Home » News »

Go’aanno ka soo Baxay Shir Lagu Qabtay Degmada Ufayn

Taariikhdu markii ay ahayd 08/10/2011 ilaa 15/10/2011 waxa degmada Ufayn shir ballaaran ku yeeshay beesha Cali Jibraahiil. Shirkaas waxa ka soo qaybgalay isimmo, nabaddoonno, culumaa’udiin, ganacsato, siyaasiyiin, aqoonyahanno, jaaliyadaha dibadda, iyo waxgarad kale oo aad u faro badan.

Shirkaas waxa looga wadahadlay danaha gaarka ah ee beesha iyo tan kala dhaxaysa beelaha kale ee deriska la ah.

Dood dheer iyo falaanqayn ka dib waxa la go’aansaday qodobbada hoos ku qoran:
1. In la raadiyo lana adkeeyo nabadgelyada ay beeshu la wadaagto beelaha ay deriska yihiin iyo guud ahaan degaannada Puntland.

2. Beeshu waxay diyaar u tahay in ay heshiis nabadeed oo dhammaystiran la qaadato dadka walaalohood oo calaaddu dhexmartay.

3. Beeshu waxay baaq nabadgelyo u soo jeedineysaa dhammaan beelaha walaalaha ah oo colaaddu dhexmartay ee reer Puntland, wixii dhexyaal oo dhib ahna ay ku dhammaystaan wadahadal.

4. Beeshu waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato horumarka iyo wadajirka Punatland.

5. Beeshu waxay ku baaqaysaa in beelaha Puntland ku dhaqmaan shariicada islaamka, wixii khilaaf ah oo dhexmarana xukunkiisa ay u celiyaan kitaabka Eebbe.

Wabillaahi Towfiiq;

Ka Soo Qaybgalayaasha Shirka:

1. Beeldaaje Cali Faarax Max’uud
2. Suldaan Daa’uud Faarax Max’uud
3. Nabaddoon Faarax Salaad Cubeyd
4. Nabaddoon Xasan Huruuse Guuleed
5. Nabaddoon Liibaan Faarax Xasan
6. Nabaddoon Ibraahim Maxamuud Ismaaciil
7. Nabadoon Axmad Xaaji Maxamuud
8. Nabaddoon Axmad Cabdullaahi Cumar
9. Nabaddoon Cabdi Yaxye Boote
10. Nabaddoon Xirsi Waaberi X.Nuux
11. Nabaddoon Yuusuf Cali Dhegood
12. Nabaddoon Axmad Saciid Firdhiye
13. Nabaddoon Cabdi Cismaan Xasan
14. Samadoon Maxammad Xuseen Maxamuud
15. Samadoon Yuusuf Faarax Maxammad
16. Samadoon Naalaye Adam
17. Samadoon Jaamac Jibriil Muuse
18. Samadoon Cumar Saciid Caato
19. Samadoon Gaacshe Shire Maxammad
20. Samadoon Faarax Shire Cali
21. Samadoon Cabdi Cismaan Cabdalle
22. Samadoon Cismaan Maxammad Yuusuf
23. Samadoon Kediye Salaad Muuse
24. Samadoon Maxammad Adan Muuse
25. Samadoon Cabdi Faarax Beeldaaje
26. Samadoon Xasan Axmad Muuse
27. Sh.Maxamuud Huruuse Yuusuf
28. Sh.Cabdirizaaq Maxamuud Xaydereg
29. Sh.Maxamuud Diiriye Cumar
30. Sh. Abshir Jaamac Saalax
31. Sh. Saciid Cabdi Garoon
32. Sh.Mursal Salaad Axmad Geeddi
33. Sh.Cabirizaaq Bile Geesood
34. Sh.Axmad Cali Maxamuud
35. Ganacsade Maxammad Huruuse
36. Ganacsade Cismaan Shire Quud
37. Ganacsade Cali Mire Cartan
38. Ganacsade Mire Waaberi X. Nuux
39. Ganacsade Cali Maxamuud Yuusuf
40. Ganacsade Adam Maxamuud Yuusuf
41. Ganacsade Cumar Jaamac Cabdiraxmaan
42. Ganacsade Saciid Cartan Maxammad Adam
43. Ganacsade Cabdisalaan Maxammad Samatar
44. Dr.Maxammad Samatar Maxamuud
45. Xildhibaan Saciid Faarax Maxamuud
46. Xildhibaan Cabdixamiid Sh.Cabdislaam
47. Dr.Cabdirizaaq Jaamac Geesdiir
48. Proff.Cabdulqaadir Ismaaciil Cabdi
49. Dr.Cismaan Cumar Guure
50. Ustaad Khalifah Cabdiraxmaan Maxammad
51. Col.Cabdi Cismaan Firdhiye
52. Col.Maxammad Faarax Maxamuud

Intaas kor ku qoran iyo waxgarad kale oo aad u faro badan ayaa bayaankan soo saaray.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.