka dowladda, dadka degana dib u dejin loo sameeyo.
Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

“Si loo soo celiyo haykalkii dowladnimo waa in gacanta dowladda ay soo galaan wixii hanta dowladeed ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo warbaahinta Qaranka la hadlay isagoo sidoo kalena guddoomiyeyaashii iyo saraakiishii ka soo qeybgashay shirka kula dardaarmay inay dedaal dheeraad ah u galaan qorshaha xasilinta caasimadda (Mogadishu Stabilization Plan).

“Dadkiina waa ku dhibaateysan yihiin, magaaladiina wey ku dhibaateysan tahay qaxootiga tirada badan ee magaalada dhex degay, waxaana cadeyneynaa in dowladdu u dejisay qorshe cad oo dib u dejin loogu sameynayo” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

-DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.