Home » Faallo »

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii:Casharkii XIV-aad

Khudbaddii uu Boqor Cismaan ka jeediyay Boosaaso, waxay soo af-jartey dagaalkii la magac-baxay Dagaalkii Shanta Sanadood ee Soomaaliya (Cinque Anni di Guerra in Somalai). Cesare Maria De Vecchi, oo ahaa xaakimkii Talyaaniga, islamarkaana hoggaaminayay dagaalka, buug uu ka qorey ayuu ku soo ururshey sheekooyinka ka harey dhacdooyinkii dagaalka. Wuxuu qoraalkiisii ku soo gabagabeeyey war-bixin uu kaga waramayo khasaarihii dhacay muddadaas shanta sano ah. Buugaas oo uu ku magacaabay Orizonti D’ Impero oo macnaheedu yahay Sara-kicii Imbraadooriyadda, wuxuu ku xusey in ciidamadiisii ay kaga dhinteen 18.120 nin, kuwaas oo badankoodu ay ahaayeen Soomaali iyo Ereteri. Wuxuu kaloo ku xusey in dagaalladaas ay Talyaanigu kaga baxeen saraakiil iyo saraakiil-xigeeno qiimi badan. Dhanka Soomaalida wuxuu tilmaamay in ay kaga dhinteen dad uu ku qiyaasey 38.600 oo qof. Maxaabiis ahaan waxay u qabsadeen 8.240 nin, oo ay kamid yihiin Boqor Cismaan iyo Suldaan Cali Yuusuf. Dhamaantood Xamar ayaa loo qaadey.

Cesare Maria De Vecchi, wuxuu qoraalka buugga ku soo gaba-gabeeyey tira-koob uu ka sameeyey hubkii uu ka ururshey dhamaan gobollada Soomaaliyeed ee uu xoogga ku qabsadey. Wuxuu ku sheegey sidan:

Magaalada Xamar, wuxuu Soomaalidii kala wareegey 9 qori

Degaanka waqooyiga webi Shabeelle, wuxuu kala wareegey 1.350 qori

Degaanka Jubbada Sare, wuxuu kala wareegey 520 qori

Degaanka Jubbada Hoose, wuxuu kala wareegey 1.158 qori

Degaanka Shabeellada Hoose, wuxuu kala wareegey 125 qori

Degaanka Saldanaddii Hobyo, wuxuu kala wareegey 4.200 oo qoryo kala duwan ah, 1 kanooni ah iyo 70 moortaayo ah.

Degaanka Nugaal, wuxuu kala wareegey 475 qori

Degaanka Majeertiinya, wuxuu kala wareegey 12.540 oo qori. Wuxuu intaas raaciyay in gobolkan uu weli hub badan ku maqan yahay.

Boqor Cismaan Markii uu la kulmey dadkii ku dhaqnaa Boosaaso iyo agagaarkeeda, waxaa loo qaadey degmada xeebta ah ee Hurdiya. Madaxdii Talyaaniga oo uu ugu sareeyo xaakimkii Cesare Maria De Vecchi, ayaa waxay iyaguna yimaadeen Hurdiya. Waxaa halkaas loogu yeerey isimadii ugu magac-waynaa degaanka. Ujeeddadu waxay ahayd in Boqor Cismaan uu halkaas ku dhiibo saxiix ah in Talyaanigu la wareegey taladii boqortooyada Majeertiinya.

Gobolka Bari waxaa looga yeeray saddex isim. Iyagu waxay ahaayeen Xaaji Ibraahim oo adeerna u ahaa, xil-hayena u ahaa Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan oo xilligaas wiil yar ahaa. Beel-daaje Xaaji Axmad oo aan caruur ka tegin, waxaase dhaxley Beel-daaje Faarax Maxamuud oo uu adeer u yahay, iyo Beel-daaje Maxamad Ismaaciil. Gobolka Mudug waxaa looga yeerey Islaan Faarax Islaan Aadan. Gobolka Nugaal waxaa isna looga yeerey Nuur Islaan oo xil-haye u ahaa Islaan Maxamad Islaan Muuse oo wiil yar ahaa, kaas oo aabihiis ay Daraawiishtu dishey.

Kulan ballaaran ayaa Hurdiya ka dhacay. Waxaa degmada lagu soo ururshey xoogaggii ka dagaalamay degaanka iyo maraakiibtii dagaalka oo iyaguna badda soo fariistey. Madal leysugu yimid ayaa Boqor Cismaan uu xaakimkii Talyaaniga ahaa ku wareejiyay seeftiisii astaanta u ahayd dowladdii uu 60 sano iyo dheeraadka odeyga ka ahaa. Waxaa halkaas ku soo gaba-gaboobey mashruucii xoogagga gumeysiga ay ku doonayeen in ay ummadda Soomaaliyeed gumeeyaan. Degaanku wuxuu ahaa meeshii ugu danbeysey oo ay Soomaali ku dhaqneyd oo maamulkii gumeysiga uu si buuxa ula wareegey.

Bilowgii bishii oktoober 1928-kii, Boqor Cismaan isaga oo maxbuus ah ayaa Xamar loo qaadey. Waxaa la dejiyay aqalkii ugu mudnaa ee Xamar ka dhisnaa. Wuxuu ku yiiley xaafadda Shangaani oo waxaa lahaa nin maal-qabeen ah. Ninkaas oo la oran jiray Xaaji Nuur Caafi Maxamed, wuxuu ku magac-dheeraa Xaaji Jowhar. Isagu wuxuu ahaa ninka ugu hodansanaa carabtii xilligaas ku dhaqneyd magaalada Xamar. Isla-markaas waxay is-qaateen oo xiriir adag sameysteen maamulkii Talyaaniga. Xaajigu si wanaagsan ayuu u maamuusey boqorkii. Carabtii Xamar ku nooleyd, iyaga oo tilmaamaya in boqorkii uu marti u yahay Xaaji Nuur Caafi, ayaa waxay ku cayaari jireen heeso ay tixaheedu kamid ahayd:

Xamar-wayne iyo Shangaani, Xaaji Nuur aa xukuma

Xarar-dheere iyo Ceel-buur, Xaaji Nuur aa xukuma

Intii Xaafuun ka xageysa, Xaaji Nuur aa xukuma

Halkaas ayuu Boqor Cismaan ku ahaa maxbuus, illaa uu ka dhintey sanadkii 1931-kii, isaga oo 83 jir ah. Sidaas si lamid ah ayaa Suldaan Cali Yuusuf, wuxuu isagana ku noolaa aqal isla-xaafadda Shangaani ah oo uu lahaa nin carab-soomaali ah oo la yiraahdo Abokor Afrax. Isaguna maxbuus ayuu ku ahaa illaa uu ka dhintey sanadkii 1934-kii. (Waxaan ka soo xiganey wareysi aanu la yeelanay Cabdullaahi Axmad Kheyr. 12/ 7- 2010. Minnaipolis – USA).

Dabayaaqadii sanadkii 1927-kii, degaanka Qorraxey oo ka tirsan gobolka Ogaadeenya, waxaa isugu tegey ciidamo iyo saraakiil ka tirsanaa maamulladii gumeysigu bur-buriyay. Iyagu waxay ahaayeen saddex ciidan oo ka haray xoogaggii gadoodka. Waxay isugu jireen kuwo ka yimid Majeertiinya oo uu hoggaaminayay Xirsi Boqor. Ciidankii Fallaago ee Ceel-Buur ka baxay, waxaa iyaguna hoggaaminayay Cumar Samantar. Iyo ciidan kamid ahaa xooggii Daraawiishta ee kala firdhaday, kuwaas oo uu hoggaaminayay Abshir Dhoore Xasan. Isku-dhafka ciidnakoodu waxaa lagu sheegaa in ay ahaayeen 250 nin oo hubeysan. Waxaa kaloo ay wateen labadii qori ee bam-bamka ahaa ee Fallaago ay ka furteen xeradii Ceel-Buur.

Raggaas oo ka tirsanaa maamullo saddex ah oo ay colaadi ka dhexeysey ayaa markii ay isu yimaadeen waxaa ku adkaatey sidii ay kalsooni isu siin lahaayeen. Muddo ayay kala fadhiyeen oo koox walba ay ceel gooni ah ka cabayeen. Waxaa u kala dab-qaadayay rag ergo ah oo ay is-dhaafsanayeen. Ugu danbeyntii waxay ku heshiiyeen in ay hal jabhad isku noqdaan oo inta degaankii ku laabtaan ay la dagaalamaan Talyaaniga. Xirsi Boqor ayay odey ka dhigteen, kadib markii ay kitaab quraan ah isku dhaarsadeen.

Si haddaba dagaalka loo galo, Talo ayay u fariisteen. Waxaa jiray maato badan oo la socotey, kuwaas oo ahaa xaasas, caruur iyo rag dhaawac ah. Waxaa kaloo jiray xoolo geel iyo ari ah oo ay wateen. Islamarkaas waxay u baahdeen meel ay fadhi ka dhigtaan oo ay weerarkooda ka qaadaan. Inkasta oo maamulkii Xabashida uusan weli awood u yeelan in uu si buuxda gacanta ugu dhigo degaanka, misana qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee degaanka ku dhaqnaa, gaar ahaan reer Isaaq (Ogaadeen) waa ay is af-garan-waayeen. Naga guura ayay ku yiraahdeen, kadib markii ay ka baqeen in ay saldanad ka dul-dhistaan.

Odeyaashii qaar ayaa ku taliyay, xoolihii iyo maatadii in ay fogeystaan oo dhulka gudaha ah ee Ogaadeenya ay gaarsiiyaan. Gaar ahaan degaanka howdka ah ee ku dhow degmada Iimey. Waxaa loo baahdey rag badan oo gar-wadeen u noqda xoolaha iyo maatida. Degaanka ay u hayaamayaan iyo waddada ay u sii marayaan, labaduba dhiillo xooggan ayaa tiil. Waxaa jiray suldaan la yiraahdo Duulane Rafle oo isaga iyo beeshiisuba ay Daraawiishta kamid ahaayeen. Markii ay Daraawiishtu jabtey oo la ceyroobey, ayaa iyaga oo hubkoodii wata waxay u galeen degaanka beelaha Cowlyahan. Suldaan Duulane Rafle wuxuu ka codsadey suldaankii Cowlyahan (Suldaan Dhaqane) in dhallinyarada beeshiisa ah ay geela Cowlyahan wax ka raacaan. Suldaankii Cowlyahan waa uu oggolaadey. Markii ay muddo dhowr sano ah la joogeen ayay habeen qura ka soo guureen, iyaga oo geel badan kala soo baxsadey. Dhacdadaasi waxay sabab u ahayd colaadda xilligaas tiil koonfurta Ogaadeenya.

Kooxdii Qoraxey fadhidey waxay talo ku deysteen in ciidan xooggan lagu daro maatida iyo xoolaha. Tiro kala-bar ku dhow oo ciidankoodii ahaa waxay raaceen maatidii iyo xoolihii. Qorshahoodu wuxuu ahaa, kooxda dagaalka aadeysa haddii la soo jebiyo, in ay u soo baxsadaan meesha maatida la dejiyo. Talyaanigu wuxuu ogaadey in degaanka Qoraxay ay isugu tageen maqaawiirtii ka carartey. Islamarkaana ay doonayaan in ay weerar soo abaabulaan. Arinkii waa uu dhibsadey. Degaanka xilligaas wuxuu kamid yahay xuduudda ay ka taliso boqortooyada Xabashid, oo sharciyad uma heysto uu ku galo.

“ Waxaa dhibaato ku noqotey habkii uu ugu duuli lahaa colkaas isku urursadey meel soohdintiisii ka baxsan, isaga oo aanan wax u dhimin xiriirka u dhexeeya dalkiisa iyo Xabashida. Si aan loo eedeyn wuxuu degaanka Ulsan ka direy ciidan 400 oo Baando ah. Waxaa hoggaaminayay nin la oran jiray Warsame Bootaan “. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 96, Muqdishow – Soomaaliya)

Ciidankaas la direy waxaa waajibkoodu ahaa in ay dhaawac u geystaan kooxda Qoraxey isku urursadey si ayan u abaabulin colaad Talyaaniga ka dhan ah, iyo labadii qori ee bam-bamka ahaa in ay ka soo celiyaan. Ciidankii duuley, muddo afar maalmood ah ayay ku gaareen Qorraxey. Waxay ahayd xilli ay weli kala fadhiyeen ciidankii Qoraxay isugu tegey. Weerarkii hore wuxuu qabsadey ciidankii uu odeyga u ahaa Abshir Dhoore. Kadib markii ay dagaal kedis ah ku soo qaadeen, waa ay ku guuleysteen oo cagta ayay mariyeen. Waxaa halkaas lagu diley rag badan oo kooxdii Abshir Dhoore la socotey ah. Isaga qudhiisa halkii ayaa lagu diley, isaga oo subaxii la aqal-galay gabar loo aroosiyey. Waxaa jirta ooraah ay Soomaalidu kaga sheekeyso gabadhaas arooska ahayd oo waxay tahay, Naag subaxdiina gabar ahayd, barqadiina guur ahayd, galabtiina garoob ahayd. Waxaan shaki ku jirin colaadda badan oo Soomaalidu ay hiddaha u lahayd, in ay jireen gabdho badan oo ceynkaas ahaa. Laakiin xaaska Abshir ayaa noqotey midda nasiibka u yeelatay in laga sheekeeyo.

Ciidankii uu hoggaaminayay Warsame Bootaan, waxay u gudbeen ciidankii labaad oo ahaa Fallaago. Iyaguna dhaawac xun ayay gaarsiiyeen. Waxay ku guuleysteen in ay soo furtaan labadii qori ee Bam-bamka ahaa. Dabadeed markii ay qoryihii heleen, si deg-deg ah ayay dib ugu laabteen. Ciidankii Qoraxay, inkasta oo dhaawac la gaarsiiyay, xoog bandanna uu ka maqnaa, misana intii hartey ayaa si deg-deg ah isu urursatay. Dabadeed waxay soo raad-raaceen colkii soo weeraray.

“ Waxaa looga daba-tegey degaanka Shiilaabo. Aafo aad u culus ayaa loo geystey oo si dirqi ah ayay ugu laabteen xadkii soohdinta. Tallaabadaas uu gumeysigii Talyaaniga ahaa qaadey, waxay muran dheer ka dhex-dhalisey labada gumeysi, taas oo aan kolna laga heshiin “. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 96, Muqdishow – Soomaaliya)

Dhacdadaas waxay soo af-jartey, facii xilligaas jiray in ay damac iyo han ka yeeshaan in lala dagaalamo xoogaggii gumeysiga. Madaxdii kooxdii Qoraxey, saddex ayay u qeybsameen. Qaarkood Soomaaliya ayay ku soo laabteen oo baadiyaha ayay u kaceen. Qaarkood maatadii ayay ka daba-tageen oo dhulka aan la gaari karin ee gobolka Ogaadeenya ah ayay u kaceen. Qaarkood Boqorkii Xabashida ayay u galeen oo Addis-ababa ayay u baxeen. Qoladan danbe waxaa kamid ahaa Xirsi Boqor iyo Cumar Samantar oo labaduba ay ku aasan yihiin Addis-Ababa.

Talyaanigu markii uu shiiqiyey gebi ahaan wixii dhaqdhaqaaq ahaa ee dhulka ku heystey, wuxuu guddoonsadey in uu muujiyo soohdinta uu doonayo in uu ka sheegto dhulka Soomaalida. Sidaa darteed wuxuu xarumo ilaalo ah ka sameystey degmooyinka ay xuduudda u aqoonsadeen isaga iyo maamulkii Xabashida. Degmooyinkaas uu xarumaha ka dhistey waxay ahaayeen: Doolow, Cudeyle, Kohrabow, Yeed Aato, Buq-barde, Ceel-garuun, Kirkare iyo Beled-wayne. Sanadkii 1930-kii, wuxuu ku darey degmooyin ku yaal gobollada Hiiraan, Mudug iyo Howd. Waxay ahaayeen Feer-feer, Ulsan, Laba-baar, Shiilaabo, Gar-loogube, Wal-waal, War-dheer iyo Gallaadi.

Degmooyinkan danbe, Talyaanigu wuxuu ku sheegtey in ay kamid ahaayeen taliskii Suldaan Cali Yuusuf, sidaa darteedna uu isagu la wareegey. Xabashida ayaa dhankooda sheeganayay in Talyaanigu uu ku xad-gudbey heshiis ay isla-dhigteen sanadkii 16/5- 1908-dii, kaas oo ay labada maamul ku calaamadeysteen soohdin ay ku qeybsadeen dhulka Soomaaliyeed.

Talyaanigii waa uu ku guuleystey in uu si buuxa gacanta ugu dhigo gobolladii Soomaaliyeed ee damaca uu ka lahaa. Wuxuu markaan is-tusiyay in uu damaashaad iyo dabbaal-deg u dhigo guushaas wayn ee u soo hoyatay Imbraadooriyadda dalkiisa. Dabbaal-deggaas oo Xamar ka dhacay ninka loo doortey in uu magaca boqortooyada Talyaaniga kaga qeyb-galo wuxuu ahaa wiilka magaciisa la yiraahdo Prince Luigi Amedeo, waxaa kaloo lagu naaneysi jiray Mudanihii Gobolka Abruzzi (Duce degli Abruzzi). Wuxuu ka soo jeedaa qoyska reer Savoy ee ah firka boqortooyada Talyaaniga dhaxlayay tan iyo qarnigii X-aad. Waxaa awoowe u ah boqorkii Talyaaniga ee la oran jiray King Vittoria Emanuele II.

Markey taariikhdu ahayd 28/ 2- 1928-kii, Prince Luigi Amedeo, wuxuu ka soo degey dekadda Xamar, isaga oo la socdey markab uu ka soo raacay magaalo-madaxda Talyaaniga. Waxaa dekadda ku soo dhoweeyey xaakimkii De Vecchi iyo masuuliintii kale ee Talyaaniga ahayd. Wuxuu halkaas ku qaatey salaantii ciidanka Talyaaniga. Magaalada Xamar waxaa isu soo baxay dhamaan dadkii ku noolaa oo wax ka soo dhoweeyey wiilka reer Boqor. Waxaa kaloo waddada uu marayay labadeeda dhinac xoonsanaa wixii ciidan ahaa oo Talyaaniga askarta u ahaa, si ay uga qeyb-qaataan soo dhoweynta.

Ayaamo markuu Xamar Joogey, wuxuu bilaabey, kulan uu isku barayo in uu la qaato duqeydii Soomaaliyeed. Ragga uu la kulmey waxaa kamid ahaa Boqor Cismaan, Suldaan Cali Yuusuf. Dabadeed wuxuu bilaabey, in uu dalka ka furo mashaariic ilo dhaqaale ah iyo dhismayaal. Waxaa kamid ahaa dhismaha aargadii dhabarka kaga tiil masaajidka Arbaca-Rukun ee bartamaha Xamar ku tiil. Waxaa kaloo uu furey mashruucii sokorta ee Jowhar, halkaas oo degmadii Jowhar ay kula baxdey magaca Villa di Abruzzi. Mashruucu wuxuu ahaa mid ballaaran oo beero waawayn leh. Waxaa dhinac socdey wershad lagu sameeyo khamriga. Mashruucii beeraha cudbiga iyo mashruucii beeraha sisinta ayaa iyagana kamid ahaa mashaariicda xoogga leh ee Prince Luigi Amedeo, uu ka furey Soomaaliya. Dabadeed wuxuu u baxay dhanka koonfur, isaga oo gaarey degmada Kismaayo. Wuxuu furey dhismo astaan looga dhigey halka uu dhul-baruhu maro. Gobolka Gedo ayuu gaarey, isaga oo dul-joogsadey xuduudda degmada Doolow.

Markey taariikhdu ahayd 12/ 3- 1928-kii, Prince Luigi Amedeo, wuxuu markab ka raacay Xamar, isaga oo markan u jeeda dhulkii uu dhowrka sano ka socdey dagaalka iska-caabinta ah. Ujeeddadu waxay ahayd in uu ubax dhigo goobihii ciidamada lagaga laayay. Meelaha uu tegey waxaa kamid ahayd taallo degmada Butiyaallo looga dhisey Col. Splendorelli, taallo Xaafuun looga dhisey askar lagu laayay, taallo looga dhisey Baargaal koox ciidanka badda ah oo halkaas lagu laayay, taallo degmada Tooxin looga dhisey askartii lagu laayay, taallo Raas-caseyr looga dhisey kooxdii munaaradda ilaalineysey ee la laayay. Prince Luigi Amedeo, wuxuu kaloo ubax dhigey degmooyinka Eyl, Hurdiya iyo qalcadda Daawad. Wuxuu booqdey degmooyink Boosaaso, Karin iyo Qow. Sidaas ayuu Prince Luigi Amedeo, ku soo gaba-gabeeyey booqashadiisii uu ku yimid Soomaaliyada kamidka noqotey Imbraadooriyadda ay caa’iladdiisu u talisey. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 301-303. Copenhagen – Denmark).

Cali Maxamadow gabey murtidi waan ka maaliyaye

Waan idin masuugaye beryaad iiga muhateene

Mareer-diidka waxa iigu wacan manta saan ahaye

Maantiyo kol hore waa adduun labadi meeloode

Hadba waxaa mur soo oran arliga xaal la moog yahaye

Madoobaadayay xalay miyaan micida soo-feestey

Middoor caara oo kale miyaan meel kasta u boodey

Mudkey go’aye midigtaan ka jabay meel xun iyo seede

Milicda aan fadhiyo iyo waxaan muhasha reemaayo

Miskiin iyo sidaan ahay magaan xiirey madixiiye

Mashaqooyinkaan soo baxay murugtey laabtiiye

Gobanimo mid weeyee hadduu meero xariggeedu

Misbaaxiyo haddey kaa damaan muunaddiyo nuurka

Gacmo maran mugdaa kuu xigiyo meel xilliyo hooge

Dowladnimo nimaan maalahayn laga mid roonaaye

Mulki iyo awood iyo waqii malaha maamuuse

Mucsir weeye maalmaha adduun magan ha loo-yaabo

Qore: Dr. Saadiq Enow

dr_saadiq@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.