Home » Maqaallo »

Dardaaran ku gaar ah Dul-Xaj Q 3aad Sabtiga Sagaalka Carafo Waa la Soomi karaa!!

Waxaa horay u jiray welina taagan khilaaf ku saabsan Soonka Sunada Aadag ah haduu ku aado Maalin Sabti ah, sida hada taagan oo Soonka Carafo uu ku began yahay Maalin sabti ah, waxaanan weliba arkay Maqaal uu qoray Nin walaal ah [Mala Soomi karaa carafada sanadkan ..] , kuna soo gababaeeyay Qoraalkiisa inaan la Soomi Karin Sabtiga Carafo ahaan, asaga oo daliishanaya Xadiiskii daciifka ahaa iyo Nuqul oo Sh Albaani kasoo guuriyay!

Hadaba waxaan leeyahay arinta intaas waa ka gun weyn tahay warkuna sidaas mawada ah waxaanan ogahay inuu Sheekh Albaani Allaha u Naxariistee Mas’aladaas ku qancay wax badana ka yiri laakiin taas Macnaheedu ma aha inuu ku Raajix yahay, maxaa yeelay waxaaba marka koowaad Doodu ka taagan tahay xadiiska Mas’alada Sabtiga inaan la Soomin Asalka u ah, waayo Xadiiskaas waa Xadiis Daciif ah waxa uuna ku Qoran yahay Kitaabka Buluuqa ee uu qoray Xaafid Ibnu-xajar, waxaana uuna Xadiiska ka hor yimaadaa Axaadiis ka Saxiixsan taasna waa Cilad labaad, Sh Albaanina asagaaban ka baranay inaan Axaadiista dafiicka ah Xujo laga dhigan karin…

Sh Cabdi Caziiz Ibnu Baaz Allaha u Naxariistee oo la weydiiyay in la Soomi karo Carafo hadii ay kusoo aado Maalin Sabti ah waxa uu ku Jawaabay: {waxa uu yiri Xadiiska Diidaya in la soomo sabtiga wax aan Waajib aheyn waa Macruuf, waxaa uuna ku qoran yahay Buluuqul Maraamka Kitaabka Soonka, waana xadiis daciif ah Shaadna ah (khilaafaya Axaadiis saxiix ah) waxaana ka mid ah Axaadiistaas: [ha Soomina Maalin Jimca ah ilaa ianaad Soontaan ma ahane Maalin ka horeeya ama Maalin ka Dambeeya] waxaana la ogyahay Maalinta ka Dambeysa Jimcaha waa Maalin Sabti ah, xadiiska arintan ka hadlayna waxa uu ku Qoran yahay Saxiixeynka, Fiiri Saxiixa Bukhaari 1985 kana Fiiri Saxiixa Muslim 1144, waxaa uuna ahaa Nabiga Suuban inuu Soomi jiray Maalinta sabtiga ah iyo Maalinta Axada ah waxaa uuna dhihi jiray: [Labadan maalin –Sabtiga iyo Axada- waa Laba Maalin oo Mushrikiinta Ciid u ah waxaanan jeclahay inaan khilaafo] ka fiiri Musnadka Axmad 26750 iyo saxiixa IBnu Xibaan 3616, Axaadiista muujisa macnahan ah in la Soomi karo Sabti Soon Suna ah waa Badan tahay, Dhamaantoodna waxa ay Tusayaan in ay Banaan tahay Soonka Sunaha ah Maalinta Sabtiga, dhamaanteen kheyrka Allaha na Waafajiyo} .
Kalimadaha aan kor kusoo sheegay waxaa Fatwooday Sheekh C/Caziiz Ibnu Baaz waxaana sidaas oo kale Fatwooday Lajnada Daaimka ee Culimada Sacuudiga oo uu Sh Ibnu Baaz Xubinta ka ahaa….

Marka waxaan leeyahay waxaa banana in la Soomo Sabtiga Suna ahaan waayo Xadiiska sheegay inaan sabti la Soomi Karin waa Daciid marka koowaad, marka labaadna waxa uu khilaafsan yahay Axaadiis Saxiix ah, Xadiiska khilaafa Xadiis Saxiix ahana waxaa loo yaqaan Shaad mana la daliishan karo, sidaa darteed ayaan walaalka iyo walaal walba oo qaba inaan la Soomi Karin leeyahay inta aadan Usuul Fiqiga aadin Xadiiska sugnaatiisa aad, hadii uusan sugneyn Sixadiisa ma jirto Sabab looga hor mariyo Axaadiista ka Saxiixsan Sanad ahaan.
Gabobago: si uusan Maqaakla u dheeraan ayaan intaas kusoo koobayaa Dulucda qoraalkeyga oo ah Beri waa Maalin Sagaalaad waxaana loo Soomayaa inay Maalin Carafo tahay ee loo Soomayo inay sabti tahay ahaan, dadka qaba inaan Sabti Carfo la Soomin Xadiiska ay Daliishtaan waa Daciif aan xujo noqon Karin lagana hor marin Karin Axaadiista Saxiixa ah ee aan kor kusoo sheegnay.

W/Q: calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.