Iyadoo uu dhamaadey Xiligii Bad Xiranka ee Xeebaha Badda Soomaaliya ayaa waxaa soo if baxaya in uu laba jibaarmey Howlahii kooxaha Burcada Badeed labadii Todobaad ee ugu Dambeeyey ka dib markii la qafaashey Maraakiib , Doomo iyo dad Daxiisayaal oo marayey Xeebaha Badweynta Hindiya
Waxaa la soo calaamadeeyey in Dooni ay lahayd Dowladda Talyaaniga ay soo qafaasheen Kooxo Burcad badeed ah waxaana lagu waramey in doontaas ay iminka ku sii jeedo Xeebaha Deegaanka Xararr dheere oo ah Saldhiga ugu weyn kooxaha Burcad Badeedka halkaasoo lagu haysto ilaa 25 Markab oo dhamaantood laga doonayo Malaayiin Madax furasho ah sidoo kale Doon kuwa Dalxiiska oo ay saaran yihiin Saddex qof oo u dhashey Wadanka Ingiriiska Doraad ay soo qafaasheen kooxo Burcad Badeed ah kuwaa soo ula soo dhaqaaqey Xeebaha Soomaaliya waxaana ka horeeyey laba Haweenka oo u kala dhashey Wadamada Ingiriiska iyo Faransiiska oo mid la geeyey Deegaanka Xarar dheere midka kalena lagu haysto Deegaanka Raas Kambooni
Shaley ayaa Marakab weyn oo laga leeyahay Wadanka Talyaaniga ayaa kooxaha Burcad Badeed ka soo qafaasheen meel ku dhow Xeebaha Wadanka Cumaan waxaa isagana ku soo jeedaa Xeebaha Deegaanka Xarar dhewere waayo in Deegaankaas loo soo wado waxaa lagu ogaadey markii Kooxaha Burcad Badeedka ay Fantasyo ka dhigeen Xeebaha xarardheere oo la sheegey in Shirkadda soo qafaalatey ay bixiyeen Lacago loogu Dabaaldegeyo Qafaalashada Markabkaas Talyaaniga
Dadka la socda arrimaha Burcad Badeedka ayaa waxay sheegayaan in ay sii kordhi doonaan Howlaha Burcad Badeednimada maadaama laga baxay Xiligii Bad xiranka iyagoo Tilmaamey in sanandkaan uu ahaa Sannadkii ugu Qafaalashada Badnaa Maraakiibta waxaana la bixiyey Malaayiin Doolar iyadoo taasi ay ku tusineyso in Maraakiibta faraha badan ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya oo ay leeyihiin Ciidmada Midowga Yurub iyo Mareykanka aysan haki waayeen qafaalashada Maraakiibta mareysa Xeebaha Soomaaliya iyadoo dadka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in Maraakiibtaas ay xeebaha Soomaaliya u joogaan danahooda Gaarka ah oo ah in Xeebaha Soomaaliya ka gurtaan Kaluunka islamarkaana ku shubaan Sunta halista ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.