Home » Warar »

Golaha Wasiirada oo shir aan caadi aheyn ka yeeshay Qaraxii maanta

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:

Golaha Wasiirada
Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan deg deg ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho iyagoo kaga hadlay falkii lagu beegsaday Xaruntii Harkaha iyo Saamaha ee KM4 halkaasoo fariisin u aheyd qaar ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumada, gaar ahaana kuwii adeega Bulshada.

Shirkan oo ahaa aan caadi aheyn ayaa waxaa shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif waxayna golaha Wasiiradu ugu horeyntii Tacsi tiiraanyo leh u direen ehelada dadkii ku geeriyooday Qaraxaas oo tiradoodu illaa iyo haatan la hayo 70 ruux oo dhimasho ah, kuwaasoo u badnaa Arday isu diyaarineysay inay waxbarasho Jaamacadeed u aadaan Dalka Turkiga, waxaana sidoo kalel dhaawac uu soo gaaray in ka badan 120 ruux.

Sidoo kale, Goluhu waxay cambaareyn dusha uga tureen kooxda Khawaarijta ee Al shabaab oo iyadu si cad u sheegatay falkan lagu laayay maatida Birimageydada ah ee aan waxba galabsan.

Halkan ka akhriso qoraalkii oo PDF ah
Ugu dambeyntiina goluhu waxa ay magacaabeen guddi qiimeynaya baaxada dhibaatada Qaraxu geystay iyo weliba dhaawacyada, si loogu raadiyo gurmad caafimaad oo deg deg ah, waxayna isla galabta booqdeen dhaawacyada ku jira Isbitaalada Banaadir iyo Madiino, waxayna sidoo kale kormeereen xaruntii Qaraxu ka dhacay.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.