Home » Warar »

Markab ay Leedahay Dowladda Iiraan oo sida Gargaarkii ugu Balaarnaa oo Todobaadka Soo socda ku soo Fool leh Dekeda Muqdisho

Waxaa Todobaadka Soo soo socda Dekedda weyn ee Magaaladda Muqdisho ku soo xiran doono Markab ay leedahay Dowlladda Iiraan kaasoo wada Shixnad gargaar tii ugu Balaarneyd oo ay Dowladda Iiraan ugu talagashey Dadka ay abaaraha iyo Dagaalada ay saameeyeen ee ku nool Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Mrakabkaan ayaa waxaa lagu waramey in uu sido Deeq gargaar ah oo lagu qiyaasey Shan kun oo Tan oo isugu jira Nooco kale duwan oo Raashin ah , Daawooyin, Qalab Caafimaad iyo Teedhooyin , waxaana Imaanshaha Markabkaan Muqdisho u soo gaarey Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Iiraan Khaliif Muuse Geedi

Kusimaha Safirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Iiiraan oo dhawaan shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in Dowladda Iiraan ay ka Go’an tahay sidii ay u taageeri lahayd Shacabka Soomaaliyeed ee ee Abaaraha Saameeyeen isagoo sheegey in Gargaarkaan uu yahay kii ugu Balaarnaa oo ka yimaada Wadan Muslim.

Dowladda Turkiga ayaa Dhawaan Waxay soomaaliya soo gaarsiisey Markab sidey Shixnado kale duwan oo lagu qiyaasey Laba Kun iyo Shan Boqol oo tan taasoo haatan qaybinteeda ay ka socoto Magaalada Muqdisho , wuxuuna Gargaarkaan ee ay keentey Doweladda Turkiga wax weyn ka badeley Sicir Bararkii ka jirey Magaalada Muqdisho ka dib markii Shacabka Soomaaliyeed ay ku adkaatey in ay iibsadaan Maciishada Daruuriga ah

Shacabka Muqdisho ayaa waxay sheegeen in marka uu soo gaaro Markabka Gargaarka ee Dowladda Iiraan ugu talagashey Shacabka Soomaaliyeed ee Tabaaleysan ay wax weyn ka badeli doonto Sicirka Raashinka oo Bilooyinkii la soo dhaafey kor u kacay , dhinaca kale waxaa hoose u dhac ku yimid Sarifka lacagta Doolarka waxaa Sadex Todobaad ka hor uu ahaa 100-ka Doolar Sadddex Milyan oo shilin Soomaali halka maanta uu ahaa 100-ka Doolar uu ahaa 2 Milyan iyo todobo Boqol oo shilin Soomaali ah

Waxaa la filayaan in maalmaha soo socda uu hoos u dhac ku yimaado Sicirka Raashinka ka dib markii laga baxay Bad xirankii Xiliga Xagaaga sidoo kale waxaa la filayaa in sidoo kale uu hoos u dhac uu ku yimaado Sarifka lacagaha Doolar oo isugu ku xiran Raashinka la kala iibsado hase yeeshee waxay shacabka Soomaaliyeed waxay la yaaban yihiin sida ay u gaabiyeen Dowladaha Yurub iyo Mareykanka ee xaaladda Abaarta Soomaaliyeed iyagoo ku tilmaamey Gargaarkooda Mid Afka Baarkii ah waxay dadka Soomaaliyeed u Mahadceliyeen Dowladaha Turkiga , Iiraan, iyo Kuweyt oo Dalka soo gaarsiiyey Gargaar wax ku ool ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.