Home » Warar »

Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Deeq gaarsiisay Qoysas ku Dhaqan Degmadda Jamaame

Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa waxay Deeq gaarsiisay Qoysasa ku dhaqan Degmadda Jamaame oo ka Gobolka Jubbadda Hoose waxaa Deeqdaan ka Faaiideystey Qoysas gaaraya ilaa 346 Qoyas kuwaas oo si aad ah ugu baanaa Deeqdaas

Deeqdaan oo ka koobneyd Bur, Bariis,Sonkor iyo Saliid waxaa Waxaa halkaa ka qaybiyey Wakiilada Hayadda Haro kuwaas oo si weyn ula socdey qaabka loo qaybinayo Deeqdaas Noocyada kala Duwan ee Raashinka ah

Qoysaskii Deeqdan ka Faa’iideystay ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Hay’adda iyo cid walba oo gacan ka geysatay gargaarka la gaarsiiyay, waxayna Alle uga baryeen inuu Allah wax ka khayr badan ugu bedelo sdoo kale waxay ka codsadeen in Deeqaha noocaan oo kale ah la joogteeyo maadaama dadka ay aad u dhibaateysan yihiin.

Deeqdaan ayaa ku soo aadaysa xilli ay dadku u baahnaayeen gargaarkaan waxayna Madaxda Hay’adda HARO ay carrabka ku adkeeyeen inuusan gargaarkan noqon doonin kii ugu dambeeyay balse ay jiri doonaan Deeqo ay Hayadda Haro ugu tala gashey Dadka ay Abaaraha iyo Dgaalada Saameeyeen ee ku nool Dalka Soomaaliya.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Hayadda Haro ayaa waayadaan Dambe Dalka ka wadey howlo ay dadka ku waxyeeloobey Abaaraha iyo Dagaalada ku gaarsiineysey Deeqo kala Duwan kuwaan oo ku nool Gobolada Soomaaliya iyo weliba Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.