Home » Warar »

Xukuumadda oo shacabka ugu baaqday inay feejignaadaan, iyadoo Turkiguna u soo gurmday dadkii ku dhaawacmay qaraxa

Ku-Simaha Ra’iisul-wasaaraha ayaa shacabka ka codsaday inay noloshooda caadi ka dhigaan. “Cabsida ugu weyn ee ay argagixisada qabaan waa in nabadda iyo noloshu caadi ku soo noqdaan. Waxay u arkaan inay nabaddu tahay cadowgooda koowaad. Waa inaynaan u oggolaan inay hadafkooda ku guuleystaan,” ayuu yiri Mudane Cabdulwahaab Ugaas Khaliif.

Ku-simaha wuxuu hadalkaan jeediyay kaddib markii uu soo gabagaboobay shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada. Inkastoo Xukuumaddu ay sameysay wax kasta oo ay awooddo oo ammaanka lagu adkeynayo, haddana wuxuu Goluhu shacabka weydiistay inay feejignaadaan oo la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, iyadoo markan ay argagixisada Al-Qaacida ku xiran ay beegsanayaan goobaha jilicsan ee ay dadku ku badan yihiin.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirradu wuxuu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo jawaab deg deg ah ka soo bixisay weerarkii argagixiso ee dhiigga badani ku daatay ee Muqdisho ka dhacay, iyadoo dalkeeda u dhoofisay 37 bukaan iyo tiro intaas la eg oo qoyskooda ah. Bukaannada oo u badnaa ardey waxay six un ugu dhaawacmeen qaraxii Talaadadii ka dhacay Muqdisho.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa Xukuumadda iyo shacabka Turkiga oo u soo gurmaday dadkii ku waxyeelloobay weerarkii bahalnimada ahaa.”

Xukuumaddu waxay sidoo kale u mahadcelisay dhammaan dalalka muujiyay sida ay uga xun yihiin, ula jiraan shacabka Soomaaliyeed xilligan xasaasiga ah ee taariikhda Soomaaliya. “Saaxiibka wanaagsan waa kan ku caawiya xilliga aad u baahan tahay, caalamkana wuxuu muujiyay sida ay dhab u tahay oraahdaas.”

DHAMMAAD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.