Home » Warar »

Kenya oo Markii ugu Horeysey Soomaaliya ku Sameyneysa Faregelin Milatari

Labaatankii Sanno ee Soomaaliya ay ka jirtay Qalalaasaha iyo Fowdada Soomaaliya waxaa lagu sameeyey Dhowr Faregelin shisheeye ha noqoto mid Dibadeed iyo Mid Gudaha ahba , haddii aan Dib u qooraansano Feregelimihii lagu sameeyey Soomaaliya, Sannadkii 1992 Waxaa Soomalia faregelin ku soo sameeyey Wadanka Mareykanka oo markaa Hogaaminayey Isbahaysi ka koobnaa ilaa Afaratan Dowladood kuwaas oo markii hore u yimid in ay Soomaaliya u Gargaarayaan hase arrinkii wuxuu isku badeley mid Siyaasadeed taasina waxay keentey in Maraykanka iyo Xulafadisa ay Dagaal la galaan Xoogagii Jeneraal Caydiid , wuxuuna Dagaalkaas soo dedejisey in Mareykanka uu si dhaqsi leh Dalka uga baxo.

Fargelintii kale ee lagu sameeyey Soomaaliya waxay ahayd mid Gudaha ah ka dib markii Mareykanka uu abaabuley Hagaamiye kooxeedyadii Soomaaliya oo dhibaatooyinka ka waday soomaaliya uu Abaabulo uuna Mareykanka ku amarey in ay soo qabqabtaan Culamaudiinkkii Soomaaliyeed taasina waxaa ka caroodey Shacabka Soomaaliyeed waxayna iyana soo dedejisey in Xoog looga Saaro Wadanka Qabqablayaashii Dagaalka.

Feregelintii kale iyana waxay ahayd markii Kooxihii Qabqablayaasha ka adkaadey ee Maxaakiimta Islaamiga waxaana iyana Dagaal ku soo qaadey Ciidamadii Itoobiya oo taageera siinayey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf waxaana Koofurta iyo Bratamaha laga saarey Ciidamadii Maxaakiimta hase yeeshee waxay iyana Cabdulaahi Yuususf kaga guuleyteen Dhinaca Siyaasada taasoo keentey Shiikh Sharif loo magacaabo Madaxweynaha Soomaaliya.

Magacaabistiisii waxay keentey in Ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan ka dib markii Dagaal dheer ay la galeen hase yeeshee Waxaa Dalka ku harey Ciidamo ka tirsan Amisom oo ka kooban Uganda iyo Burundi waxa iyana Dagaal dheer la galeen Xarakada Alshabaab oo Ciidamadaas u arkey kuwo Dalka ku soo duuley waxaana laga dhaxley Dhimasho , Dhawaac iyo Barakac la mid ah kii CiIdamada Itoobiya iyadoo shacabka qaarkii ay u arkaan Ciidamo farageliN ku haya Dalka Soomaaliya .

Feregelintaas lagu sameeyey Soomaaliya waxay soo martey heerer kala Duwan iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in dhaibaatada ka taagan Soomaaliya ay Aabbe u tahay Feregelinta Quwado shisheeyey hase yeeshee Dowladda Kenya laga soo bilaabo Waqtigii Soomaaliya ay Xoriyada qaadatey aan wax Dagaalo ah dhexmarin Soomaaliya islamarkaan 21 Sanno ee la soo dhaafey aysan wax faregelin ku sameyn arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa haatn waxaa muuqata in Dowladda Kenya ay faraha la gashey arrimaha Soomaaliya ka dib markii Dowladda Kenya ay ku dhawaaqdey in Ciidamadeeda ay galaaan Soomaliya iyagoo ku mar Marsiyoonaya laba qof oo u dhashey Wadanka Spain oo laga soo afaduubtey Gudaha Dalka Kenya hase yeeshee Dadka Siyaasada u Dhuun Daloola waxay sheegayaan in Dalka Kenya ay hore Dhibaatooyin ka waaweyn mida haatan ku aadan Afduuubka waxaan dalkaas laga geystey Qaraxyo waaweyn marka dadka qaar ayaa qaba in Kenya ay Gadaal ka soo riixayaan Quwado shisheeye oo doonaya in kenya geliyaan Dabka ka Aloosan Soomaaliya .

“Soomaalida waxay Tiraahdaa Nin ku jira Guri Quraarad ka sameysan Ma tuuryeeyo nin ku jira Guri Dhagax ka sameysan marka waxaan arrintaan u soo qaatey markii aan maqley Ciidamada Kenya ayaa soo galey gudaha Soomaaliya si ay ugu lug yeesheen Xaaladda Xakinran ee ka tag Soomaaliya Xaqiiqdii Kenya Mudadii laabtanka Sanno waxay iska dhowreysey in ay Feregelin ku sameyso arrimaha Soomaaliya balse waxaa aan aaminsanahay in Kenya dhibaatada kaga imaaneysa Soomaaliya iyada lugaheeda k doonatey waayo Waxay Dalkeeda ka sameysey Xerooyin laga Tababaro Ciidamo ka tirsan Soomaaliya si aay Duulaamo ugu qaadaan dhulka Deriska la ah Soomaaliya marka kenya waxaan leeyahay haddii aadan ka dhowrsan dhibaatada ka taagan Soomaaliya Gurigaada ayey kuugu imaaneysaa “ayuu yiri Yuusuf Muuse Nuur.

“Waxaan u soo jeedinayaa Dowladda Kenya in ay joojiso Feregelinta ay dooneyso in ay ku sameyso Soomaaliya bal dib u qooraanso Dowladhii Somaaliya Feregelnta ku sameeyey halka ay mareen marka waxaan is lahaa Kenya waayo aragnimo buuxda ayey Soomaaliya ka haystaan inta aysan Kenya soo abaabuln Ciidmada Soomaalida waxaa Xuduuda ku sugna Ciidamada Shabaab wax dhibaato ah kaga ma imaaneyn Kenya waxaa dhawaan dhageystey Waregysi uu bixiyey Nabadoon ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya wuxuu sheegey in markii Dowladda Kenya ay Dalkeeda ka sameysey Xerooyin lagu Tababaro Ciidmada Soomaalida waxayna dadka Deegaankaas la soo gudbnoonaateey Dil Dhac , Kufsi iyo Boob isagoo Sheegey in Xitaa ay aadi kari waayeen Masaajidada marka waxaan usoo jeedinayaa Dowladda Kenya iyo Shacabkeed in ay jooiyaan Fergelinta ay doonayaan in ay ku sameeeyaan Soomaaliya haddii kale waxaa idin ku soo qulquli doona Hubka Soomaaliya waayo waxaad aad adkeysaneysaan muddo labaatan Sanno ah marka Kenya ha ku waayo aragnimo qaadato Dowladiihi ku sameeyey Soomaaliya Feregelinta halka ay ku dambeeyeen ” ayuu yiri Nabadoon Ciise Saalax.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya

VIDEO: Ciidanka Kenya oo ka gudbey Xadka NFD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Kenya oo Markii ugu Horeysey Soomaaliya ku Sameyneysa Faregelin Milatari "

  1. cabdiqani says:

    maxeey dowladu uga dacwoon la dhahay fara galinta kenya?
    maxaa ku kalifey kenya in ay hada gudaha u soo gasho soomaaliya?
    yaa ka danbeeya soo gali taan keeda?
    badeena aan hada ka codaneeyney in ay noodaayaan malaga yaabaa in ay gumaystaan soomaaliya?
    madax weynaheena malaga yaabaa in uu raboba in nalagumeeysto?

  2. Awes says:

    Aa iyo aad ayaan idiku mahad celinaa dhamaantiin inta kashaqaysa Somalitalk. Qaas ahaa intii soo diyaarisay warbixintaa, waana ku mahadsantihii qorlaalada wanaagsan oo ka diyaarisaan arimaha Somalia.
    Sida aad la socotaanba waxaa jiray qorshooyin badan oo ku saab sanaa xaga badda. Malaga yaabaa in anay tan utahay hordhac abaabul qiil ah oo ku hoos jirto arimaha xadayna badda. Maa dama ay Xildhibaanada baarlamaanka Somaliya qaraar cad kasoosaareen mabda ii ku saabsanaa xadynata badda. Waxaana fikrad yar ku darsanlahaa, in aad qoraaladiina ugu sii olalaysaan arintaan. Idinkoo adeegsana aqoontiina saxaafada, aqoon baaris dheeraad ahna ku say saan dhibaatandan.
    Waad mahadsantihiin.
    WCS
    Awes