Home » Faallo »

Muqdisho iyo Qaraxa Taayerka

Waxaa noo buuxsamay 21 sano oo shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen dagaalo oo ay ka dhaxleen dhibaatooyin dhinacyo badan leh, wuxuu waqtigu is guraba, gaar ahaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho waxaa u sii dheeraa dagaalo is dabajoog ah oo hadba waji yeelanayey kuwaas oo ay ku lug yeesheen qaar ka mid ah wadamada Caalamka, hase yeeshee waxaa waqtiyadan dambe ku soo kordhay Muqdisho Qaraxyo kuwaasoo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Qaraxyadaasi waxay dadku ka qaadeen walwal iyo aragagax, waxaana dhawaan booqday isbitaalka Madiina si aan u soo eego yar saaxiibkey ah oo halkaa lagu dabiibayo, waxaana weydiiyey sida uu dhaawacaan u soo gaaray, wuxuuna ii sheegay in dhaawiciisa uusan aheyn mid ku yimid Madfac, Xabad iyo Qarax toona balse lug Gaari ay qaraxday isaga oo meel Biibito ah fadhiyo kadibna la kala cararay oo dadkii cararayey ay ku tunteen uuna ka jabay Bawdada, waxaan u sheegay in isbitaalka ay yaalaan dad qaba dhaawacyo aad u daran oo isugu jira qaraxyo iyo rasaas kale isla markaana dhaawiciisa uu yahay mid la qarsado.

Qaraxa Taayarka ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyey sii kordhay kadib markii aad u kululaatay Qoraxda taas oo keentay in Gawaarida kuwooda yar yar iyo kuwa waaweynba ay ka qarxaan Taayirada. Arrintaan ayaa sidoo kale waxaan weydiiyey gabar ka mid ah Gabdhaha Shaaha ku iibiyo wadada dhiniciisa, waxaana weydiiyey saameynta ay ku yeelatay Qaraxa uu sameeyo Taayirka Gawaarida, waxayan tiri “Walaahi bishii labo jeer oo kale waan maqlaa Taayir gaari Qarxa, waxaana iga soo gaara qasaarooyin, waayo dadka markay cararayaan ayay horey u sii jiiraan Tarmuusyada iyo Bakeeriyada waxaana Bishii iga Jajaba dhowr iyo Toban Bakeeri iyo Laba Tarmuus , waxaana u soo jeedinayaa dadka ay in ay isdejiyaan, waana ogahay in qaraxyada magaalada ka dhaca ay keeneen in dadka si aad ah u cabsadaan haddii ay wax qaraxaya maqlaan”.

Khasaaroyinka kale ee ay keenaan Taayirada qarxa waxaa ka mid ah marka qarax taayirku uu ka dhaco wado ciidamada AMISOM marayaan oo iyana rasaas furaan mararka qaarkood ayaa waxaa khasaare ka soo gaartaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyagoo Cidamada Amisom markaa u fahmsan in qaraxa iyaga lala eeganayo, sidoo kale Gawaarida Ciidamada dowladda ay saaran yihiin ayaa marka uu taayir ku ag qarxo waxay sababaan dhimasho iyo dhaawac, waayo afarta jiho ayay rasaas u furayaan.

Dadka Muqdisho ku lugeeya waxay hada bilaabeen feejignaan dheeraad ah, waayo wadooyinka waxaa ku soo noqnoqday qaraxyada waaweyn ha noqoto Miinooyinka dhulka lagu aaso, gawaarida Miineysa, iyo dadka ismiidaaminaya, qof kasta dhegta ayaa u taagan taas oo keentay in xitaa haddii qarax taayir ah la maqlo loo qaadanayo qarax rasmi ah oo dhacay kadibna halkaas ay isku jiiraan iyadoo qof waliba niyada ku hayo sidii uga baxsan lahaa waxyeelda qaraxa uu maqlay, hase yeeshee mar dambe ayay soo yeereysaa qaylo dhaan leh “War waa taayir….War waa taayir”.

Anigoo socda Wadada Dhinaceeda ayaa waxaan ku soo baraarugey dhawaaq weyn markiiba Naxdin iyo anfariir baa igu dhacay hase yeeshee Haweeney da’ ah oo markaa in dhinac mareysey ayaa waxaan arkey iyadoo dhulka ku dhacdey waxaan is iri wax baa gaarey,markiiba waxaa ogaadey in waxa qarxay ay ahaayeen Taaayer ku xirnaa Gaari N3 ah , hase yeeshee markii waxaa loo gurmadey haweeneydii markii loo tagey waxaa la damcay in la qaado hase yeshee waxay ku qaylisey war lug baa wax iga gaareen , markii lugtii la fiiriyey waaba jaban tahay , waxana markiiba loola cararey isbitaalka, Qaraxaasi uu Taayeerka uu keeney waxaa la dhihi karaa “Jinni ku Dar Dar”

Isku soo wada duuboo Qarax Taayerka waxaa la dhihi karaa waxaa keeney Nolosha Dagaalka ee ka jirta Magaalada Muqdisho marka waxaa dadka looga baahan yahay In marka ay marayaan Wadooyinka ee ay ku badan yihiin Gawaarida in ay muujiyaan Taxadr dheeraad ah si looga badbaado in waxyeelo ku soo gaarto sidoo kale wax haboon in Gawaaridaa Ciidamada qaybahooda kala duwan iyana ay ku ekaadaan Xerooyinkooda si loo yareeyo Khasaaraha faraha badan ee ka imaanaya Qarax Taayerka maadaama ay qayb ka yihiin Dhibaatada soo gaarta Shacabka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.