Home » News »

HALYEEYADA OCEAN STARS: Marka hore Hambalyo, dabadeed talo iga hooya.!

Xulka Soomaaliya oo lagu naaneyso Ocean Stars ayaa bilaabay ololaha isreebreebka koobka aduunka oo 2014-ka lagu qaban doono dalka Brazil iyagoo ku ciyaarayay gegada Xasan Guuleed ee magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Soomaaliya ayaa kulankan oo 2 lugood ah la ciyaartay dhigeeda Ethiopia iyadoo kulankaasi oo xaalad dhanka amaanka ah darteed looga soo weeciyay Soomaaliya guri ahaan u isticmaalaysey dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti maadaama aan Soomaaliya lagu ciyaari karaynin.

Gelinkii hore ee ciyaarta ayay labada kooxoodba u muuqdeen kuwo isu gabanaya iyadoo uu howshiisii kasoo baxay daafaca Soomaalidu, taasoo keentay in aan fursado la taaban karo la sameeynin balse markii ay ciyaartu saacad socotey ayaa waxaa garoonka laga saaray oo laga ceyriyay laacibka lambarka 8-aad ee khadka dhexe u joogey kooxda Ethiopia taasoo woxoogaa ciyaarta furfurtay.

Gelinkii 2-aad ayay labada kooxiba u muuqdeen kuwo intii hore ka halisanaa iyagoo khasaariyay fursado badan oo goolal loo filan karey balse ciyaartu 90-kii daqiiqo waxay ku idlaatay gool la’aan 0-0 ah.
Ciyaartan oo ka tirsan kulamo kala bax ah oo la dhex dhigay 22-ka dal ee heer ahaan ugu hooseeya qaarada Africa oo laba laba isu arkaya ayaa Arbacada kasii socon doonta magaalada Adis Ababa ee caasimadda Ethiopia markaasoo uu soo bixi doono dalkii gaari lahaa heerka wareegyada.
Xulka Somalia oo dhan kasta uga hooseeya inta badan xulalka ka socda dalalka nidaamku kajiro lana oran karo aad bay u dadaaleen marka la eego mudada is diyaarinta, daryeelka ay heli karaan, dalka ay ka yimaadeen, iyo duruufaha dhaqaale ayaan misna la oran Karin waxba ma qabanin ama ma qaban karaan inagoo tusaale usoo qaadan karna dalka Croatia oo koobkii EURO 96 nus-dhamaadka soo gaarey tiiyoo ay jirtey inay guri ahaan u adeegsan jireen dalka Talyaaniga iyo dalal kale taasoo ay ugu wacneyd dagaalkii u dhexeeyey Yoguslaaviyadii burburtay.

Hadaba maxay tahay inay iska eegaan xidigaha OCEAN STARS si ay u wanaajiyaan bandhigooda jireed iyo kan maskaxeed:-

1- Waa in la helaa kalsooni oo xulkeennu aaminaan in dhamaan dalalka wareegan isku arkayaa aysan wax badan is dheereyn kubad ahaan, hadaba waa inay lahaadaan kalsooni shakhsi ah iyo mid kooxeed intaba.

2- Waa in muhiimadda la siiyaa wada shaqeyn kooxeed hufan oo kubada la wadaagaa lana baasaa ilaa iyo intii suura gal ah taasoo yarayneysa dhaawaca laacibiinta, daalka, sarana u qaadaysa habla dhaca ciyaarta (Game rythem) iyo kalsoonida kooxda, isla markaana horseedeysa bandhig loo riyaaqo iyo natiijo lagu raayo, fadlan yareeya gooysmada bilaa micnaha ah oo si sabar ku dheehan yahay haloo dhiso ciyaarta, goolku insha Alle si sharaf leh ayuu u iman doonaaye.

3- Waa in marka fursadi soo carafto oo goolka loo dhowaado la dabaqo istiraatijiyad ah aan gool dhalinno ee aan la dhihin aan gool dhaliyo waayo marka nin kastaahi raadiyo guul shakhsi ah iyo inuu magaciisa ku qoro boorka gool dhalinta (Score sheet) waxay taasi caato ka dhigtaa rajo kasta oo aanu guul wadareed ku gaari karno maadaama aad meteleyso 20 milyan oo Soomaalia ah kaligaa maahide la soco.

4- Waa inuu jiraa abaabul kooxeed isku xiran (Team organization) oo la isla baxaa weerar ahaan oo isla soo degaa difaac ahaan si ay kooxdu u noqoto mid daynamic ah oo si wada jir ah u dhaqaaqaysa.

5- Waloow aan ognahay in uusan jirin nidaam degsan oo lagu ilaaliyo laacibiinta waa in ilaa xad lagu dadaalaa inay ugu yaraan maalmahan helaan cunto ku filan, hurdo , jaadka iyo dhafarka oo laga dhowro IWM.

Hadii intaas la sameeyo guushu waa nasiibe waxaa la hubaa inaan ugu yaraan ciyaar wanaagsan soo bandhigi karno ee aan eegno ADISABABA iyo Arbacada soo aadan Insha Alle.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.