Home » Warar »

Soomaalida S/Afrika, waxaa aay Saaxiib u Yahiin Dil Iyo Dhac Joogta ah.

Soomaalida ku dhaqan dalka S/Afrika, waxaa aay Saaxiib u yahiin dil iyo dhac joogta ah, oo aay had iyo jeer kula kacaan dadka madowga ah ee u dhashay dalkaasi Koonfur-Afrika,

Sooomalida ku dhaqan halkaasi boqolkiiba 90 waa ganacsato, waxaa ayna ganacsiyo yar yar ku leeyahiin gooba Tuulooyinka, ah oo dhibka inta badan ka soo gaaro taasi,oo ku tiirsaan noloshooda.

Waxaa ayana jira ganacsato Soomaaaliyeed oo aad tirooda u yar tahay oo nasiib u yeeshay in ay horamar ku samayeen ganacsiyooda, korna u qaadan ganacsiyooda kubaasi oo ganacsiyo balaraan ka abuuray Magaalooyinka waa weyn ee dalka S/Afrika.

Dhibaatooyinka Soomaalida waxaa aay inta badan ka soo gaarta goobaha tuulooyinka ah, oo ah halka boobka dhaca dilalka aay ka dhacaan inta badan goobahaasi oo ah meelo halis ah oo aay ku dhaqan yahiin qomiyadaha madowga ah ee u dhashay dalkaasi Koonfur-Afrika.

Waxaa had iyo gor aay kula kulamaan dhibaatooyin baaxad weyn oo aay ugu horeyso dilaalka ka baxsan beni adaanimada oo aay dhacdo, in lagu gubo ganacsiyada dhex dooda xilyada aay hurdayaan ganacsataasi Soomaaliyeed.

Hadaba Waxaa halkaan idinkugu soo gudbin doona qaar ka mid ah muuqalada gacanacsatada Soomaalida ah, ee wax yeeldada kala duwan ka soo gaartay intii aay ku sugnaaayeen gudaha dalka K/Afrika.

Qormada Iyo Sawirada Labaad waxaa idiin kuugu soo gudbin doona hadu allaha awooda ogalaado Soomaalida iyo goobaha halista ah aay ganacsiyada ku leeyahin habada qaar ka mid ah muuqalada oo hor dhac ka daawo halkaan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Waxa Idiin Diyaarshay Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh

Tel; 0027786293859

E-mail; nuur.usa@hotmail.com

Cape Town South-Africa,

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaalida S/Afrika, waxaa aay Saaxiib u Yahiin Dil Iyo Dhac Joogta ah. "

  1. Abaaley says:

    Waxaan aad iyo aad uga xumahay dhibka heystay dhalinten Somaliyed
    ee ku dhaqan dalka S/africa alle waxaan uga baryaya in uu ka sabata
    bixiyo dhibka heysta allow u gargaar.