Home » Maqaallo »

Xoog aan xikmadi ku dhisneyn xabaal baa u danbaysa

Umad kasta oo dunida ku nooli waxa ay u baahan tahay in ay yeelato xoog ka caabiya cadaw kasta oo dibadda iyo gudaha kaga yimaada si ay u helaan nabad iyo nolol waarta oo caalamka ay kula jaanqaadaan.
Soomaaliya tan iyo maalintii ay dhacday xoogii militari ee maamuli jiray dalka muddo kabadan 20 sano, lahaana awood milatari oo haybad iyo quwad ku lahaa dhamaan qaardda Afrika ma is waydiisay “aaway xaguu ka baxay”?.
Jabhadihii ku dhisnaa qabiilka ee riday awooddaas “aaway xagay ka baxeen”?, qab-qablayaashii ka danbeeyay rididtaakii xukuumaddii hore ee xoogga ku haystay ummadda “aaway xagay ku danbeeyeen”?, kuwaan maanta hortaagan ummadda “xagay ku danbayn doonaan”?.
Si hadaba aan taas u ogaano waxaa muhiim ah in aan iswaydiino (Xoog aan xikmad lahayn intee ummadi hayansan karaa?), maxuuse ubaahanyahay xoog kasta si uu u jiro in uu helo?, maxaase ka dhaxeeya xoogagaas soo maray Soomaaliya iyo kuwa hadda wadadii xoogagii kii horeeyay haayo?, maxayse ku kala badalan yihiin?.
Waa su’aalo u baahan iswaydiin iyo turxaan bixin, si aan u helno badbaada joogta ah oogana badbaadno balaayada maalin walba shaati soo xirata, “sharf ayaan wadnaa” dadkiina shar iyo sharaf dhac ku khatima iyo ilaahaw nadhaafi kuwaan shartoodda.
Xoogagaas so maray Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya:-
1- In dhamaantood ay ku yimaadeen xoog ay rabaan in ay ku xaqiijiyaan damac khaas ah iyo dana hoose oon marnaba ka tarjumayn dan Soomaali iyo dawlad loo siman yahay.
2- In ay kaashadaan sukeeye iyo shisheeye intaba si ay u xaqiijiyaan in ay shacabka xaaraan ku haystaan xoolahoodana boobaan, xaqbadna ka jaraan, cid kasta oo tiraah “maya, joojiya waxaan sax ma ahane” ladagaalaan.
3- In ay kala qaybiyaan shacabka Soomaaliyeed iyaga oo umuujinaaya in ay masalaxadooda ka shaqaynayaan, magacoodana ku qaraabtaan gudaha dalka iyo dibaddaba.
4- In ay qaataan qandaraas kasta oo dibadda ka yimaadda, sida shalay waa shuuciyad (communism) barita waa dimu qraadiyadda (democratic), hadana waa Diin aan fahmayn (un understandable religion) anaga iyo alqaacidda bas ah, Soomlidana wali ma fahmin diintaas.
5- In aan lagu soo dooran diin ahaan, dad ahaan iyo dal ahaan intaba, cid dooratay majirto waa “jiini boqor is dooratay” jahanama ku shubay dadkii, dalkii iyo diintii intaba meel ooga dhacay dunidana ka reebay qarnigan 21-ga maraya, maanta mugdiga galiyay masiirkii ummadda iyo magacii Soomaaliya dunida ku lahaan jirtay, qabrina ku riday qaranimadii wadanka lahaa.
6- In uusan jirin qaanuun loo siman yahay oo lagu maamulo dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ay ku maamulaan hadba sidii ay naftooda jeceshahay iyo maskaxdooda khaaska ah.
7 – In ay yartahay maslaxad guud oo ay ka shaqeeyeen marka laga reebo wax yar oo iyadana masiibada ay ka tageen duufaantii ka dhalatay ku sii bur buray dhaxalna aan u reebin jiilka mustaqbla.
8- In hantidii ka dhaxayasay ummadda lagu maamulay musuq-maasuq aan loo meeldayin oo ah eex, laaluush iyo meel aan dhuuqo madaxa ii gali anaa maalaye iyo isbaaro lagu banaysatay hantida iyo dhiiga shacabka oo maalinba shaati loo xiro mid jabhad, mid qabiil iyo mid diin intaba, wax ugu soo laabta bulshadana aysan jirin waxa laga qaadaa.
waxayas ku kala badalnaayihiin “mid huwan shaati qaran dunida ictiraaf ka hayasata iyo mid jabhad qabiil ku dhisan qaran ku doonayo iyo mid diinta ilaahay magaceeda dadka ku laaynayo.
Xagay kudanbayn XOOG AAN XIKMADI KU DHISNAYN?, maxuuse yahay xooga aan xikamad ku dhisnayn?
hadaba xoog kasta oo aan ku imaan rabitaanka iyo doorashada shacabka Soomaaliyeed ma siijiraayo magacii uu donaa hala baxo’e shaatigii uu doona ha soo xirto, sababtana waa xaaraan ayuu ku dhisan yahay, wax xaaraan ku dhisanna waxuu khilaafsnyahay maamulkii ilaah dunidaan ugu talagalay, wax kasta oo khilaafsan maamulkii Alle dunidaan oogu tala galayna xabaal baa udanabayn.
Xoog kasta oo aan ku dhisnayn Diin “religion”, dhaqan “cuture” iyo qawaaniin ay dadka heshiis ku yihiin loona simanyahay kan u sareeya iyo kan u hooseeya iyada oo loo fiirinayn:- qabiil, gobol, midab iyo wax kasta oo kajira dhulka een samadda xiriir la lahayn waa la hubaa xabaal baa udanbayn.
Xoog kasta oon caddaalad ku maamulin dadka ee dulmi la yimaada ma cimri dheeranayo waayo dulmigaas ayaa daaqadda ka saaraaya kuwa gaystana iyagoo duleysan ayay imaanayaan maalinta qiyaamaha, qabriga ayuuna ka bilaabanaa ciqaabta ay ka galeen umadda.
Xoog kasta oo ku tiirasan qori caaraddiis dadkana ka dhigay waxay xaqbadda (dhuunta) ka jaraan, waxay xabsi dhigaan iyo waxay afka qabtaan oo loo diido xuriyadda in ay cabbiraan aragtidooda ma cimri dheeraado.

Xoog kasta oo xiwaar (wada-hadal) iyo geed hoostiis aan xaajada lagu gorfayn cuqaasha, culimada iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee daacadda ah aan soomarin xabaal baa u danabayn.
Si marka ummadda Soomaaliyeed maalinba koox xaaraan ku dhisan taladeeda iyo masiirkeeda u qafaalanin waxaa muhiim ah in aan fiirino cabir sax ah oo ku dhisan kuwaan maxay ku yimaadeen meesha, maxayse rumaysanyihiin?, inagoo aanan fiirin qabiil ahaan iyo gobal ahaan midna.
Waxa aan ku kala badbaadi karno dunidana aan wax kula qebsan karno waa in aan diyaarino qiyamkii iyo qawaaniintii nakala hagi lahayd oo ah Diinta Islaamka iyo qawaaniin aan ka hor imaanayn diinta Islaamka.
In maamul kasta ee ku yimaadda doorasho xalaal ah oo ku dhisan xikmad ay heshiis ku tahay ummadda lana diyaariyay doorashada ka hor kuwaas oo xaddidaya waxa laga rabo qofka maamulayo dalka iyo sistemka ama nidaamka iyo qaabka uu ku maamulayo.
In la xadidaa maamul kasta oo la soo doorto muddo xadidan, ka dibna katagaa talada dalka si uusan u noqon qasriga carabta ay ku fadhiistaan qabrigana looga dago.
Ugu danbayntii dawladnimada waa dad iyo dal leh qaanuun iyo hogaan ay soo doorteen shacabka, marka qaran kasta oon hogaan kiisa iyo sharciyadda uu ku dhisanyahay aynan ka imaan ummadda iyo diinteeda waa xoog xabaal udanabayn doono.
Waxaa qoray:-
Axmed Ibrahim Sh. C/laahi
ahmedqalinle@hotmail.com

ahmedqaline@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Xoog aan xikmadi ku dhisneyn xabaal baa u danbaysa "

  1. xaaji saciid says:

    axmad walaal khayr allaha kusiyo qoraai qiima badan.

  2. Ascw salaan ka dib waa qoraal qiime leh walaaloow waxa aad noo soo bandhigtay waxa aan kugu dhaliilayo axmed ibraahimoow waa waxa aad ku tilmaantay diin aan la fahmeyn. fahamku ma waxa uu ka imanayaa reer galbeed mise anaga. anagu waan fahamsan nahay oo qofkasta oo soomaali ah maanta ma diidano in sharciga illaah laysku xukumo. Waxa kaliya oo noo diidan arintaa waa reer galbeedka aan dibindaabyadooda fahmi la’nahay. kuwaasoo magacyada ugu xunxun noo adeegsada marka aan niraah diin baan rabnaa inaan qaadano. Runtiina waa waxa halkan na dhigay intaan raali galin lahayn rabigeen baan raali galin ka dalabnay reer galbeed.

  3. yaxye xaashi says:

    anigu waxay ilatahya uamda somaliyed in ay u baahantahay in ay hesho
    dad maskaxiyan u fakaraya ,aqoonyahan ha ahado ama mid aan waxaba aqoon ha ahaadee mesha waxa muhiim ah caqli saliim ah isagas ayana umada hagi karaya,
    tusaale cilmiga dunida manata la gaaray waxaa alifay dad aan jaamacado soo dhigan aan aqoonyahano ahayn,
    waxayna ku gaareen caqli wanagsan iyo maskax fican
    marka intaad aqoonta meel noo dhigtaan,
    dadku sideey u fakarayaan halugu qiimeeyo
    kuwas ayaa umada bad baadinkara
    runtiina aqoontuna waa muhiim oo jahligu waaba wax ilaahy laga magan galo laakin aqoonta lafteeda caqliga ayaa tiir u ah,
    suugaanbaa waxay oranaysay cilmiga ha laguu dhigee caqliga kaasho baa layiri

  4. walaal Axmad Ibraahim maqaalkaadan xigmad badan ayaa ku jirta xaalada wadankana dad buu u baahan yahay wadaniyada garanayaya iyo muhiimadda ay u leedahay wadanka. Anigu waxaan isleeyahay shacabka halagu wacyi galiyo xaqooda laduudsiiyay.

  5. UMADA SOOMAALIYEED AQOON YAHANO MA LAHA IYO WADANIYIIN U DAMQADA WAA KAN KII KAGU SHEEGAAYEY DR RAISU WASAARAH AANU KA DHIGANEY EE OGOLAADEY CARUURTEENA IYO HAWEEN KEENA LA LAAYO DHULKEENIINA XABASH U OGOLAADEY IN UU SOO GALO ILAAH AA U MAQAN UMA DEENA