Home » News »

Xukuumadda DFKMG oo tacsi u dirtay Turkiga.

Xukuumadda Federaalka KMG ah ayaa u dirtay tacsi Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga kaddib markii dhul-gariir xooggani uu ku dhuftay koonfur-bari dalkaas shalay oo Axad ahayd.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga, gaar ahaan qoysaskii ay dhibaatadu ka soo gaartay, waxaana xaqiijineynaa inaan garab taagannahay waqtigan murugada badan,” ayuu yiri Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxay la murugoonayaan, oo garab-taagan yihiin shacabka Turkiga, iyagoo isla markaana u duceynaya,” ayuu intaasi ku daray Dr. Cabdiweli.

Ra’iisul-wasaare Cabdiweli ayaa dhambaal tacsi ah oo deg deg u diray habeenkii Axadda dhiggiisa Rajab Dayib Erdogan, isagoo dhambaalkaas ku muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdada naxdinta leh ee ku dhacday dalka Turkiga.

Jamhuuiryadda Turkiga waa saaxiib iyo taageere weyn oo uu leeyahay dalka Soomaaliya xilligan adag oo uu dalku la tacaalayo abaartii ugu ba’neyd muddo 60 sano ah.

Ra’iisul-wasaare Dr. Cabdiweli wuxuu ugu dambeyntii sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay la garab-taagan tahay Turkiga wixii taageero ah ee awooddeeda ah.

DHAMMAAD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.