Home » Maqaallo »

Khilaafka Madaxda dawladdaha DFKMG ah ee soomaaliya soo maray.

Soomaaliya oo dawlad la,aan ahayd tan iyo 1991kii waxa tiro ka dhawr jeera la isku dayay in dawlad wax ku ool ah loo sameeyo laakiin taasi waa lagu hungoobay oo waxaa halkoodii ka sii socda dagaalada iyo khilaafyada ragaadiyay koonfurta Soomaaliya .
Shirar dibu heshiisiin oo dalka dibadiisa loogu qabtay kooxaha Soomaaliya ayaa waxa ka dhashay dawlado KMG ah oo aasaas looga dhigay axdi KMG ah inta looga gudbayo dastuur iyo doorasho, dawladdahaasi waxaa waajibkoodu ahaa inay dalka nabadgalyo iyo kala danbayn ku soo celiyaan,inay dastuur dalka u sameeyaan iyo iney dalka gaarsiiyaan doorasho xor ah laakiin uma suura galin tan iyo marka laga soo bilaabo dawladdii Dr.C/qaasim Salaad Xassan laguna keeno tan uu maanta madaxda ka yahay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Sababta ugu muhiimsan ee ay dawladahaasi u gudan waayeen wax qabadkii looga fadhiyay ayaa ah khilaaf mar kasta dhex mara madaxda ugu saraysa dawladdaha KMG ah ee konfurta Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra,isul wasaaraha oo is qabta,Madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamanka oo uu khilaaf soo kala dhex galo taasoo la dagta han kasta oo laga lahaa dawladdahaasi.
Taariikhdu iyadaa dib isu akhrisa, hadaad dib u milicsato khilaafkii dhexmaray madaxdii ugu saraysay dawladdii TNGda ee Carta lagu dhisay gaar ahaan Madaxweyne Dr C/qaasim Salaad Xassan iyo Ra,isul wasaarihiisii Cali Khaliif Galayr taasoo aakhirkii keentay inuu xilka ku waayo Cali Khaliif Galayr,iyo tii dhex martay afhayeenkii baarlamanka Cabddala Deerow Isaaq iyo Madaxweyne C/qaasim ee isla dawladdaasi, taasoo keentay burburka dawladdii lagu dhisay Jabuuti 2000.
Waxaa markaa kadib shirweyne kooxaha Soomaalida loogu qabtay dalka Kenya halkaasoo 2004tii dawlad KMG ah oo federaala ay ka soo baxday kadib is jiid jiid socday mudo ka badan labo sano, sheekada yaabka lihise waxay ahayd dawladdii halkaa lagu dhisay iyadoon Soomaaliya u soo guurinba ayay isku khilaaftay halka ay ka dagayso Soomaaliya waxaana khilaafka aasaas u noqday Madaxweynihii dawladda federaalka KMG ah Col.C/laahi Yuusuf Axmed iyo Afhayeenkii baarlamanka Shariif Xassan Sheekh Aden iyadoo laga badin waayay qolaba inay u guurto magaalada ay iyadu jeclaatay oo kala ahaa Muqdisho oo ay u soo guureen kooxdii uu watay afhayeenka baarlamanka oo ay ugu tun waynaayeen hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho iyo qaybtii kale oo uu hogaaminayay Madaxweyne Yuusuf oo iyana u guuray magaalada Jawhar ee gobolka Sh/dhexe.
Khilaafka dhex mara madaxda dawladdaha KMG ah ee koonfurta Soomaaliya ayaa halkiisa ka sii socday ilaa laga soo gaaro tii hadda u danbaysay ee uu ku baxay Ra,isul wasaare Farmaajo kadib markii ay is khilaafeen Madaxweyne Shariif iyo afhayeenka baarlamanka Shariif Xassan Sheekh Aden. Haddaba arinta in tooshka lagu ifiyo ay tahay ayaa noqonaysa muxuu salka ku hayaa khilaafka aalaaba dhex mara madaxda dawladdaha KMG ah ee Soomaaliya iyo sababaha dhaliya.
Waxaa jira sababo dhawra oo loo aanayn karo waxa gundhiga u ah khilaafka madaxda Soomaalida kuwaas oo laga xusi karo:
Axdiyada Kumeel gaarka ah
Faraglinta Shisheeye
Danaha is khilaafsan ee madaxda dawladdaha KMG ah
Madaxda Dawladdaha KMG ah oo aan ka imaan Axsaab Siyaasadeed.
Qodabadan iyo kuwa kale ayaa aasaas u ah khilaafka la dagay dawladdaha KMG ah ee loo dhiso dalka Soomaaliya, ha yeeshee aqoonyahano iyo siyaasiyiin badan ayaa u arkayay qodabadan kuwo laga fursan waayay oo ay keentay marnaanshiyaha mudada dheer ee dalka ee dawladnimo iyadoo madaxda qaarkood ay ku andacoodaan in xaaladaha qaar ah ay yihiin kuwa aan wanaagsanayn balse lagu qasbanaaday sida axdiga KMG ah oo aan ahayn aasaaska sharci ee dalka iyo ku lug lahaanshaha dawladdaha shisheeye ee arimaha Soomaaliya maadaama ay u arkaan in dalku aanuu isku filnaynayn gaar ahaan dhinacyada siyaasada,dhaqaalaha, iyo amaanka.
Axdiyada Kumeel gaarka ah
Axdiyada KMG ah ayaa asaas u ahaa sharciyada ay ku taaganyihiin dawladdihii KMG ahaa ee ka jiray dalka tobankii sano ee u danbaysay, ha yeshee waxaa jiray doodo laga qabay fasiraada qodobada axdiga,luuqadaha uu ku qoranyahay oo turjumaad ahaan is khilaafsan,iyo maqnaashaha hay,ad fasiraad ka bixisa qodabada la isku qabto.
Axdiyadii KMG ahaa ee lagu sameeyay degmada Carta ee dalka Jabuuti iyo kii lagu sameeyay xerada imbagaati ee duleedka magaalada Nairobi waxaa qoristiisa gacan wayn ku lahaa shakhsiyaad iyo dawladdo shisheeye gaar ahaa kan ay hadda ku dhisantahay dawladda federaalka KMG ah taasoo keentay in markii hore lagu qoro axdiga afka englishka deetana loo fasiro afka soomaaliga taasoo dhalisay ismaandhaaf ka yimid qodobada qaar oo marka luuqadba lagu eego fasiraad gooniya bixinaya, waxayna tani horseeday in qofba sida uu doono u fasirto axdiga taasoo khilaaf badan keentay.
Geesta kaleqodobada qaar ayaa is diidaya iyadoo taa loo aanaynayo in dadka ku lugta lahaa qorista axdiga dawladda federaalka KMG ah aanay isku dan ahayn oo cid kastaahi doonaysid inay siday wax u wado loo sameeyo gaar ahaan dawladdihii iyo shakhsiyaadkii shisheeye ee ka qayba galay samaynta axdigaasi haba ugu darnaadeen dawladdaha gobolka.
Sidaasoo kale waxaa jira xeer hoosaad uu sameeyay baarlamanka federaalka KMG ah kaasoo dhawr jeer wax laga badalay,wuxuuna xeerkaas meelaha qaar uu ka hor’imaanayaa axdiga KMG ah iyo dastuurkii lixdankii oo la yiraahdo waa marjaca ugu danbeeya ee sharci ee dalka,tusaale habka loogu codeeyo ra’isul wasaarayaasha iyo xukuumadahooda kuwaasoo murano badan dhaliyay, tusaale doodii adkayd ee ka dhalatay sida loogu codaynayay xukuumaddii Farmaajo oo madaxweynaha iyo xildhibaanada qaar ay qabeen in gacan taag loogu codeeyo,halka afhayeenka baarlamanka iyo xildhibaano kale ay qabeen in laga dhigo codaynta mid qarsoodi ah.
Si kastoo ay ahaato iyadoo la wada arkayo inay qaladaadkaasi jiraan ayaa hadana Xildhibaanada baarlamanka federaalka KMG ah waxa ay gacan taag ku ogolaadeen Axdigaasi inkastoo uu wali taaganyahay muranada iyo khilaafyada uu abuuray. Aqoonyahanada qaar ayaa qaba in axdigu yahay mid aan laga fursan Karin oo ay tahay in la ilaaliyo si kastoo markii hore loo qoray si loo yareeyo khilaaf iyo bur bur ku yimaada hay’adaha fedaraalka si loogu gudbo dastuur sal adag oo uu dalku yeesho.

Faraglinta Shisheeye
Soomaliya waxa ay dhibano u ahayd faragalinta iyo danaha shisheeye tan iyo xiligii dawladdihii reer yurub ay shirkii Baarliin ku qaybsadeen wadankeena dhamaadkii qarnigii 18aad, balse waxa ay maalinba meel soo joogtay waxa ay hadda maryasaa meeshii ugu khatarta badnayd maxaa yeelay sodon sano kadib markii dadka soomaaliyeed ay iska tureen heeryadii gumaystaha waxaa burburay qarankoodii,waxa la galay dagaalo sokeeye oo reebay uur ku taalo aan dhamaan iyo dayac ku yimid dadkii iyo dalkii Soomaaliyeed oo baylah u noqday damaca gurracan ee dawladdaha shisheeye ee aan maalina ka talin maslaxada umadda Soomaaliyeed.
Haddaba dawladihii KMG ahaa ee soo maray Soomaaliya wixii burburka ka danbeeyay waxa ay la fashilmeen ayaa loo tiiriyaa faragalinta kala duwan ee dawladdaha shisheeye oo midba ay doonayso inay dahanheeda ka fushato dalkan dayacmay. Madaxdii la doonayay inay is hortaagaan faragalinta aan faa,iidada ugu fadhiyin dadka Soomaaliyeed ayaa noqday kuwa shisheeyuhu intuu kala qaybiyo misna uu dantiisa ka fushado.
Khilaafyada ragaadiyay madaxda dawladdaha KMG ah ayaa cunsurka ugu muhiimsan lagu sheegaa faragalinta dawladdaha shisheeye gaar ahaan dalalka dariska sida Ethopia,Kenya,Ugandha iyo quwadaha waawayn sida Maraykanka iyo Midowga yurub oo xitaa laftigoodu ku kala qaybasan sida xal loogu raadinyo Soomaaliya isagoo mid waliba ka eegayo danaha uu ka leeyahay dalkan yar ee saboolka ah ee ku yaala geeska afrika inkastoo uu dhaco goob istiraatiiji u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga aduunyada.Waxa ay isku dayaan dawladdahaasi inay xiriir sokeeye la yeeshaan madaxda Soomaalida si ay uga fushadaan danaha damaca waalida ah ku dhisan ee ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya, taasina waxa ay sababtaa inay is khilaafaan madaxda Soomaalida ee looga fadhiyay iyagoo midaysan inay shacabka badbaadiyaan maxaa yeelay waxa ay u kala adeegayaan ama ay ku kala xiranyihiin dawladdo shisheeye oo midiba ay dan gaar leedahay.
Faragalinta shisheeye waxa ay si cad uga dhex muuqatay khilaafyadii taxanaha ahaa ee soo maray hogaanka TFGda sida kii dhex maray Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo ra,isul wasaarihiisii Cali Maxamed Geedi oo aakhirkii dawladda Ethopia ay ku cadaadisay inuu xafiiska baneeyo kadib shirar badan oo wasiirkii arimaha dibada Ethopia Siyuun Musfin la qaatay ra,isul wasaare geedi kuwaas oo ka kala dhacay magaalada Baydhabo oo xarun u ahayd TFGda iyo magaalada Adis ababa. Sidaasoo kale Madaxweyne Yuusuf ayaa xafiiska uga tagay khilaaf isaga iyo ra’isul wasaare Nuur Cadde dhex maray taasoo ay soo fara galisay dawladda Ethopia oo arimaha Soomaaliya aan faraha kala bixin tan iyo markii ay burburtay dawladdii Soomaaliya, kuna tirtirsiisay Madaxweyne Yuusuf inuu xafiiska ka tago.
Faragalinta shisheeye ee Soomaaliya ayaa sii socon doonta inta madaxda Soomaalidu is haysadka ay sii wadaan,mid kastaahina uu danahiisa gaarka ah uu ka hormarinayo tan guud.
Danaha is khilaafsan ee madaxda dawladdaha KMG ah
Sida muuqata madaxda dawladdaha KMG ah ee soo maray Soomaaliya burburka kadib ma jirin ahdaaf iyo yool ay ka midaysnaayeen oo ay hiigsanayeen marka laga reebo in mid walibaahi u taagnaa danahiisa gaarka ah iyo mararka qaar tan reerkiisa ee uu magaceeda ku helay kursiga qaran oo markii horaba aan lagu soo xulin yaa mudane loo eegay yuu yahay, muxuu ka yahay kooxaha Soomaalida, imisa gobol ayuu ka taliyaa iyo imisa miliishiyo iyo tikniko ah ayuu haystaa.Arintan ayaa durba soo dadajisa is faham daro dhex marta madaxda Soomaalida ee loo dhiibo xilalka ugu sareeya dawladda sababtuna waa sida aan kor ku soo sheegnaye maba laha ujoodooyin qaran iyo kuwo siyaasadeed oo ay ka midaysan yihiin, iskaba dhaafe inay yool mida yeeshaane waxa ka sii daran in mid walibaahi ku xiran yahay dawlad iyo wadan gaara oo ay fulinayaan danahooda iyagoo ka dhex arkaya masaalixdooda gaarka ah ee ay markii horaba xilalka u qabteen.
Danaha kala duwan ee madaxda dawladdaha KMG ah ee Soomaaliya waxay durba soo dadajisaa khilaaf aan dhamaan oo laga fulin waayo hawlihii dawaladahaasi laga sugayay sida in xiliga KMG ah la soo gabagabeeyo, in kala danbayn iyo amni la soo dabaalo, iyo in dalka la gaarsiiyo doorashooyin iyo dastuur. Waxaad arkaysaa Madaxweyne soo magacaabey ra,isul wasaare uu sheegay inuu yahay hawl kar oo gudan kara waajibaadka loo igmaday balse lix bilood kadib waxaa dhegahaaga ku soo dhacaya madaxweynahaas oo leh waa inuu xafiiska ka tagaa shakhsigii uu lix bilood ka hor uu amaanta badan huwinayay sida dhacday bilihii dhawaa kadib markii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu wax ka saxiixay warqad loogu baaqayay ra’isul wasaare Farmaajo inuu xafiiska ka tago kadib khilaaf mudo soo jiitamayay oo u dhexeeyay Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xassan Sheekh Aden.
Haddaba inta uu taaganyahay danaha is khilaafsan ee madaxda dawladdaha KMG ah ee Soomaaliya waxaa la saadaalinyaa inaanu marna hari doonin is qabqabsiga madaxda ee ragaadiyay yoolkii umaddu ka lahayd nabad iyo horumar ay gaarto.
Madaxda Dawladdaha KMG ah oo aan ka imaan Axsaab Siyaasadeed.
Taariikhda dunida marka dib loo raaco gaar ahaan hababkii maamul ee dunidu soo martay waxaa iska caadi ahayd nidaam kasta oo uu dadku u marayay inuu maamul ku samaysto in dadka madaxda ka ihi ay ka yimaadaan xisbi siyaasadeed xitaa dalalka nidaamka shuuciga ah ku dhaqma,dadkaasi iyagoo xanbaarsan afkaar mid ah oo ay ka sidaan xisbiyadooda ayay talada la wareegaan halkaasna ka ambaqaadaan fikradihii iyo ahdaaftii loo aasaasay xisbiyadooda, waxaana yar khilaaf dhex mara madaxda dawladahaasi, hadii ay dhacaana murano ama khilaafyo waxaa lagu xaliyaa habka xalinta khilaafaadka ee xisbiga u dagsan,waxayna taasi fududaysaa in laga gudbo is mari waa kasta ee la soo gudboonaada madaxda.
Madaxda dawladaha KMG ah ee Soomaaliya loo samaynayay burburkii kadib ma jirin axsaab siyaasadeed oo ay ka yimaadeen marka laga reebo qaar ka imaan jiray kooxo hubaysan oo aan lahayn ahdaaf siyaasdeed oo mida sida kooxda ay ka soo jeedeen Madaxweynaha hadda talada haya iyo afhayeenka baarlamanka ee loo yiqiinay ARS oo dagaal ba,an kadib oo ay la galeen dawladdii C/laahi Yuusuf iyo ciidamadii Ethopia ku guulaystay inay wadahadal kadib ay hogaamiyaan dawladdii KMG ahayd ee lagu dhisay dalka Jabuuti bilowgii 2009ka inkastoo ARStu laftigoodu ay ku kala qaybasameen wadahadaladaasi oo ay laba garab noqdeen hadana waxaad ka fahmaysaa in ururkan aanu u dhisnayn hab xisbi siyaasdeed maxaa yeelay markii Madaxweyne Shariif la doortay ayaa u danbaysay maqalka ARSta garabkii Jabuuti iyadoo garabkii Asmarana aanu wax sidaaya ka danbayn kadib markii gudoomiyahoodii Sheekh Xassan Daahir Aweys uu gudoomiye ka noqday urur kale oo la yiraahdo Xisbul Islaam taasina waxa ay muujinaysaa madaxda Soomaalidu inaanay u diyaarsanayn inay wax hogaamiyaan.
Dhinaca kele waxaa jira gobolo ka tirsanaa jamhuuriyadii Soomaaliya oo nidaamka axsaabta horumar ka sameeyay waxaana tusaale fiican loo qaadan karaa madaxda gobolda waqooyi ee la baxay Somaliland kadib markii ay ku dhawaaqeen inay Soomaaliya inteeda kale ka go,een 1991kii kuwaas oo la yimid hanaan siyaasadeed oo wax ku ool ah gaar ahaan hanaanka axsaabta oo laga hirgaliyay jamhuuriydaasi sheegatay inay Soomaaliya ka go,day, wuxuuna habkaasi u horseeday degnaan iyo horumar siyaasadeed iyadoo ay ka dhaceen doorashooyin si cadaalad iyo xor ah ku dhisan, waxaana meesha ka baxay khilaafyo badan oo la dagi lahaa horumarka nabadgalyo iyo midka siyaasadeed ee ay ku talaabsadeen maxaa yeelay madaxdu waxa ay ka yimaadeen axsaab siyaasadeed oo bisayl ku yimid.
Somaliland waxa ay soo martay mudadii ay gooni isaga taagtay Soomaaliya doorashooyin ay ka mid ahaayeen in dadku ay u codeeyaan axsaabta noqonaysa kuwa heerka qaran ee loo ogolaanayo inay ka qayb galaan doorashooyinka heerarkooda kala duwan iyadoo sedexda xisbi ee Kulmiye,UDUB, iyo UCID ay noqdeen kuwa rasmiga ah ee loo aqoonsaday axsaabta Somaliland inkastoo hadda ay socdaan doodo ku aadan in la furi karo axsaab kale oo ku soo biirta kuwa jira.
Soomaaliya waxa ay u baahantahay axsaab siyaasadeed oo ay dadku soo doortaan oo ka gudbiya marxaladaha adag ee uu marayo dalku una horseeda nabad waarta iyo horumar la taaban karo oo laga sameeyo dhinacyada siyaasada,iyo dhaqaalaha.
Ugu danbayntii qodobada aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale ayaa dad badan oo aqoonyahano ah u sababeeyaan khilaafyada soo noqnoqda ee dhex mara madaxda ugu saraysa dawladdaha KMG ah ee Soomaaliya iyagoo dhanka kale talo ku jeedinaya in la helo hay’adihii sharciga ilaalinayay gaar ahaan kuwii garsoorka oo ay ugu muhiimsantahay maxkamada dastuuriga ah si xal loogu helo muranada xagga sharciga ah ee ka yimaada axdiga KMG ah iyo kala saarida awoodaha madaxda,iyadoo haddii taa la helo ay yaraan lahaayeen is maandhaafka iyo muranada, isla markaana horey looga socon lahaa halka maanta la taaganyahay.
WD: Ibrahim Mohamed Adem (Ibrahim Qaran)
Tel: +252615839599
+252695839599
Email: ibrahinqaran@hotmail.com
ibrahinqaran@gmail.com
Mogadishu, Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.