Home » Warar »

Baaq iyo Cambaareyn Qaraxii Muqdisho ee 70 qof ku dhinteen

Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha ee Cali Kaar oo Cambaareynaysa Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxay hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Cali Kaar aad uga xuntahay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay Xaruntii Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha ee ay ku baabe’een dad badan oo Ardey u badnaa oo aanan waxba galabsan.

Dadka Qaraxaas ku baaba’ay ayaa waxay gaarayeen 83Qof, oo ay ka mid ahaayeen 45Arday oo meesha Qaraxaasi ka dhacay u yimid in ay eegtaan Natiijadii Imtixaan horey looga qaadey, waxaa kaloo halkaas ku nafwaayey Waaridiintii Ardaydaas la socotey, dad meesha Qaraxu uu ka dhacay agteeda marayey, Haween shaah ku karin jirey aagga hore ee meesha qaraxu uu ka dhacay iyo weliba dad uu ugu tagey meelo fog fog.

Dadka halkaas shalay ku nafwaayey ayaa waxay ahaayeen dad aan waxba galabsan oo biri ma geydo ah oo aanan wax lug ah ku lahayn Siyaasadaha iyo Mashaakillada waddanka Soomaaliya ka aloosan.

Sidaas Darteed, waxay hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Cali Kaar Cambaareynaysaa Qaraxii Musiibada ahaa ee aadka u foosha Xumaa ee halkaas lagula beegtey dad masaakiin ah oo il-madow ah iyo weliba dadkii ka dambeeyey qaraxaas.

Waxay hay’addu ugu baaqeysaa dhinac yada Soomaaliya Siyaasaddeeda isku haya in ay Ummadda Soomaaliyeed ee taagta daran ee Colaaduhu horey u aafeeyeen ay u naxaan kana joojiyaan Dilka, Barakicinta iyo Boobka joogtada ah, waxayna hay’addu dhinaca kale Tacsi u direysaa shacabka Soomaaliyeed si guud iyo dadkii ay ehaladoodu qaraxaas uga geeriyooden si gaar ah.

Alikar Peace and Human Rights Organization,
Website: www.alikarhumanrights.org
E-mail: alikar@alikarhumanrights.org
E-mail: alikarhr@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Baaq iyo Cambaareyn Qaraxii Muqdisho ee 70 qof ku dhinteen "

  1. waxaan u tacsiyadeynayaa ardeyda aan waxba galabsan ee ku geeriyootey muqdisho allahna samir iyo iimaan haka siiyo dadkii dhaley aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiin

  2. deeqa says:

    waxaan illahay uga barayaa in uu janadii geeyo masaakiinta masiibadu haleeshay waxii gaysatay ilahay ayaa abaal marinaya musalimiintun rabi ha u barayeen in masiibo dag dag ah ku rido cidii falkaas gaysatay

  3. Dr:hirabe says:

    Inaa li laahi wa inaa ileeyhu raajicuun,
    waxa dhacay waa wax aqoondaro diimeed aay sabbab u tahay.wiilka is qarxiyay ma yaqaan Islaamka iyo wax ilaah u abuuray,xaqiiqdii Cali dheere iwm ayaa adeegsaday ,ilaahna ka jawaabi doona aduunka iyo aaqiro.