Mawqif kala duwan
Waxaa dharaarta ka cad in xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan ay tahay mid xush ah ama aad u jilicasan oo, isla markaana, ay muuqto inaysan laheyn qorshe sugan oo ka ambaqaada argti ku jihiheysan maareynta umuuraha socda iyo qaarka sida lama filaanka ah ku yimaada
Xaqiiqadaas waxaa tusaale cad u ah siyaabaha kala duwan ee madaxda Dowladda ku uga hadleen soo galitaanka ciidamada Keenya gudaha dhulka Soomaaliya, iyagoo, waa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wassaraha, markii hore uu ninba mar siiyay war-baahinta aragti ka duwan kan kale oo ku saabsan dhacdadaas
Dhinaca Baarlamaanka, xildhibaanadu waxay iyaguna u kala bexeen qaar u riyaaqay in Keenya askarteeda usoo dirto gudah Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ama u edbiyaan Xarakada Al-Shabaab; iyadoo qaar kalena ay diideen una arkeyn xad gudub lagu sameeyay badaxbanaanida qaranimada Soomaaliyeed
Xildhibaanada diidan waxay si cad u yiraahdeyn in Dowladda Keenya aysan heysan sharci u ogolaanaya in gudaha Soomaaliya ay ka fulido hawlo military oo noocaas ah iyadoo aan ogolaasho cad ka heysan Qaramada Midowbay, Midowga Afrika ama Dowladda iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed
Sidoo kale, qaar ka tirsan hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka iyo madaxa ururo siyaasadeed ayaa soo dhaweeyay in ciidamada Keenya ay gudaha Soomaaliya kula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab, iyadoo, weliba, hogaamiyaashees qaarkood ay ku dhiiriyeen dhammaan wadamada dariska ah inay ciidamadooda usoo diraan gudaha Soomaaliya si loo cirib tiro Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab
Mawqifka kale duwan ee siyaasiinta Soomaalidu qaadatay waxuu si weyn uga careysiiday mas’uuliinta Keenya oo runtii, si gaar ah, u dhaliilay mawqifka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, taasoo xubno ka tirsan madaxda dalkaas, asal ahaana kasoo jeeda Soomaalida gobollada Woqooyi Bari Keenya iyo, weliba, siyaasiyiin kale oo ku sugan Neyrobi ay ku tuhmay Madaxeynaha Soomaaliya inuu u janjeero dhinaca Al-Shabaab
Sida jirta, muranku markii uu aad u kululaa, wax faalo ah kama uusan bixin ninka Xog-hayaha QM wakiilka uga ah arrimaha Soomaaliya safiir Augustine Mahiga, isagoo weliba, malmahaas qaarkood ku sugnaa magaalada Muqdishow
Taas waxaa raaca, in dowladaha dariska ah aysan dhinacooda wax war ah oo ku saabsan arrintan kasoo bixin; Itoobiya, gaar ahaan, si muuqata uma soo dhaween ciidamada Keenya ee galay gudaha Soomaaliya, halka ay wadamada Tanzaniya iyo Koofur Afrika ay taageereen go’aanka ay qaadatay dowladda Keenya
Waxaa hubaal ah in dowladaha Yugandha iyo Burundi ee ciidamadoodu magaca Midowga Afrika iyo fasax, (MANDATE) Qaramada Midoobey ku joogaag Soomaaliya, in muddo ahna dagaal dheer kula jireen kooxda Al-Shabaab, in labadaas dal, sababo jira awgood, aysan ku farxsaneyn in dowladaha Keenya ama, mustaqbalka, Itoobiya ay ciidamadooda si toos ah gudaha Soomaaliya uga dagaalamaan; taaso laga war qabo in Itoobiya ay horey ugu guul dareysatay arrintaas
Heshiis dib nacay
Inkastoo ugu danbeyntii, labda dowladood Soomaaliya iyo Keenya ay dhamaadkii bishii Oktoober ee lasoo dhaafay heshiis faahfaahsan, (Detailed Agreement), ku kala saxiixdeen magaalada Neyroobi, halkaasna, sida muuqata, ku ‘hakaday’ is af-garnwaagii u dhexeeyay labada dowladood, ayaa waxaa shaki ku jiraa in dhinaca hogaamiyaasha Soomaalida uu khilaafkoodu sidaas ku dhamaaday
Marka, xagga waqtiga, la fiiriyo, waxaa heshiiska la saxiixay iyadoo ciidamada Keenaya ay joogaan gudaha Soomaaliya, taas oo aheyd tan keenta in siyaasiyiinta Soomaalidu ay isku khilaafaan xaaladdaas; welina aan la ogeen ama la saadalin karin sida xaalku noqon doona, haddiiba ay dhacdo, marka heshiiska la hor geeyo Golaha Barlamaanka
Waxaa, ka hore, inta khilaafku uusan soo bixin si hoose looga hadlayay in qorshaha ku saabsan Astaamaha Jid-marka, (Road map), ee la doonayo in dalka looga saaro marxaladda KMG ah, ay arrintaas madaxda sare DKMG ah ku hawlanaayeen qorshe iyo ololeen; kaasoo mas’uul walba si kali ah, ama isbaheysi aan laba geesood ka badneyn shaxdeed dagayo
Xaaladahaas oo dhan, iyo haddii lagu daro muranka maalmahan danbe socday, arintu tusinmaydo inay ka jirto dhinaca madaxda dalka kalsooni iyo wada shaqyn daacad ah, taasoo hagad galineysa dadaalka ku wajahan in dalka si dhaqso ah looga bixiyo dhibaatooyinka badan ee jira
Al-Shabaab iyo amaanka Keenya
Waa muuqataa in Xarakada Al-Shabaab ay mareyso marxalad gabal dhac ah, waqtigooduna soo koobmay, dhinaco badan looga yimid; mana ah, oo kaliya, in awoodood ciidan ku naafowday dagaaladii cuslaa ay la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee keenay in magaalada Xamar, badankeeda, laga saaro; ha yeeshee, guul darada Al-Shabaab heysata waxaa ugu weyn in dad weynuhu dayriyay fakarkooda diineyd ee ku dhisan dilka iyo gaaleynta
Haddii aan si kale u sheego: fahamka gaaban ee, markii horaba, ahaa mid ka baxsan xaqiiqada Diinta Islaamka, isla markaana ka horjeeda doonista bulshada ee dagaalka sokeeye oo ku dheeraaday awgiis, baahi weyn u qabta nabad, dowladnimo iyo nolol caadi ah, ayaa ahaa mid ku xukuman fashal
Dhinac kale, waxaa arrin aan leys weydiinayn ah, in jiritaanka ururka Al-Shabaab uu dhibaato iyo walwal weyn ku yahay Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah; dowladda Keenyana ay dhawaan ku eedaysay Al-Shabaab inay dad shisheeye ah ka af-duubeyn gudaha dalkeeda, iyagoo dhinaca Soomaaliya u kaxeeyay, kuna haya meelo qarsoodi ah, taasoo ah arrinta sababta in ciidamada Keenya u gudbaan soohdinta dhinaca Soomaalia
Xaalkaa oo sidaas ah, ayaa su’aashu waxay tahay: wareerka circa, dhulka iyo xatta badda ee ciidamada Keenya soo qaadeyn ma waxuu ku wajahanyahay, oo kaliya, kooxda Al-Shabaab iyo meelaha sal dhigga u ah, mise waa mid u jeedo-badan ah, (Multi-purpose) oo dano ISTIRATIIJIYADEED ku lifaaqantahay?! –taasoo weliba la ogsoonyahay in Keenya ka mid tahay ah wadamda darsika Soomaaliya la ah, kalana dhexeeydo muran dhuleed oo laga dhaxlay gumeysgii Reer Yurub
Dadka la socoda umuuraha Geeska Afrika, sida gaarka ahna isha ugu haya wadciga siyaasadeed ee ka dhashay soo galitaanka ciidamada Keenya Soomaaliya kama hadlayaan, oo kaliya, qorshaha dhinaca ammaanka ee Keenya dooneyso inay ku taageerto dhismaha maamul goboleedka ASAANIYA, oo ay rabto inuu u noqdo Deyr ilaalo, (Security Zone), oo ku wajahan Xarakada Al-Shabaab, lakiin waxaa iyana meesha ku jirta arrinta ku saabsan soohdimeynta badda u dhexeyda labada dal iyo haddii baaritaan mustaqbalka laga sameynayo shidaal iyo macaadan kale oo la tuhunsanyahay inay ku jirto halkaas
Hubaal, shaki kuma jiro in ururka Al-Shabaab uu maryo marxalad quus ah oo hankoodii ahaa inay Soomaaliya ka hir-galiyaan DOWLAD NUUCOODA AH ay taas dabeyluhu la tageen; isla markaa shaki kuma jiro in ururku, weli, geysan karo falal danbi oo naxdin badan sida kii Hotel Shaamo ee Diseember 2009 ama sida kii Hotel Muna ee Augost 2010 iyo kii bishii Oktoobar ee na dhaaftay ka dhacda Wassaradda Hargaha iyo Saamaha
Waxaan ogsoonahay in, sidaas oo kale, Al-Shabaab ay dhawr meelood oo Soomaaliya ka mid ah sida magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso ay fal noocaas ah ka fuliyeen bishii Oktobar 2008, iyo kii ay ka geysteen magaalada Baladweyne 18-kii Juun 2009 oo ay ku dileyn rag badan oo wax tar ahaa
Meelaha Soomaaliya ka baxsan, waxaa ugu weyn qaraxyadii lagu le’day ee kooxdu ka geystay magaalada Kambaala, caasimadda Yugandha, 11-kii Juun 2010 taasoo noqotay dhacdo dowladaha dariska ah iyo wadmo kaleba ka fajiciday
Sidaa darteed, waxay is weydiin mudan: goormaa danta Soomaalida, ee mar welba khatar nuuc cusub ah gasha, ay ka badbaadi doontaa hagarta dowladaha dariska ah, ururo xag-jir ah, hogaamiye kooxeed iyo dalaal dano shisheeye wakiil u ah?!
Allaahayow, adigaa Soomaaliya u maqan!!
hassanhaile@hotmail.com
ACWW
Wadani waad mahadsantay si wanaasan baad u dhigtay…!!
Waxaan tan Wadani ku kordhinayaa, siyaasiyiinta somalida maanta waa laba kooxood. koox waxay doorbideen inay kabaqaadnimo wax ku helaan, itobiya, kenya, yugandha ama beesha caalamka kuwii uu wax ka helikaro inuu kabaha u qaado, kooxdaas dalkoodhami waa u iib(bad, dhul iyo hawaba), qoladii sicir fiican u gaadha waa ka iibinayaan, tusaale badii kenya laga iibiyay, suntii cali mahdi. kooxda kale waa irhaabiyiinta al-shabab iyagu kabaqaadna maha dalkana iibin mayaan, laakiin gaaloo dhan mid fog iyo mid dhawba waa inaku soo jeediyeen oo dagaal aan dhamaad lahayn bay nagaliyeen. marka somali waa u “laba daran mid dooro” ……!!!
Asc waxaa xaqiiqo ah, in qoraha maqaalku uusan dareensaneyn xaqiiqada dhabta ee somaliya ka jirta, gaar ahaan arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda ee la xariira dawladaha u hanqal taagaya dhulka dahabka ah ee aan cidi laheyn illaa dad yar oo fara ku tiris ah mooyee.
Dadka Afrikaanka ah marka aad hab/dhaqankooda fiiriso, waxay fiirshaan lugahooda wixii ka hooseeya, ma fiirshaan hortooda waxa yaal, inaguna waa ugu liidannaa dadka madow badankooda.
Dalka mar hore ayaa qorshe loo dajiyey lagula wareegayo Al shabaabna waa marmarsiiyo caalamka lagu indho saabayo ee runtii Kenya maalin khatar kuma noqon ALSHABAAB ee maanta maslaxad reer galbeed iyo dhulka cidlada ah iyo waliba ku shaqeysiga dhuuni qaatayaasha maangaabka ah ee aan dareensaneyn khatarta dhulkiisa hooyo ku soo food leh ayey xudduudka uga gudbeen.
Anigu waxaan qabaa khatar weyn ayaa jirta ku saabsan dhulkeenna hooyo, laakiin waa doqoni ma garato.
Waxaa go’aan lagu gaaray, in waddanka tuulo walba madaxweyne loo yeelo, kaddibna magac dawladeed lagu diriro oo dawlad walba ciidan shisheeye u yeerato, sida hadda Azaaniya oo qabiil ku dhisan ay kenya ugu yeeratay, barrina ay qabiilooyinka kale ugu yeeranayaan dawlado kale.
Waxaa kaloo go’aan lagu gaaray, in maalin walba wiil aan waayo arag aheyn xamar la soo taago oo madax laga dhigo, marka uu fakar isdhahana meeshii laga keenay dib loogu celiyo, si aan waligeed loo helin halyey reeryada iska dhiga oo dalkiisa hoggaanka u qabta, shisheeyana bannaanka iska dhiga.
Waxaa kaloo aan meesha ka marneyn dabar goynta aqoonyahanka, caaqiliinta, waxgaradka, mufakariinta iwm, si loo yareeyo dadka damiirka leh ee ka qamuunyoon kara xumaanta lagu wado dalkooda hooyo.
Waxaan leeyahay alshabaab waa dhallinyaradii iyo xooggii mustaqbalka, waa cududdii dalka difaaci laheyd, halyeeyo badan ayaa ku jira, madaxdii barri ayaa ku jira, aqoonyahanno badan ayaa ka soo dhexbixi kara, yaan gacan shisheeyo lagu xasuuqin, yaan calooshooda u shaqeystayaal loo soo kireysan. Waa wiilasheennii, waa ardeydeenni, waa ubaxeennii, waa mustaqbalkeennii aan maslaxaddooda ka talinno oo wada hadal hala furo, gogosha halla badiyo, meelo badan wax halaga fiirsho( yaan wiilasha somaliyeed kursi iyo dano qabiil loo baabi’in, waa iga talo soomaalinimo, waddanimo).
Yaan dalka dib qabyaaladdii iyo dagaal oogayaashii loogu soo celin ee aan isdaba qabanno masladdu waa dhawdahaye, gacmo shisheeyana iska saarno.
Waddani weyn.