Home » Warar »

Mahiga oo Warqad Af-Ingiriisi ah u qoray Soomaalida Qurbaha

Danjire Augustine Mahiga”Nabadda Soomaaliya Maanta haystaa waa tii ugu Wanaagsaneyd oo ay hesho Sannooyin waxayna ku timid Road Map-kii lagu gaarey Muqdisho

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga ayaa ka Hadley Xaalada Soomaaliya mar uu Qoraalka ka soo saarey Xafiiskiisa isagoo sheegey in Xiligaan ay soomaaliya ka jirto Nabad tii ugu wanaagsaneyd ee ay soomaaliya hesho Muddo sanooyin ah isagoo u soo jeediyey Shacabka Soomaaliyeed in ay ka faaideystaan Fursadaan u soo hoyatey.

Warqaddii Mahiga u diray Soomaalida qurbaha oo Af-ingiriisi ah (Letter to the Diaspora from SRSG Mahiga)

Mahiga wuxuu sheegey in Furasada Nabada ay heleen Shacabka Soomaaliyeed ay ku timid wax uugu ugu yeerey Road Map-kii lagu gaarey Magaalada Muqdsho 6 Septembar ee Sannadkan kaasoo loogu gudbayo in soomaaliya ay hesho Dowlad Rasmi ah

“Soomaaliya Muddo dheer ayey Legden ugu jirtay sidii ay u heli lahayd Nabad Buuxda maanta Shacabka Soomaaliyed waxay heystaan Fursad ay k hanan karaan Nabadaas”ayuu ku yiri Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaalia Mahiga oo sheegey in shacabka Soomaliyeed Waqtigaan looga fadhiyo in ay si weyn uga faaideystaan Fursdaas u sooi hoyatey.

“Waxaan ugu baaqayaa Kooxaha ka ka Dagaalamaya Soomaaliya in ay hubka dhigaan islamarkaana ku soo biiraan Hanaanka nabada ee Soomaaliya waqtrigaan wajaheyso , sidoo kale waxaan ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhibayaoTubta Nabadda Soomaaliya “ayuu yiri Danjire Mahiga oo sheegey in Qaramada Midoobey ay ka Go’an tahay in soomaaliya Nabad buuuxda lagu soo dabaalo

Mahiga wuxuu ugu baaqey Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku Dhaqan dalka Dibadiisa in ay gacan ka geystaan sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa isagoo sheegey in Mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiran yahay Dadka Soomaaliyeed

Dhinaca kale Xoghayaha Guuud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Mon oo dhawaan ka hadlayey Shirkii Qaramada Midoobey ayaa u soo jeediyey Baarlamaanka Soomaaliyeed , Xukuumada Federaalka eek u meel gaarka in ay ka dhabeeyaan Qorshaha Tubta Nabada (Road Map) islamarkaan ay u fulin lahaayeen ama u dhameystiri lahaayeen taasoo uu sheegey in lagu gaar karo Nabad ka dhalata Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Mahiga oo Warqad Af-Ingiriisi ah u qoray Soomaalida Qurbaha "

  1. ahmed says:

    road map maxaa ka galay nabada somaliya somalida miyaa bada isku dagaalsan war soomaaliyeey kor fiirya ee aan iska celino gaaladaan in aay dhulkeena dhacdo dooneyso walaal layaal