Home » Maqaallo »

Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-xaj Q 4aad Fadliga Maalinta Carafo

Dardaaranka Todobaad ee Bishaan Dul-xaj waxaa uu yahay ianana ka faaiideysano Maalinta Carafada, Maalinta Carafo waa maalin aad u Fadli Badan waana Maalin maamuus Gaar ah ku leh Diinta Islaamka ah iyo Dadka Muslimiinta, waxaana tusaya Fadliga Maalinta Carafo arimahaan soo socda:

1- Maalinka Carafo waa maalintii la dhamestiray Diinka iyo Nicmadauu Allaah ku Maneestay Muslimiinta, waxaaana soo dagay ayadoo carafo la taagan yahay aayado Muslimiinta ugu Bishareynaya in Diinkoodii loo Kaamilay, Allaahna uu Diinkaas raali uga yahay inuu Diin u ahaado.
Bukhaari iyo Muslimba waxaa ku Qoran inuu nin Yuhuud ah Cumar ku yiri: Amiirkii Mu’miniintow Aayad Kitaabkiina ku qoral oo aad aqrisaan hadii ay Aanaga Yuhuuda nagu soo dagan laheyd waxaan Beshaaradaas ka dhigan laheyd Ciid, markaasuu Cumar ninkii Weydiiyay: Waa tee Aayadu? Yuhuudii wuxuu yiri: Aayada ku jirta Suurada Maaidah {اليوم أكملت} Cumar ayaa markaa Yuhuudii ugu Jawaabay: Waa naqaan Malinka ay soo dagatay, iyo Meesha ay Rasuulka akulasoo dagatay, asaga oo taagnaa Carafo maalin Jimca ah.

Xadiiskaas waxaa uu nagu baraarujinayaa in Aayadan Bishaarada ah ay Muslimiinta kusoo dagatay Maalin Jimca ah ayadoo Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee iyo saxaabadiisuba carafo taagnaayeen, Maalintaas oo dhan kasta ka aheyd Maalin aad u weyn hadii Jimcaha la yiraahdo iyo Hadii Maalin Carafo la yiraahdo iyo Aayada Bishaarada ah ee kusoo dagatay la yiraahdaba, taasna xataa waxaa dareemay inay tahay Bishaaro qiima gal nin Yuhuudii Reer Madiinah ka tirsanaa arintasnaa ilaa u ka weydiiyay Cumar Qiimaha ay Muslimiinta ku dhex ledahay, Jawaabta Cumarna waxay noqotay inay Maalinta Aayadaas soo tagatay aheyd Maalin carafo Maalin aad u weyn.

2- Waa maalin Ciid u ah Muslimiinta Sida ku cad Xadiiska Nabiga uu ku Sheegay:Maalinta Carafo Maalinta goeraca Bilaawdo ee Tobonaadka iyo Maalmaha loo yaqaan Maamaha Hilbo warashada oo sadaxda Maalin ee ka Dambeysa Maalinta Tobanaadka in ay Muslimiinta u yihiin Ciidsida ku cad Xadiiskan Ay wariyaan Ahlu-Sunanka:
Nabiga Suuban waxa uu yiri:{Maalinta Carafa Maa;linta (9aadka) Gowraca (10aadka) iyo Maalmaha Hilba warashada (11.12,13aadka) waa Ciidaana dadkeena Muslimiinta ah, ..}
[رواه أهل السنن]

3- Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah [Cw] ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, illaaha weyna kuma Dhaarto ilaa wax Qiimo weyn leh maahane, sidaa darteed ayaa waxaa laga fahmayaa Maalinta Carafo inay tahay Malin aad u weyn una Qiimo badan sida ku Cad Xadiiska uu Abuu Hureyrah wariyay inuu Nabiga yiri: {Maalinta Mowcuudka ah [Maalinta la isu yaboohay] waa Maalinta Qiyaamaha, Maalinta Mash-Huudka ahna waa Maalinta Carafo} Xadiiskan Tirmidi ayaa wariyay Albaanina Xasan ayuu ku tilmaamay.
Suurada AlBuruuj Aayada 1,2, 3aad: {Eebe wuxuu uu ku dhaartay Samada Xidigaha leh. iyo Maalinta la isu yaboobahay (Maalinta Qiyaamaha iyo dadka joogsan Maalintaas iyoi waxyaalaha imaad Maalintaas)}Sidoo kalan Ibn u Cabaas waxa uu ku macneeyay Aayada 3aad ee ku jira Suurada Alfajr in loola jeedo qeyb ka mid ah Maalinta Carafo: {1-Eebe waxa uu ku dhaartay waa Bariga. 2- iyo Habeenada Tobanka ah (ee Dul-Xaj u horeeya) iyo Tirada Siman [Maalinta Ciida 10aadka] iyo Tan isdheer [Carafo 9aadka]}

4- Soonka maalinka Carafo waxaa lagu Dhaafaa Dambiyada Laba Sano, midkii tagay iyo kan soo socda sidaa waxaa sheegay Nabiga suuban markii laga su’aalay Maalinta Carafo sida ku Sugan xadiiska uu Muslim ku wariyay saxiixiisa: {Waxaa lagu Dhaafaa Dembiyada Sanadkii tagay iyo Sanadka soo socda}.

Yaboohan Nabiga Suuban sheegay inuu helayo Ruuxii soomaa waxaa uu nagu baraarujinayaa inaan ku dadaalno Soonka Carafo, Fadliga uu leeyhay Maalinka Carafo, islamarkaana waa inaan Soonka Maalintaas uga tagain dooda Culimada qaar ka qabaan hadii uu Maalinka Cafaro Sabti kusoo aado, maxaa yeelay Ula jeedada Soonka waa carafo iyo fadliga Maalintaas ku jira in la helo ee ma aha in sabtiga dartiis loo Soomayo, waxaan intaas dheer Xadiiska ay daliishanaayn rag badan ayaa muran badan ayaa ka taagan saxiixnimadiisa, haduu saxiixoobana waxa uuu Noqonayaa Shaad waayo waxa uu khilaafsan yahay Axaadiis Bukhaari iyo Muslim ku qoran oo ka saxiixsan, waxaana Intaas sii dheer Abuu Daauud Alaha u raxmadee waxa uu ku Tilmaamay inuu yahay xadiis la Nasaqay.

5-Waa Maalintii uu Illaah Balanka ka qaaday ilma Aadam ee uu ku yir:{ألست بربكم} Soow Rabigiina Maahi? oo ay ku jawaabeen Waad Tahay wanan Marqaati kaceynaa, sida ku Cad Aayadaha 172.173aad ee Suurada Al-Acraaf: {172- [Xusuuso] markuuu Eebaha ka qabtay Dadka Dhabarkoodii Faracoodii uuna marag uga yeelay Naftooda, kuna yiri: miyaanan Eebihiin aheyn oy dhaheenna inaad Eebehenna tahay yaan Marag kacnay, inaydaan dhihin Maalinta Qiyaame anaga waan halmaansaneen kan. 173-Ama aydaan dhihin waxaa wax la wadaajiyay (Eebe) Aabayaalkeenii mar hore anaguna waxaan anahy Farac ka dambeeyay, oo miyaad noo Halaagi waxay faleen Xumo falayaal}
arintaas oo muujineysa in Maalinkan carafo yahay Maalin Qiimo iyo darajo weyn ku leh Illaah agtiisa, anagana ay wanaagsan tahay inaan weyneyno sidaasna waxaa cadeeyay xadiiska uu wariyay Imaamu Axmad ee uu Albaanina Saxiixiyay.

6-Maalinka Carafo waa Maalinka ugu badan ee uu illaah Naarta Dadka ka Xoreeyo, Rabina Aadoomihiisa ugu dhaw yahay, Maaligtiisana waxaa uu ugu Faanaa Cibaada badnida ilmo Aaadam Sida ku Cad Axadiistan Soo socota:
Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen inuu Nabiga Suuban yiri: {Ma jirto Maalin ka badan inuu Allaah adoomaha ka xoreeyo Naarta Maalinta Carafo}
Imaamu Axmadna waxa uu wariyay Albaanina uu saxiixiyay Inuu nabiga yiri: {Illaah malaaigta ayuu ugu faanaa Maalinta Carafa dadka carafo taagan, waxa uu yiraahadaa fiiriya Adoomaheyga waxay ii yamaadeen ayagoo Timo Basaasaan Boorna korkoodu leeyahay}.

Marka Walaalah Muslimiinta waxaan leeyahay ku Dadaala inaad Soontaan Maalinta sabtiga si aad fadiilada faraha badan ee ku jira Soonka Maalinta carafo iyo Maalintaba fadligeeda u heshaan.

W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.