Culimada Muslimiinta waa ay isku wada raacsan yhiin Asal ahaan inaysan banaaneyn in Maalinta sabtiga Soon gaar ah lala beegsado ayadoo uusan Qofka uga soo aadin Caado uu lahaan jiray ama Maalin sida carafada oo kala ah oo Soonkeedu Suno daliil gaar ah leh yahay.
Marka hadii la yiraahdo side la yeelayaa Xadiiska ay wariyeen Tirmidi 744, Abuu Daauud 2421, Ibnu Maajah 1726 ee uu Albaani ku Saxiixiyay kitabkiisa Al-Irwaa 960, Xadiiskaas oo macna u xambaarsan yahay uu yahay: inaan la soomin Maalin sabti ah ilaa inuu Soon farad ah yahay maahane?
Imaamu Tirmidi waxaa uu yiri marka uu Sharaxayay xadiiskaas: [xadiiska waa xasan darajo ahaan macnaha Karaahida Soonka sabtiga ahna waa inuu Ruuxa ku gaar yeelo Soon maalinta Sabtiga; maxaa yeelay Yuhuda ayaa weyneyn jirtay Maalinta sabtiga]
Ibnu Qudaamana waxaa uu ku yiri Kitaabkiisa Muqgniga 3/52: [Asxaabteena waxa ay yiraahdeen – waa xanbaliyadee- waa karaahiyo in Maalinta sabtiga ah Soon lagu gaar yeelo, wax Karaahida ah waa gaar yeelida Soonka Sabtiga, haduuse la Soomo sabtiga Maalin kale lama karaahsado sida uu tusayo Xadiiska Abuu Hureyrah iyo xadiiska Juweyriyah – hoos ka eeg- haduu waafaqo Soomid Ruux lahaan jiray lama Karaahsado]
Xadiiska Abuu Hureyrah waa kan ay wada wariyeen Bukhaari 1985 iyo Muslim 1144 oo uu Nabiga ku yiri: {yuusan Soomin midkiin Maalin Jimca ah ilaa Maalin ka horeeya iyo Maalin ka dambeeya maahane}.
Xadiiska Juweyriyana waa xadiiska Bukhaari 1986 kaasoo ay Juweyriyah ku sheegtay inyy Nabiga yiri markii uu Juweyriyah usoo galay ayadoo Sooman maalin Jimco ah: {Ma Soontay Shalay? Waxa ay ku Jawaabtay Juweyriyah: maya, waxa uu weydiiyay Nabiga ma dooneysaa inaad Berito Soonto? Waxa ay ku jawaabtay: maya, waxa uu ku yiri: fur Soonka hadaba}.
Shiikh Saalax AlMunajjid waxa uu labadan xadiith ka ku Tacliiqiyay: [Xadiiskan Juweyriyah iyo kii ka horeeyay waxay si Cad u tusayaan inuu banana yahay Soonka Maalinta Sabtiga ah ayadoo ramadaan aheyn, waa haduu Qofka Soomo Maalin ka horeysa].
In la soomi karo Maalin Sabti ah Soon Suna ah waxaa kaloo tusiya Axaadiista ka hadashga Soonka nabi Daa’uud ee ahaa maalin Dhaafka waayo waxaa Hubaal ah inuu Soonkaas kusoo aadayo Maalmaha qaar sabti, xadiiska Sheegaya Soonka nabi Daa’uudna waxaa uu ku qoran yahay Bukhaariga inuu nabiga yiri: {Soon waxa uu Illaah u jecel yahay Soonkii Nabi Daa’uud, waxa uu ahaa Daa’uud maalina inuu Soomo Maalina Afro}.
Xaafid Ibnu Xajarna waxaa uu yiri mar uu Jimcaha Soonka Sunaha ah ee la reebay ka hadlayay: [Reebitaanka Soonka Jimcaha waxaan ku jirin nahyigaas oo banana in la soomo Ruuxii lahaan jiray Caado Soon Suna gaar ah sida Carafa oo kale, hadii ay Jimco kusoo aado, waxaan la mid ah Sabtiga]
Arintan Ibnu Xajar ka hadlayaa waa in la Soomi karo Maalin Jimce ah am sabti ah hadii ruuxa ay kaga soo beegmaan Soon DSuno gaar ah oo uu Soomi jiray sida carafe ama Caashuuraa ama Soon la mid ah kii Nabi Daauud Ruuxii leh, sababtana waa in Sababta Soonka ay tahay sabab gaar ah oo waxaa la yiraahdaa Soonka Carafo ama Soonka Caashuuraa ama Soonkii Sunada ahaa ee Nabi Daa’uud oo kale mana uga tagayo Nahyiga Mudhlaqa ah dartiis, waayo Axaadis fara badan ayaa Fartay Soonka Carafo iyo Caashuuraa Fadli badana ku sheegtay Cilada Soonkana waa Suno
Sh Cabdi Caziiz Ibnu Baaz waxa uu yiri:{xadiiska diidaya in la Soomo sabtiga wax aan aheyn Soon waajib ah, waa Macruuf xadiiskaas waxa uu ku qoran yahay Buluuqul-Maraamka waana xadiis Daciif ah, Shaadna [khilaafaya Axaadiis ka Saxiixsan] waxaana ka mid ah Axaadiistaas [yuusan Soomin midkiin Maalin Jimca ah ilaa Maalin ka horeeya iyo Maalin ka dambeeya maahane] waxaa la ogyahay Maalinta Jimcaha ka dambeysa waa Maalinta Sabtiga ah, xadiiska arintan ka hadlaya waxa uu ku qoran yahay Bukhaari 1985iyo Muslim1144, waxaa uuna Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis alaha yeelee Soomi jiray Maalmaha Sabtiga iyo Axada waxa uuna dhihi jiray: [Labadan Maalin-sabtiga iyo Axada- waa Laba maalin oo Mushrikiinta Ciid u ah waxaanan jeclahay inaan khilaafo] Imaamu Axmad ayaa ku Wariyay 26750, Ibnu Xibaana saxiixiisa 3616, Axaadiista Muujisa Macnaha a in la Soomi karo Soon Sunno ah waa badan tahay, dhamaantoodna waxa ay muujiyaan inuu banaan yahay in la Soomi karo Suno Maalinta Sabtiga,..} Sh Ibvnu baaz waxaa kaloo kula mid ah inuu Baan yahay Soonka Sunaha ah Maalinta Sabtiga ah Lujnada Daaimka ah ee uu ka mid ahaan jiray Sheekha..
Xaaladaha Soonka sabtiga
Si arintaas usii cadaato ayuu Sh Ibnu Cutheymiin Faahfaahiyay Soonka Maalinta sabtiga inta Xaaladood uu yeelan karo si uusan Ruuxna ugu dagmin muranka ka yimid Culimada qaar ee ku Saabsan Soonka sabtiga ah haduu ku aado Maalin carafp ama Maalin kale oo Soonkeedu Suno ahaa waxa uuna Sheegay inuu Shax Xaaladood leeyahay Soonka Maalinta Sabtiga la Soomo.
Xaalada Koowaad ee Soonka Sabtiga: Soonka sabtiga Maalin farad ah sida Ramadaanka, ama Qadeyn ah, ama kafaaro ah, ama Soonkii ka badalka ahaa hadiyga kii Tamatucau Xajkiisa, Soonka sabtiga saas haduu yahay wax dhib ah malaha waala Soomi karaa, haduusan Qofka Soomayaa Ictiqaadin inuu sabtiga fadiilo gaar ah leeyahay.
Xaalada labaad ee Soonka Sabtiga: Inuu Ruuxa la Soomo Jimcaha ka horeeya dhib malaha, maxaa yeelay Nabiga waxaa uu ku yiri Hooyooyinkii Mu’miniinta mid ka mid ah oo Soontay Maalin Jimca ah: {Ma Soontay Shalay? Waxa ay ku Jawaabtay Juweyriyah: maya, waxa uu weydiiyay Nabiga ma dooneysaa inaad Berito Soonto? Waxa ay ku jawaabtay: maya, waxa uu ku yiri: fur Soonka hadaba} arintaasna waxa ay Tuseysaa Sabtiga Soonkiisa inuu banaan yahay hadii Jimcaha lala Soomo.
Xaalada Sadaxaad ee Soonka Sabtiga: inuu Soonka sabtiga kusoo beegmo Maalmo soonkoodu Mashruuc yahay sida: Maalmaha sadaxda ee Bilsha Bartankeeda [ayaamul-Biid] iyo Soonka Carafo iyo Soonka Caaashuuraa, iyo Soonka lixda Maalmood ee Shawaalka Ruuxii Soomay Ramadaanka, iyo sagaalka Dil-Xij, Soonkaas dhib malaha; maxaa yeelay uma Soomin Ruuxa Sabti darteed ee wuxuu u Soomay inay tahay Maalmo Soonkoodu Sharci yahay ahaan.
Xaalada Aafaraad ee Soonka Sabtiga: inuu Soonka sabtiga ku beegmo Caado Soon uu qog lahaan jiray, sida Ruuxii Soomi jiray Maalin Maalina Afuri jiray, hadii uu Sabti kusoo Beegmo Soonkiisina dhib malaha, sida uu cadeeyay nabiga Suuban nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee markii uu reebay in la Soomo Maalin ama laba Maalin ka hor Ramadaanka: {marka laga reebo Ruux Soomi jiray Soon caado u ahaa ha Soomo} kana waxaa la mid ah Soonka sabtiga.
Waxaan leeyahay hadalkaas macnihiisu waa [Soonka Sabtiga waa fasax Ruuxii Caado Soon lahaa wuu soomi karaa sida Soonka Carafo haduu Sabti kaga beegmo].
Xaalada Shanaad ee Soonka Sabtiga: inuu Ruux sabtiga Soon suno ah ku gaar yeelo, waa kaas kan la diiday, waa hadii uu saxiixoobo Xadiiska ka hadla Soonka Sabtiga. Majmuuco fataawa 20/57.
Marka waxaan kusoo gabagabeynaa Muslimiinta Caadada u lahaa inay Soomaan Maalinta Carafo waxaa banaan inay Soomaan Sabti xataa hadey kaga soo aado, hadalka SH Ibnu Cutheymiin ee ah [waa hadii uu saxiixiibo Xadiiska ka hadla Soonka Sabtiga] waxa uu muujinayaa inuusan Musalam aheyn saxiixinta Sh Albaani ee Xadiiska reebaya Soonka Maalinta Sabtiga, waxaa kaloo hadalka Sh Ibnu Cutheymiin Muujinayaa xataa haduu saxiix ahaan lahaa Xadiiskaas inuusan Reebeyn Soon uu Ruux caado u lahaan jiray sida Soonka Maalinta sagaalaad ee carafe oo kale.
Dhinaca ku Saabsan saxiixnimada Xadiiska reeba Soomitaanka Maalinta Sabtiga waxaa kaloon qabin Ibnu Baaz kasii horna waxaan qabin Ibnu-xajar Al-casqalaani waxa uuna ku yiri I Buluuqa: Rijaalsha Xadiiskan waa sugan yihiin, hase yeeshee waa Mud-darib [] waxaana Inkiray Maalik, Abuu Daa’uudna waxa uu yiri: waa mid la Nasaqay.
W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.