Home » Faallo »

Shiikh Umal oo Ka Yaqyaqsooday Falkii AL-shabaab (1) !!!!!!

Shiikha caanka ah ee Soomaaliyeed Shiikh Mohamed Cabd Umal xafidahu Allaah Imaamka Masaajidka weyn ee Abuubakar Saddiiq ee Xaafadda Easleigh,Nairobi ayaa Khudbad Cajiib leh ugu jawaabay Cali dheerihii AL-shabaab ee Qirtay in ay ayagu ka danbeeyeen Qaraxii Bishii Oktoober 4 , ay ku gumaadeen Ardeyda waxbarashada ugu socotay Dalka Turkiga.

Waxaan halkaan ku soo Bandhigeynaa Khudbadii Shiikh Umal Ayadoo qoraal ah ,sababtoo ah dad badan ayaa wax Akhriya ee aan wax dhageysan.

Wuxuu Shiikhu yiri asagoo dad fara badan la hadlaaya :

Shiikhu Xafidahulaah Markuu Xusay magaca Allaah subxaanahu wa Tacaalaa iyo kan Rasuulka NNKH ayuu yiri :

Danbiga labaad ee shirkiga ku xiga waa Naf xaqdaro loo dilo :

[ Danbi la galo waxaa ugu weyn Allaah oo loo Shariig yeelo, waxaanna ku xiga Dhiig la daadiyo oo xaq daro lagu daadiyo, Sidaasna waa sidey ku tageen A’imada Imaam Shaafaci iyo Imaam ibnu xazim ya ku tageen ayagoo ka qaadanaya Quraanka iyo Sunnaha Nabiga NNKH waxay Dhaheen Danbi ka weyn ma jiro gaalnimo kadib labo qoddob : Salaad kas looga tago ilaa waqtigeeduu uu baxo iyo naf Mu’min ah oo kas loo diloxaq darona lagu dilo bacda Shirki danbi ka weyn ma jiro.Rabigeenu SWT Meel cad buu Ma’allada saaray, Goodiga ugu adag ee Quraanka ku soo aroorana wuu ku sheegay in Ruuxuu Ruux Mu’min ah dilo Abaalkiisu waa jahanamo waaana ku waarayaa, allena waa u carooday waana lacnaday cadaab weyna waa u diyaariyey, Nabigeenuna wuxuu yiri NNKH :

( Ruuxa Mu’minka ahi Diintiisa in uu waasicnimo kaga sugan yahay ka suulimaayo intuusan Dhiig xaaraam ah daadinin )

Dhiig xaaraam ah marku galo Diintiisii waa Cariirmoonaysaa , waasicnimadii waayeysaa xaalad Qatar iyo cariiri buu galaayaa xagga diinta, Arrintuna waxaa weeye Siduu Nabigu sheegay NNKH :

(hal ruux oo mu’min ah oo xaq daro lagu dilo ayaa Allaah agtiisa kala weyn in ay Adduunyadu baaba’do oo ay suusho ) !!!!

Adduunyadan Samaawaadkeeda, Dhulalkeeda, Buuraheeda iyo Badaheeda in ay baa’bado ayaa Allaah agtiisa kaga fudud hal Ruux oo Mu’min ah dilkiisa )Maxaayeelay Mu’minku waa ka xaq weyn yahay, Allaah agtiisana waa ka karaamo Badan yahay Adduunyadda oo dhan xataa kacbada Sida Xaddisku Nabigu ku sugan NNKH waxaa ka qiimo badan Ruuxa Mu’minka ah, Maanta Kacbo la dumiyey Nin kacbo tagay oo dumiyey, xaalkiisu nalama fududaadeen laakiin ninka Boqolka Naf ee mu’min ah isku marayee cagta mariyey warkiisu waa fudud yahay .

Allaah SWT Naf mu’minat ah agtiisa kuma fududa , Malaaikta markuu Rabi yiri waxaan abuurayaa dhulka waxaan ku abuurayaa Addoomo kuway ah oo u kala danbeeya oo Maamula Ibnu Aadamka ayaa laga hadlayaaye, Ayey Malaaiktu yiraahdeen :

واذ قال ربك للملائكة اني جاعل في الارض خليفة قالوا اتجعل فيها من يفسد فيها ويسفك الدماء ونحن نسبح بحمدك ونقدس لك قال اني اعلم ما لا تعلمون

Rabiyoow dhulka maxaad ku yeelaysaa cid fasahaadisa oo dhiiga daadisa !!! Malaai’ikta u fiirso Dunuubtii kale oo dhan ma ayna sheegin, laakiin Ibnu Aadim waxay ku eedeysay bay ku sheegtay dhiig buu daadin doonaaye sideebaad dhulka u keeneysaa , Maxaas baad Rabiyoow Dhulka keeni ???Dhiig la daadiyo.

Sidaas darteed baa maalinta Qiyaamo xisaabta Rabi Maxkamadda waxaa ugu horeeya oo dadka lagu kala saari doono Dhiigaa ugu horeeya intaan fayl kale la furin oo Diiwaan kale la furin oo wax kale xisaabtooda la qaadin Dhiigaa ugu horeeya !!! dhiigu ma sahlana Ruuxa Mu’minka ah ee Allaah rumaysan Qalbigiisa wax yar oo Iimaan ah ku jiro, Ruux muslim ah dhiigiisa xataa kalimad niskeed xataa hal xaraf kagama qeyb qaato, waa ka cararaa , waa iska ilaashaa, waa ka ixtiraazaa, waa iska jiraa waa ka dhawrsadaa, maxaayeelay waa meel halis ah Ruux galayna kama baxo sida Atharka C/llaahi ibnu umar tilmaamayo Ruux galay kama baxao kamana bixin karo , bal waxa dhaceysa marka aad Dhiig Daadiso Allaah SWT wuxuu kugu imtixaanayaa in uu dhiigaas kuu jiido Dhiigag fara Badan oo markaas ay kuu fududaato in aad dhiiga cabto oo godad Dhiig ah aad jiidho oo aadan u aabayeelin waxa aad sameynayso , waxay ka Dhalatay danbi aad gashay Nataa’ijtiisa waaye ] .

Shiikha oo Soomaalida la hadlaaya wuxuu yiri :

[ Arintu waxay u baahan tahay dadka Muslimiinta ah khaasatan Ummadan aan luqadeeda ku hadlayaayi ee ibtilooday ee intaas oo sano Dhiigeeda daadineysa ee jaraa’imta galeysa xaggee loo tagi doonaayi sow Allaah Maxkamadiisa la tagimaayo swt, Maxaad sameyn doontaa markaad Rabigaa hor tagto khalaa’iqdii aad ka qeyb qaadatay layntooda, Qabiil baad ku laysay,Urur baad ku laysay, Fikir Qaldan baad ku dishay, Rabigaa hortiisa intay kugu dhagaan ay yiraahdaan Rabiyoow waa kan kii na dilay ee weydii muxuu nagu dilay???Waar maxaad u dishay??? Jawaab ma leh !!!!.

Jawaab ma leh oo ma waxaa jawaab loo heli karaa Ruux Muslim ah oo la dilay , miyaa Allaah agtiisa jawaab loo heli karaa, Jawaab ma leh.

Waxyaabaha dhacaaya waa wax aad looga naxo ama laga murugoodo , waana wax laga yaqyaqsado(1),xaaladuse waxay sii adag tahay marka Jaraa’imta noocaas ah lagu sameynaayo Magac Jihaad, marka lagu sameynayo Diinta Allaah baa loo nusraynayaa, marka loo sameynaayo Kitaab Allaah baa dhulka loo rabaa in lagu xukumo, marka magacaas la isticmaalaayo ayey xaaladu sii adag tahay, Maxaayeelay Dadkii iyo Diintii baa la isku diri, oo Jihaadkii baa Magaciisii lagu ciyaaray, oo Muslimiintii baa la isku diri, oo gaaladiibaa laga qoslin oo lagaga farxinayaa, intaas oo dhan waa mafaasid isa saaran weeye ,Sow Ceeb weyn ma ahan adigoo Muslim ah dadkaagii layntooda in aad sheegato ood ku faraxdo oo aad nasri iyo Guul ka soo qaado, Gaalkuna yiraahdo waan ka xun nahay Dadka meeshaas ku Baaba’ay !!!! ] .

Shiikh Umal oo u jawaabay Qirashadii Cali dheere :

[ Sow Ceeb weyn mahan sow fadeexo maa han waase waa ninkii garanaayo oo dareemaaya waaye, in uu Gaalku Muujisto in uu Dadkaaga u naxaayo, Adiguna aad Idaacadaha ka tiraahdo Gaalaan Baaabi’iyey Murtadiin baan baabi’iyey oo aad Ummaddii ku tumato, Allaah baan idinku Dhaariyee Suurad noocee ah ayey u taallaa, ma saas baa Jihaad ah ma taas baa Gaallo la Dagaalan ah , ma taas baa Wadan Xoreyn ah, ma taas baa qaniimo iyo Wanaag iyo Guul lagu doonayaa !!! Abadan !!! Abadan !!!!Suuro Qabiix ah waaye oo fool xun, Waxaadse Ogaanaysaan wax hadda dhacay ma ahee wey soo hormartay, Taariikhda marka Dib loo Akhriyo Fikirkan munxarifka ah ee qaloocan ee aan Dhiiga u aabbo yeelaynin ee Meel Alla Meeshuu arkaba Dhiiga cabaya ee Daaqaya Fikirka noocan ahi, Saalixiinta iyo Carruurta iyo Dumarka iyo Dadweynaha aan dan ka laheyn, Fikirkaasi haddana ku faanaya hadda ma ahan, Markaad akhrido Kutubta Taariikhda iyo Siirada waa wax horay u soo dhacay ].

Halkaas ha noo joogo hadalka Shiikhu .

Waa inoo qeybta labaad iyo barrito Insh allaah !!!

Fii Amaani laah
Diyaariye : Shiikh Saahid mohamed yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com
AL- muthakhasis fil xarakaat AL-islaamiyah.
(1) waa halkaan ka soo qaatay Cinwaanka .

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shiikh Umal oo Ka Yaqyaqsooday Falkii AL-shabaab (1) !!!!!! "

  1. muhamad Ali says:

    ASC…walaalayaal waad mahadsan tihiin masuuliyiinta iyo shaqaalaha somalitalk…ilaahay xasanaadkiina ha badiyo …waxaad la mid tihiin sheekha khudbada soo jeedinaya, mar hadaad faafiseen, sahasheena in la daawado lana akhriyo khudbadan sheekh umal ee liibaanta ah…maa shaa alaahu kaana wamaa lam yash lam yakun.

  2. Saabir cade says:

    Asc wr wb walaalayal allah ajir aqiro iyo mid aduun ha,idinka siiyo qoraaladan iyo ma qaalada wax ku oolka ah ee wax laga faa ideysanayo mida kale waxaan jeclaan leheen inaad badalkii qoraalka aad maqal u baddashaan waa codsi idin kaga imaanayo walaalihina muslimiinta ah aad ayaynu ugu baahi qabnaa muxaadaradan insha allaah fii amaanillah