Home » Warar »

Puntland oo Digniin u jeedisay Hey’adaha Universal TV iyo Somali Channel

Warsaxaafadeed ka soo paxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa u qornaa sidan:

Shir ay si wadajir ah uga soo qaybgaleen Mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa looga dooday arrimaha Saxaafadda iyo sidii loo hirgalin lahaa amarkii Dowladda ay shaqo-joojin ugu samaysay Hey’adaha warbaahinta oo kala ah Universal TV iyo Somali Channel TV.

Shirkaasi waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Ku-xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Puntland, Sarkaal ka tirsan Taliska Ciidamada Booliska Puntland, La Taliyaha Madaxweynaha arrimaha Saxaafadda, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo Mas’uuliyiin kale.

Ka dib markii ay Dowladda Puntland go’aamisay in shaqo-joojin lagu sameeyo hey’adaha Universal TV iyo Somali Channel TV 1-da Nofembar 2011, ayaa waxaa cadaatay in hey’adahaani ay shaqadoodii usii wataan si qarsoodi ah iyo weliba in Mas’uuliyiinta hey’adahani ay warbaahinta ka jeediyaan hadalo isugu jira eedeyn, kicin shacab iyo aflagaado lala beegsado Madaxda Dowladda Puntland.

Mas’uuliyiintii shirkaan kasoo qeybgashay ayaa iswaydaarsaday fikrado kala gedisan ee la xiriira arrimaha saxaafadda waxayna soo saareen go’aamada hoos ku qoran:

1. Waxaa la cadeeyey in dhamaan deegamada Dowladda Puntland ay ka shaqayso Saxaafad xor ah sida Idaacado, TV, Wargayso, iyo Internet, sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland;
2. Waxaa Digniin kama Dambays ah loo jeediyay Hey’adaha warbaahineed oo kala ah Universal TV iyo Somali Channel TV in ay joojiyaan amar-diidmada iyo sii wadashada shaqadooda si qarsoodi ah oo aan xeerka wafaaqsanayn;

3. Hadii ay Hey’adahaan ka dhago-adeegaan amarka Dowladda, waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Gudoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Puntland inay qaadaan tallaabo ku haboon oo Sharciga wafaaqsan;

4. Waxaa Dallada Saxaafadda Puntland (Media Association of Puntland – MAP) lagu wargalinayaa inay la socoto howlaha warbaahineed gaar ahaan tallaabooyinka ay ku dhaqaaqaan Universal TV iyo Somali Channel TV.

Isha: Puntland Information Ministry
puntland.info@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Puntland oo Digniin u jeedisay Hey’adaha Universal TV iyo Somali Channel "

  1. macaanow says:

    sckm,dhamaan bahda somalitalk,waad salaamantihiin,kadibna
    waxaan ahay dadka inta badan kafaa’iideysta qoraalada iyo sheegigada taariikhada aay soo qoraan dadka webkan qora,waana ku mahadsan tahiin,
    tan saaxafada p/land iyo sida ay ula dagaalamayaan tvyada iyo sawirqaadayaasha waxaan leeyahay waay ku qaldanyihiin,waayo waxaad aragtaan meelaha adunka nabada taal madaxdooda sida loo xaxaganaayo oo intaa wax looga sheegayo run iyo beenba qof loo xiro ama looga joojiyo shaqadiisa majirto markaa waxaan qabaa faroole iyo wiilasha u shaqeynaya hala baro macnaha saxaafada waxaa moodaa inba macnaha tv war sheega iyo wariye soo hadla inay dagaal u qaateen marka layiraahdo p/land baa waxaa ka dheceena ma’aha inay qarsoonaato marka siminar haloo furo looga warramaya ‘saaxafadu maxaay tahay’markaaseey fahmi doonaan ,thanks

  2. libaax says:

    Adeer saxaafada xeer baa kayaala aduunyadana majirto meel dawlad iyo maamul leh oo saxaafadi sidaydoonto uga waranto aduunyada kama jirto oo haday jiri lahayd wadankaasi wuu burburi lahaa. saaxaafada xadbay leedahay majirto saxaafad xor iska ah oo say doonto war walba iyo wax walba u tabinkartaa saxaafada waxaa ka horeeya maamul iyo dawlad hagta oo qawaaniin u dajisa. hayeeshee soomaaliya oo dawladii dhexe burburtay cidkasta oo dano leh ayaa samaystay radiye joornaal iyo TV xor ah oo cid ay u adeegayaan aan cidna aqoon!!! waayo majirin dawlad koontaroosha. hadrawi oo hada kohor xamar booqday baa yiri wax yaabihii aan layaabay waxaa kamid ahaa 70 idaacadood oo xamar ka hadla!!! wadamada daneeya oo u jeedooyinka kale soomaaliya iyo maafiyada aduunka ayaa badankooda adeegsada oo ay u shaqeeyaan xataa way yaryihiin warbaahinta qabiil kamida qabiilada soomaaliyeed u shaqeeyaa. mushkilada waa idaacado iyo warbaahin xor ah oo ka xor ah maamulka markaa halkaa maamulaya xagee lagu arkay caalamka??

    waa in lafahmaa in PUNTLAND maamulkeeda latix galiyo xaqna ay uleeyihiin inay warbaahin oo dhami hoostimaada wasaarada warfaafinta sharcibaana kayaala. meeshu ma fawdaa sidee nin dano maafiyo wata oo u shaqaynaya oo aan hoos iman PUNTLAND oo aan hoos iman dawlada fadaraalka ee ku meelgaarka sidee loo aqbalaa macnaha lama aqbali karo waana in laxiraa dalkana laga saaraa waa hadii meesha maamulka jiro.

    Eithiopia iyo Kenya bal ku arka warbaahin aan hoos iman wasaarada warfaafinta oo xor ah balku arka. mise macnaha xorta ayaa khalad laga fahmay. puntland way ku khaldantahay inay xabsi utaxaabiwaydo maafiyada dadkeeda iska horkeenaysa ee aan cidna udiiwaan gashanayn cid ay ushaqaynayaana aan la ogayn.

    waxa soomaalya lagu burburiyay waxaa kamid ah warbaahin xor ah oo aan la aqoon ciday dhab ahaan ushaqeeyaan. sidaasay ilatahay.