Home » Faallo »

Xeebaha Dalka Soomaaliya & Go’aankii Xaqa ahaa ee Baarlamaanka

Marxaladaha siyaasadeed ee uu dalku soo maray 21kii sanadood ee aynu ku jirnay dagaaladan sokeeye iyo burbukan ayaa waxay abuureen in gebi ahaanba noloshii, dhaqaalihii waxsooraarka, sida badihii, beerihii, xoolihii inay iyaguna baaba’aan ama ay ku adeegtaan dad aan aqoon wanaagsan u lahayn oo u adeegsanaya wejiyo ay macaash kaga heli karaan taasi waxay keentay in xeebihii dalka soomaaliya ay duulaan ku soo qaadaan dhammaan khubarada badaha ka faa’idaysta iyagoo doonaya inay ka sameeyaan dhaqaale aad u adag oo Soomaalidu aysan cilmigeedu aysan lahayn sababtoo ah xeebaha dalkeena waxay ahaayeen kuwa dihin maantayna waa kuwa la xaalufiyey waxaana ugu wacan jahwareerka siyaasadeed ee dalka ka jira in la boobo ama khashin sun ah lagu soo daadiyo kaddibna xudduudihii xeebaha ee uu dalku xaqa u lahaa macaash iyo dullaal lagu kala gato.

Go’aankii hore iyo kan maanta oo ay Baarlamaanka DFKMG ay wada gaareen ayaa labaduba waxay yihiin kuwa farxad iyo kalsooni dheeraad ah gelinaya shacabka Soomaaliyeed. Labaduba waxay noqdeen kuwa taariikhi ah sababtoo weli Baarlamaanku iskuma khilaafin xudduudaha xeebaha ee dalka Soomaaliya, laakiin arimo kale oo siyaasadeed way ku kala fikrad gedisan yihiin tani waa arrin qarameed oo taabanaysa xudduudii dalka iyo xeebihii iyo kheyraadkii dalka wax khiyaana ahina laguma samayn karo kuwii ka dambeeyeyna ee u saxiixay heshiiskaa lagu magacaabayey is afgaradka waa in la horkeenaa Maxkamadda Sare ee dalka iyadoo dacwadooduna uu si dhaqsa u soo diyaarinayo Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka haddii ay taasi dhicina go’aanadda Baarlamaanka dalka ay gaaraan wuxuu noqon doonaa fadhi ku dirir iyo sheeko aan meel loo deyan oo aan sharci ahayn.

Hoggaanka baarista ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaannu ka codsanaynaa inay bilaabaan baaris ku saabsan deeqihii dalka soo galay iyo halkii ay ku dambeeyeen iyagoo weliba la xisaabtamaya dhammaan xubnihii lagu tuhmayey inay wax is daba marsisiiyeen ama ay is leeyihiin inay wax ka dhaceen maaliyadda qaranka Soomaaliyeed ee loogu talagalay in dalka dib loogu dhiso, ha ahaado Madaxweyne, R/Wasaare, Guddoomiye Baarlamaan, ama Xildhibaan, ama wasiir qofkii lagu eedeeyana waa inuu si deg-deg ah isu casilaa iyadoon uusan wax shuruud ahi uusan ku xirin kana baxaa siyaasadda dalka ,sidoo kale go’aankii ay ka soo saareen Baarlamaanku xdduudaha badaha ee dalka wuxuu ahaa mid xaq waana in uu sida uu yahay u dhaqan galaa loona gudbiyaa dhinacyada kale ee sida khaldan macaashka looga gatay xeebaha dalka sida dowladda kenya iyo shirkadaha shisheeye shidaalka ka ganacsada lana horgeeya hay’adda qaramada midoobay si loogu soo celiyo cabbirkii saxda ahaa ee dalku uu lahaa maalntii uu dalka Soomaaliya qaatay xornimadiisa.

Haddaba waxaa is weydiin mudan xaalladani cakirain maxay tahay? dad Xukun raadinaya oo aan diin shaqo ku lahayn ayaa shacabkii galaaftay oo dhallinyaradii jaamacadaha ka Khalin jebinayey ee 20 Sanadood waddan burbusanaa jaamacad kaga baxay maallintay calfan lahaayeen ku xasuuqay “Hoteel Shaamow”iyo kii dhowaanahan ka dhacay wasaaradii hargaha iyo saamaha , tani xagee bay diinta kaga qoran tahay wiil yar oo xaalad dagaal iyo gumaysi waxbarasho ku dhex watay ma mid lagu abaalmariyaa xasuuq xagee Kitaabka Alle kaga qoran tahay soomaaliyeey, haddii aadan u arkayn inaysan xukun doon yihiin kooxaha weli dagaalamaya tani ha idiin ahaato markhaati mid la duugi karana ma aha Taariikhda ayey gelaysaa, xukunka ay doonayaan ma yahay mid ay calfan doonaan ?runtii ma aha mid ay calfan doonaan laakiin inay waddanka gumaysi kusoo hoggaamin doonaa ayaa cad. laakiin waa weli aan dhammaystirnayn barnaamijka dib u heshiisiinta
Sidaa awgeed, waxaa su’aal ah maxaa hortaagan geedi socodka nabadda ee dalka ? su’aashani jawaabteedu waa mid wejiya badan yeelan karta hase ahaatee waxaan ku soo koobayaa mucaaradka dowladda ka soo horjeeda oo aan weli laga helin inay ku soo noqdaan miiska wada hadalka iyo dib u heshiisiinta iyo dowladda oo ka dhega furaysatay dib u heshiisiinta awoodna mooday kumanaanka ciidamada shisheeye ee ku sugan caasimadda dalka Muqdisho, iyo hubka sharci darrada ah ee weli ku sugan dalka kaasoo ay ciidamo beeleedyadu ay ku boobaan gargaarka iyo saadka loogu talagalay dadka ay abaaruhu iyo gaajadu ay xaalufisay ee ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaal caasimadda dalk Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo weliba gargaarku uu weli soo gaarayo dalka maalinba maalinta ka dambaysa lana sii kordhinayo iyadoo loo soo raacinayo abuur beereedyo lagu dardar gelinayo beeraleyda laguna bacriminayo dhulkii ay abuuruhu iyo biyo la’aantu ku dhacday muddooyinka aadka u dheer.

Gabagabadii iyo faalladan ku saabsanayd xeebaha dalka Soomaaliya & go’aankii Xaqa ahaa ee Baarlamaanka ayaa waxaa la oran karaa waa g’aankii laga sugayey laakiin waxaa dhiman inuu go’aanku uusan noqon kii hore oo kale lana dhammaystiro taasoo macnaheedu uu yahay in hay’adaha sharci la marsiiyo sida hay’adda qaramada midoobay iyo dhinacyada heshiiskii hore saxiixay, isla markaana xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu horkeeno Maxkamada Sare ee dalka dhinacyadii sameeyey heshiiskan khaldan iyadoo wixii caddayma ahina loo soo raacinayo, haddii kale Soomaaliya lagama sugayo sharci iyo kala dambayn xeebaha dalka Soomaaliyana waxay noqon doonaantaa bahala galayn iyo guri burcadeed kuwa khashin sun ah ku daadiya kuwa si sharci darra ahi kaga kalluumaysta iyo kuwa heshiisyo been abuur ahi ku macaasha iyagoo dana gaar ahi adeegsanaya.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.