Home » Faallo »

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed Casharkii XIII-aad

Dabayaaqadii 1926-kii, kadib markii xooggii gumeystaha uu ku fashilmey labadii qorshe-weerar ee hore, Talyaanigii wuxuu bilaabey qorshaha weerarkii saddexaad ee uu ku doonayay in uu kula wareego gobolka. Ciidamo tiro badan ayuu soo ceegaagey gobolka afartiisa jaho. Ciidankii ugu horeeyey oo dhamaa hal guuto, waxay ka soo dhaqaaqeen degmada Eyl markey taariikhdu ahayd 18/ 11- 1926-kii. Ciidankan oo hor-bax ahaa ayaa waxaa hoggaaminayay Cap. Rolle. Waajibka la siiyay guutadan wuxuu ahaa in ay jebiyaan ciidanka fadhiya qalcadda Dhuudo, dabadeed ay sii maraan Iskushuban oo haddey u suuragasho ay dooxada Dharoor kaga yimaadaan dhanka koonfur-bari. Degmada Dhuudo waxay ku taal meel istraateeji ah oo leh tog ayan biyuhu ka go’in. Si loo gaaro dooxooyinka ka shisheeya waxaa la maraa hal-waddo oo degmada afkeeda ah. Waa meelaha ay ciidamadu u yaqaaniin dhuun-quraaradeed (Buttle Neck Point). Sidaa darteed weerarkii labada ciidan ku dhex-maray Dhuudo afkeeda, waxaa lagu jebiyay ciidankii Talyaaniga. Waxaa goobtii lagaga diley 45 nin, waxaa lagaga dhaawacay 55 nin. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 293. Copenhagen – Denmark).

18/ 11- 1926-kii waxay ahayd maalintii ay ciidankan jabay ka soo baxeen degmada Eyl. Isla-maalintaas, waxaa jiray ciidan dagaalyahaniin Soomaaliyeed ahaa oo degmada u daba-maray ciidanka baxay. Iyagu waxay ku sugnaayeen buuraha ku meegaaran degmada Eyl. Halkaas ayay ka ilaashanayeen dhaqdhaqaaqa ciidanka cadowga. Markii ay hubsadeen, xooggii fadhiyay degmada in uu baxay, waxay weerar ku qaadeen magaalada gudaheedii. Waxay halkaas ku dileen 22 kamid ah askartii Talyaaniga. Waxaa kamid ahaa taliyihii lagu reebey degmada. Waxaa ku dhaawacmay rag 20 ka badan oo uu kamid ahaa taliye-xigeenkii. Labada ninba waxay u dhasheen Talyaani.

20/ 11- 1026-kii, laba guuto oo duub-cad Soomaali ah ayaa waxay ku dhaqaaqeen jahada degaanka Kallis. Qorshuhu wuxuu ahaa in ay Kalyaxeed sii maraan oo ay Qardho gaaraan. Dhulka dooxooyinka ah ee la yiraahdo Uur-Karkaar ayaa qorshuhu ahaa in ay ku kulmaan ciidamo ka imanaya dhanka Boosaaso iyo Qandala. Ciidamada ka soo baxayay labada degmo ee xeebta ku yaal, waxay ka soo gudbayaan buuraha Karin-Boosaaso. Ciidamadaasi dhamaan waxay u jeedaan dooxada Dharoor oo ahayd xarunta laga hagayay weerarada gumeysi-diidka ah.

Xaakimkii Talyaaniga De Vecchi oo Xamar ku laabtey, ayaa dib uga soo baxay markey taariikhdu ahayd 30/ 12- 1926-kii. Wuxuu soo raacay markab la yiraahdo Lussin isaga oo ku soo jeeda gobolka ay colaaddu ka hureyso. Ujeeddadiisa waxay ahayd in uu goob-jooge ka ahaado, isla-markaana uu talo ku yeesho weerarka lagu soo af-jarayo colaadda maamulkiisa kaga furan gobolka Majeertiinya. De Vecchi waxaa socdaalka ku weheliyay qaar kamid ah saraakiishii mustacmaradda. Markabkii ay saaraayeen, wuxuu soo gaarey degmada Xaafuun markey taariikhdu ahayd 8/ 1- 1927-kii. Dabadeed wuxuu markiiba xiriir la yeeshey saraakiishii hoggaaminayay ciidamadii maraakiibta lagu keeney.

“ Isagu (De Vecchi) wuxuu markaas amar ku bixiyay in Baar-gaal ay ka degaan hal guuto, Caluula ay ka degaan hal guuto, Butiyaalo ay ka degaan hal guuto, Qandala ay ka degaan hal guuto, Boosaaso ay ka degaan laba guuto (mid Ereteri ah iyo mid Zaptie’ ah). Kuwan danbe waxaa fadhigoodu noqonayaa buuraleyda Karin-Boosaaso “. (aIsla-marjicii hore. s. 294).

Laba guuto oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Bichis ayaa iyaguna ka soo degey degmada Xaafuun. Iyagu waxay u gudbeen dooxada Dharoor. Dooxadan iyo buuraha taxan ee ku weegaaran (waa buuraleyda Cal iyo buurleyda Kar-kaar) waxaa ku sugan in-badan oo kamid ah dad-waynihii gobolka iyo xoolahoodii. Dooxada waxaa fadhiya Boqorkii iyo xaashaadiisii. Waxaa kale oo ciidan fadhiyay qalcadaha ku hareereysan dooxada. Waxaa ciidankaas kamid ahaa ilaalo meereysta ee uu Xirsi Boqor ode u ahaa. Sidaa darteed dooxadu waxay bar-tilmaameed u ahayd ciidamadii Talyaaniga ee ka imanayay badda iyo birriga.

Xoogga uu markaan Talyaanigu damacsanaa in uu Dharoor ku qabsado waxay ahaayeen ciidamo ka yimaada afarta jaho. Ciidamadan oo intooda badan ahaa ciidamadii uu ku magacaabey Baando. Iyagu waxay ahaayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu baadiyaha ka soo ururshey. Intooda badan waxay ku shaqeynayeen in la ammaano oo ciidanka hortiisa inta la soo istaajiyo, dabadeed sarkaalka Talyaaniga ah uu ku yiraahdo Pravo. Baandada dhexdeda ammaan ayay ka ahayd tiro inta-jeer oo Pravo lagu yiraahdo wiilka askariga ah. Wuxuu ugu faani jiray askarta uu ka Pravo badan yahay. Sidaa darteed qoraalladii uu Talyaanigu ka reebey taariikhdan, wuxuu ku tilmaamey in askartaasi ay ahaayeen cawaan aan wax kala ogeyn.

Ciidamada uu weerarka Dharoor u keeney, qeyb waxay ka imanayeen Eyl oo waxay soo marayeen Beyla, iyaga oo dooxada koonfur ka soo gelaya. Ciidan waxay ka imanayeen Kallis oo waxay soo marayeen Qardho, iyagu dhanka galbeed kaga imanaya dooxada. Ciidan waxay ka imanayeen Bender-Qaasim iyo Qandala oo waxay soo marayeen Karin, waxay dooxada kaga imanayeen dhanka waqooyi. Ciidan waxay ka imanayeen Xaafuun oo waxay soo marayeen Dhuudo iyo Isku-shuban, waxay dooxada kaga imanayeen dhanka bari.

Ciidamada u haray xoogga dagaalyahaniinta, xilligaas waxay ahaayeen saddex urur oo midkood uu fadhiyay Uur-Caleed. Kaasi wuxuu ahaa ururka ugu badan uguna tayada wayn. Tirada ciidamadaas waxay dhamaayeen 500 oo nin. Meesha la yiraahdo Ciira-dhame oo dooxada Dharoor kamid ah waxaa iyana fadhiyey ciidan gaaraya 400 oo nin, kuwaas oo 200 oo kamid ah ay fardooley ahaayeen. Meeladeen waxaa iyana fadhiyay ciidan gaaraya 300 oo ilaalinayay Uur Kar-kaar. Waxaa intaas u dheeraa ciidankii uu Xirsi Boqor la wareegaaleysanayay oo aanan la garaneyn meel ay ku sugan yihiin. Geeridii iyo dhaawacii badnaa ee dagaalyahaniinta ka soo gaarey dagaalladii badnaa oo ay la galeen gumeystaha, waxaa isla-dhimey tiradii ciidanka. Sidaas oo kale ayaa waxaa isu-dhimey tayadii iyo hankie dhallinyarada dagaalamayay.

Labadii ciidan waxay isku heleen waddooyinkii dooxada soo aadayay. Dagaallo dhuumaaleysi ah ayaa lagaga hortegey ciidamadii uu Talyaanigu hoggaaminayay. Dagaalyahanniintii waxaa ku batay dhaawacii, waxaa ku yaraadey rasaastii, waxaa u muuqatey in markaan ayan u harin tabar xooggan oo ay ku sii dagaalamaan. Sidaa darteed ayaa Boqor Cismaan wuxuu dad-waynihii farey in ay si wareento ah uga qaxaan dooxada. Isla-markaas Boqorku wuxuu direy ergooyin uu kula hadlayo qabaa’ilka Soomaaliyeed ee la deriska ah. Gaar ahaa gobollada ay ku dhaqan yihiin beelaha Hartiga ah ee Nugaal iyo Sanaag. Ergo uu hor-kacayo nin la yiraahdo Nuur-Dhigey, Boqorku wuxuu u direy Sanaag. Waxaa xusid mudan, beelaha Nuur Dhegey loo direy in ay ahaayeen reer abtiyaashiis. Sidaas oo kale ayaa ergo kale loo direy Nugaal. Waxaa hor-kacayay nin la yiraahdo Nuur-Galow. Farriinta ay labada ergo qaadeen waxay ahayd, codsi uu boqorka u gudbinayay odey-dhaqameedyada qabaa’ilka gobolladaas ku dhaqan, si ay u bad-baadiyaan dadka soo qaxaya iyo xoogaaga u haray ee xoolaha. Qabaa’ilkii ay ergadu ku socotey si wanaagsan ayay u qaabileen ergadii iyo codsigii ay boqorka ka sideen. Waxay soo celiyeen jawaab ah ballan-qaad, wixii degaankooda nabad ku soo gaara oo dad iyo xoolo ah, in ay bad-baadinayaan. (aIsla-marjicii hore. s. 294).

L./ Col. Roggero wuxuu ahaa sarkaalka abaanduulaha ka ahaa ciidamada gumeystaha ee dooxada ku socdey. Isagu wuxuu ahaa ninka loo xil-saarey weerarkii lagu soo af-jaray dhaqdhaqaaqii iska-caabinta ahaa. Isla-sarkaalkan ayaa loo xil-saarey in uu soo qabto Boqor Cismaan. Toddobaadkii ugu horeeyey ee bishii jenaweri 1927-kii mar qura ayaa ciidamadaasi ay ku soo dhaqaaqeen dooxada Dharoor. Iyagu waxay markaan kaga yimaadeen dooxada afarteedii jaho. Bishaasi iyo bishii xigtey waxay ahaayeen marka ay isku hilboobeen labadii ciidan ee gobolka ku hardamayay. Waxaa weerarkaas dhinac socdey duqeymihii degmooyinka xeebaha ahaa. Meelaha ay maraakiibtu duqeynayeen waxay ahaayeen degmooyinka aanan weli gacanta Talyaaniga gelin iyo buuraha xeebaha ku yaal oo gabbaadka u ahaa dagaalyahaniint. Sidaa darteed dagaalku wuxuu ka socdey bad iyo beri. Dagaalyahaniintii Soomaaliyeed, muddo laba bilood ah ayay ku mitideen in ay dib u dhigaan xooggii Talyaaniga, si uusan u qabsan dooxada. Laakiin waxay ahayd xilli ay tabar-yareeyeen.

“ Muddadii uu dagaalku socdey, waxaa awood loo sheegtey maamulkii boqortooyada. Waxaa halkaas isugu yimid ciidamo aad u tira-badan, laakiin waa la loodin-kari waayay shantii sano oo degaanku uu dagaalku ka socdey. Ugu danbeyntii, dagaalyahannadii waxaa himmad-jab ku ridey rasaastii oo ka dhamaatey. Waayo waxaan wax u soo degin muddadii dagaalku socdey iyo sannado ka sii horeysey “. (aIsla-marjicii hore. s. 294).

Ugu danbeyntii ciidamadii saldanadda waa laga awood batay oo waa la jebiyay. Ciidamadii Talyaaniga waxaa u suuragashay in qul-qulkoodii uu u soo dhaadhaco dooxadii. Qeyb xoog leh oo kamid ahaa dadkii reer miyiga ahaa iyo xoolahoodii, horey ayay u sii qaxeen oo waxay u hayaameen gobollada deriska ah. Qeyb kale, gumeystihii Talyaaniga ayay gacanta u galeen, iyaga iyo xoolahoodiiba. Degaanka Iyax oo keliya xoolaha uu Talyaanigu ka soo ururshey wuxuu ku sheegey in ay dhamaayeen 500.000 oo ari ah iyo 1.000 halaad oo geel ah.

27/ 2- 1927-kii, iyada oo xoogaggii Talyaaniga ayan weli soo gelin dooxada, ayaa Boqor Cismaan uu ka qaxay degaanka. Isaga oo ay la socdaan ciidan gaaraya 200 oo nin oo fardo wata wuxuu ka gudbey soohdintii ay kala xariiqdeen Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waxay markaas magan-galeen maamulkii Ingiriiska ee ka talinayay waqooyiga Soomaaliya. Waxaa halkaas ku hungoobey L./ Col. Roggero, oo uu damac xoog leh kaga jiray in uu isagu qabto Boqorka. Inkasta oo Boqor Cismaan uu ka baxay Dharoor, misana dagaalkii ma joogsan oo waa uu sii jiitamay. Talyaanigu wuxuu si buuxa u cagadhigtey gobolka dabayaaqadii sanadaka 1927-kii.

Talyaanigii wuxuu maqley in Boqor Cismaan uu u gudbey soohdintii maamulka Ingiriiska. Wuxuu markiiba u direy dhambaal maamulkii Ingiriiska. Wuxuu ka codsadey in loo soo gacan-geliyo boqorka. Wuxuu kaloo dalbaday in soohdinta Talyaaniga lagu soo celiyo ciidankii boqorka sii raacay iyo dad-wayniha tirada badnaa ee ka soo qaxay gobolka Majeertiinya. Dad-waynihii iyo cuqaashii beelaha ku dhaqnaa degaanka uu Ingiriisku gumeysto ayaa maamulkii Ingiriiska waxay uga digeen in Boqorka loo celiyo Talyaaniga. Inkasta oo dad-waynihii iyo ciidankii ay dib u laabteen markii ay culeys kala kulmeen maamulkii Ingiriiska, misana Boqor Cismaan muddo lix bilood ah ayuu ku sugnaa degaanka Ingiriisku heystey. Qabaa’ilka reer Isaaq, gaar ahaan beesha Habar-Yoonis oo Boqorku uu xidid la ahaa ayaa si xooggan ugu doodey Boqorka. Isla-markaas ilaalada uu Ingiriisku u qeybshey Boqorka waxay ahaayeen beeshaas uu xididka la ahaa.

Muddadii uu Boqor Cismaan hoos joogey maamulka Ingiriiska, inteedii badneyd wuxuu ku sugnaa degmada Burco. Goor-danbe Ingiriiskii ayaa u wareejiyay Ber-bera. Inkasta oo uu u diiddanaa in uu magan-gelyo siiyo, misana si wanaagsan ayuu u maamuusey. Ugu-danbeyn Talyaanigii ayaa culeys soo saarey Ingiriiska, oo isagu u arkayay haddii uu Boqor Cismaan gacan ku dhigo, in ay taasi ka qeyb-qaadaneyso xasilidda maamulkiisa ee degaanka Majeertiinya. Boqor Cismaan dhankiisa wuxuu ka ogaadey in Ingiriisku uu dhiibayo, markaas ayaa ilaaladiisii gacan ku siiyeen in uu baxsado.

Jabuuti markaas waxaa ka dhisnaa maamulkii Faransiiska, Harar waxaa ka dhisnaa maamulkii Xabashida, Cadan waxaa ka dhisnaa maamulkii Ingiriiska. Saddexda maamul waxay heshiis la yihiin maamulka Talyaaniga in uu la wareego gobolka uu Boqor Cismaan ka talinayay. Sidaa darteed Boqor Cismaan wuxuu guddoonsadey in uu Talyaaniga isu-dhiibo isaga oo xor ah ee Ingiriisku uusan dhiibin.

27/ 9- 1927-kii ayuu Boqor Cismaan ku soo laabtey gobolkii uu odeyga ka ahaa. Meel u dhexeysa Ceeri-gaabo iyo Qardho ayuu ka soo galey. Markiiba ciidamadii baandada ahaa ee Talyaaniga u adeegayay ayaa qabtey oo Boosaaso u gudbiyay. Waxaa degmada fadhiyey xaakimkii Talyaaniga ahaa De Vecchi. Kulan wayn ayaa halkaas lagu qabtey intaanan boqorka la musaafurin. Dad-waynihii degaanka ayaa isu soo baxay. Ragga fagaarihii ka hadley waxaa kamid ahaa nin la yiraahdo Maxamuud Ismaaciil (Dhega-cadde). Isagu wuxuu la hadley nin la yiraahdo Nuur Subeyr oo isagu ahaa carab la socdey xaakimka Talyaaniyaga ah oo u turjumayay. Wuxuu ku yiri: “ War wakhti na sii aanu ku hadalno “. De Vecchi ayaa markaas yiri: “ Muxuu leeyahay ? ”. Markii loo sheegey ayuu u oggolaadey in uu hadlo. (Wareysi aanu la yeelanay Cismaan X. Nuur. 17/3- 2010. Boosaaso – Soomaaliya ).

Maxamuud Ismaaciil (Dhega-cadde), hadalkiisii waxaa kamid ahaa:

“ ……………………. Talyaaniga ina-qabsadey mid ayaan leeyahay, dad-waynaha goobtan isugu yimid, iyagana mid ayaan leeyahay. Talyaaniga waxaan leeyahay waxaad na siisaan toddoba cisho oo Boqorka aanu ku wada dardaaranno. Dad-waynahana waxaan leeyahay, haddii leynaga adkaadey, Boqor Cismaan 64 sano ayuu odey inoo ahaa oo ina xukumayay. Sida muuqatana waa uu naga tegayaa. Haddaba dhegeysta warkiisa iyo dardaarankiisa “. (Waxaan ka soo xiganey Cismaan X. Nuur Yuusuf. 17/ 3- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

De Vecchi waa uu aqbaley codsigii Maxamuud Ismaaciil. Toddoba cisho ayuu u fasaxay Boqor Cismaan iyo cuqaashii degaanka in ay Boosaaso ku kulmaan. Toddobadaas cisho ayaa magaalada waxaa yimid dad fara-badan. Waxaa degmada laga dhisey meel Boqorka kala hadlo dadka. Maalintii ugu danbeysey toddobadii cisho ee la ballamay ayaa kulan la qabatey. Cismaan Xaaji Nuur oo aabihiis uu ahaa gacan-yarihii boqorka, hooyadiisna ay ahayd Caasha Boqor ayaa ka waramey hadalkii uu galabtaas Boqor Cismaan ka jeediyay Boosaaso. Boqorku isaga oo la hadlaya dad-wayihii magaalada isugu yimid waxaa hadalkiisii kamid ahaa:

“ Wax wayn ayaa degaankayagii ka dhacay. Mid keliya ayaan idin farayaa oo waa is-cafiya. Midna waan idinka codsanayaa oo waa aniga i cafiya. ………………… Waa leynagu soo duuley oo dad naga xoog wayn ayaa na qabsadey. Dadkaasi nala diin maahan, oo nala dhaqan maahan, oo nala xigto maahan. Dhibka ay la yimaadeen waxna aragney, waxna inoo-dhiman oo inta uu gaarsiisan yahay ma garanayno. Laakiin waxaan idin leeyahay is-heysta oo diintiina haka tegina, is-heysta oo diintiina haka tegina, is-heysta oo diintiina haka tegina “.(Waxaan ka soo xiganey Cismaan X. Nuur Yuusuf. 17/ 3- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

  • Dowladaha daciifey iyo Cismaan duugta lagu aasey
  • Dadka la seyrey duuyada la dhacay degelladaa ceyra
  • Dabka la seexshey iyo kufriga dunida maaxaaya
  • Amxaarada dal dheer lagu qabtiyo webiga daantiisa
  • Dad nimaan wax garan bey la tahay daah ninkeed li’iye
  • Waxse leysku dilayaa midaan doocna garaneyne
  • Muslinow naftaada u dadaal gaalo waa derise
  • Inaanan xaasidnimo door ahayn daahir mow aragney
  • Boosaaso deyn lagama helo duraha jiilaale
  • Dahabkii la kala iibsan jiray daaqad lagu waaye
  • Xaafuun sidii looga didey duul ma soo dhugane
  • Deyrkii Hobyood waxaa fadhiya niman dukaanle’ahe
  • Inaanan xaasidnimo door ahayn daahir mow aragney (Cumar Aw-Muuse).

Qore: Dr. Saadiq Enow
dr_saadiq@hotmail.com

Qoraalladii hore: http://somalitalk.com/tag/eenow/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.