Home » Warar »

Alshabaab oo soo bandhigay Meydka Askar gaareysa 70 iyo guulo ay kala sheegteen DFKMG iyo Alshabaab

Xarakada “Mujaahdiinta Alshabab” ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka dayniile ee magaalada muqdisho islamarkaana beeniyey in ciidamada dowlada KMG ah ee somalia iyo kuwa AMISOM ka qabsadeen deegaankaasi.

Afhayeenka xarakada alshabaab sheikh cali maxamuud raage (sh,cali dheere) oo saxaafada kula hadlayey deegaanka calamada ee ceelasha biyaha ayaa sheegay inay ku guulaysteen dagaalkii xooganaa ee maanta Khamiis ka dhacay magaalada muqdisho islamarkaana soo bandhigay askar aad u tiro badan islamarkaana lagu sheegay in ka badan 70-askari oo ah AMISOM gaar ahaan u dhashay dalka burundi.

Sidoo kale hadalka afaheenya xarakada  alshabaab ayaa kusoo aadaya xili ay maanta qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada KMG ah ee somlia iyo kuwa AMISOM ay saxaafada geeyeen qaar ka mid ah deegaanka dayniile oo xilgaasi dagaal ka socday islamarkaana aan la ogayan khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaasi. Waxaana DFKMG soo saartay warsaxaafaeedka hoose.

Meydadkan ciidamada AMISOM ee ay soo bandhigeen xarakada alshabab ayaa noqonaya ciidamadii ugu tirada badnaa ee shisheeye ah oo lagu dilo gudaha magaalada muqdisho.

Hoos ka akhri warsxaafadeedka ka soo baxay DFKMG oo u qornaa sidan

War Saxaafadeed 56/2011
Shabaab oo laga qabsaday degmadii ugu dambeysay ee Muqdisho

(Muqdisho, 20 Oktoobar 2011) Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Degmada Dayniile oo ah tii ugu dambeysay ee ka tirsan magaalada Muqdisho ee ay gacanta ku hayeen kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab kaddib markii ay howlgal sameeyeen ciidamadu.

Degmada Dayniile waa degmo muhiim ah oo magaalada Muqdisho ku xirto gobollada Shabellooyinka.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdulkariim Yuusuf (Dhago-badan), ayaa yiri:

“Waan sii wadeynaa howlgallada si aan dalka uga xoreyno kooxda jid iyo jiho-diidka ah. Inta ay ciidankeenu wadaan howlgalkooda waxaan ka taxadari doonaa sidii loo yareyn lahaa khasaaraha soo gaaraya shacabka iyo hantidooda.”

Dhinaca kale, ciidamada Dowladda ayaa horumar wanaagsan ka sameeyay dhinaca gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ciidanku ka qabsadeen cadowga degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolkaas.

DHAMMAAD

Warsaxaafadeedka DFKMG kala xiriir: Somalia MIPT Media, Email: media@mipt.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.