Home » Maqaallo »

Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-Xaj Qeybtii 2aad

Dardaranka 5aad waa inaan si gar ah uga faaideysano Udxiyada oo ah cibaado aad u fadli badan, si aan Fadliga Udxiyada u garano waxaan faahfaahin doonaa Axkaamta Udxiyada,

Udxiyada waa xoolaha loo goowraco Ciidda darteed Cibaado ahaanmaalinta ciidda ah iyo Sadaxda maalin ee ka dambeysa (11-12-13 Dul-Xaj) Cibaado ahaana loola jeedo in ilaahey loogu dhawaado waxa uuna Qur’aankiisa allaah ku yiri:-

Suurada Al-Kowthar aayada 2aad: {Ee u Tuko Eebahaa dartiis, waxna u Gowrac}

Nabi Suubana waxa uu yiri: [Ruuxii Gowraca (Udxiyadiisa) Salaada (Ciida) ka dib waa uu gutay Cibaadadiisii, waxa uuna waafaqay Sunnadii Muslimiinta].

Arintaas waxa ay muujineysaa in Ruuxaas uu la yimid Cibaadadaas xiligii loogu tala galay, taas ayaana ah Sunada Nabigeena Suuban iyo Sunadii Muslimiintaba, ruuxiise Gowraca salaada Ciida ka hor waa uu khilaafay Sunadaas waxayna la macnao noqoneysaa Gowraciisa ruux Sadaqo caadi ah la baxay, waayo Udxiyada Waqtigii ay bilaabaneysay ayuu ka hor maray.

Muslimiintana waxa ay ku mideysan yihiin in ay Udxiyada tahay Sunno aad u muhiim uga ah Ruuxii awooda ,mana u haboona inuu ka tago, waayo Nabiga suuban kama tagin inuu udxiyo la baxo mudadii 10ka sano ee uu joogay magaalada Maadaiina.

Shuruudaha looga bahaan yahay Ruuxa Udxiyada baxsanaya:

B- waa inuu MUslim yahay.

T- waa inuu Xor yahay.

J- waa inuu Qaan-gaar yahay.

X- waa in uu caqli ahaan u Fayoow yahay.

Kh- waa inuu Awoodo Udxiyada, waayo Diinta kuma banaana Iskalifida.

Shuruudaha Neefka udxiyada ah looga baahan yahay:

Waxaa looga baahan yahay Ruuxii doonaya inuu Udxiyo la baxo inuu ilaaliyo Shuraadaha looga baahan yahay neefka uu ku Udxiyo bixinayo, waayo neef walba am,a Xoolo walba Udxiyo ma noqdaan, si marka aan u ogaano Shuruuda Udxiyada waa in ay u dhameestirnaadaan Shuruudahan.

1- Waa in Xoolaha lagu Udxiyeeysanayo ahaa mid ka mid ah Xoolaha la Dhaqdo ee kala ah Geela, Ariga (Idaha iyo Ari Cadka) Lo’da, kuma banaana Xoolaha la ugaarto Udxiyo ahaan in loo Gowraco ama kuwa kale ee sida Digaaga oo kala ah.

2- Waa in uu gaaro Xoolaha lagu Udxiyeysanayo Cimrigii Sharci ahaan loogu tala galay:

Haduu geel yahay waa inuusan Shan sano ka yaraan, Geela ayaan ugu fadli badan Xoolaha lagu Udxiyo guto..

Haduu Neefku Lo’ yahayna waa inuusan Laba Sano ka yaraan.

Haduu Ari Cad yahayna waa inuusan sanad ka yaraan.

Haduu Ido yahayna waa inuusan Lix bil ka yaraan.

3- Shardiga Sadaxaadna waa inuusan Neefka lahaan Afartan Ceebood ama Dhaliilood ee kala ah:

1- Waa inuusan Neefka ahaan mid si muuqata u il la’a.

2- IWaa inuusan Neefka qabin Bukaan Muuqda.

3- IWaa inuusan Neefka Lugta ka jiiseyn si muuqata.

4- IWaa inuusan Caato Dhuux la’a ahaan.

Sidaa darteed waxaa loo baahan yahay Ruuxa Udxiyada la baxaya inuu Aqoon u lahaado arimaha kor ku dsheegnay, waxaan Sunaha ka mid ah inuu Ruuxa Udxiyada la baxayaa Gacantiisa Neefka ku Gowracdo haduu yaqaan Gowraca, hadii kalana inuu joogo Goobta lagu Gowracayo ama Wakiilkiisa Gowraco ama Goobta joogo wakiilka

Waxaa kaloo ka mid ah inuu Ruuxa Gowracayo uu yiraahdo {Bismil-laahi Allaahu Akbar, Allahumma Haadaa Canii [asagoo magaciisa sheegaya] Waa Aalu [ asagoo magaciisa sheegaya]} maxaa yeelay Nabiga markii uu Gowracayay waxa uu dhihi jiray hadal macnihiisa yahay : Illaahayow Udxiyadan anaa iska bixiyanaya iyo Qoyskeyga, taasoo ay Culimada Muslimiinta ku macneeyeen in Udxiyada ay Ajar kawada helayaan Ruuxa la baxay iyo Qoyskiisa mid dhintay iyo mid noolba.

Dadka la gaarsinayo Hilibka Udxiyada iyo Hadiyiga marka la Gowraco:

1- Waxaa wax ka Cuna Ruuxa Baxsaday Udxiyada, maadama ay tahay farxad Ciid.

2- Waxaa Hadiyad laga siiyaa saaxiibada iyo Dereska, si uu martidiisa iyo saaxiibadiis u sooro .

3- Waxaana qeyb ku leh Masaakiinta Muslimiinta, si ay Quud ugu noqoto.

Arintaasna waa Suwnadii Nabiga Suuban e qeybin jiray Xoolaha Udxiyada, waxaana weliba ku jira Quraanka Aayado tilmaamaya cida ay tahay inay wax ka gaaro Hilbaha Hadyiga kaasoo la macna ah Udxiyada.

Suurada Al-Xaj Aayada 28aad: {.. kana Cuna Xageeda Quudiyana kan Dhibaateysan ee faqiirka ah}

Suurada Al-Xaj Aayada 36aad: {.. marka ay u dhacdo Dhinacana wax ka Cuna, kana Quudiya, kan Dhowrsoon iyo kan warsanba}

Sidaa darteed ayuu Imaamu Shaafiyo yiri: waxaan jeclahay inaysan ka badnaan Ruuxa waxa uu ka Cunayo Hadiyaga [Udxiyada] iyo waxa uu keydsanayo sadax u dhig hal meel, Dhiga labaadna inuu Hadiyadeeyo, kan Sadaxaadna sadaqeeyo.

Baraarujin:Waxaa u haboon qofka baxsanayo udxiyada inuusan jarin Wax ka mid ah cidiyadiisa ama timahiisa marka ay bilato bisha Dul- Xaj, hadii uu jarana wax kamid ah waa inuu illaahey u towbad keenaa udxiyadiisuna waxba uma dhimeyso, hadii uu iloobo ama dan ku kaliftana waa jari karaa waxaana sidoo kale ka reeban inuu iibiyo xubin kamid ah neefka udxiyada ah amaba uu kiro ahaan u siiyo midka xoolaha gowracaayo.

W/Q: calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.