Home » News »

Xukuumadda oo cambaareysay xiritaanka Al-Shabaab ee shirkadaha xawaaladda iyo isgaarsiinta

Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta waxay cambaareyneysaa falka kooxda Shabaab ay ku joojiyeen shaqadii shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Joojintan oo timid kaddib markii shirkaduhu diideen lacago baad ah waxay dhaawaceysaa ganacsiyada ugu muhiimsan ee dalka ka jira oo ay ka shaqeeyaan, kana faa’ideystaan boqollaal kun oo Soomaali ah.

Xeritaanka Shirkadaha NationLinks, Telecom Somalia, iyo Dahabshiil wuxuu sidoo kale wiiqayaa dadaallada gargaarka ee socda, maadaama xawaaladaha ay isticmaalaan qurba-joogta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka, waayo waa hannaan deg deg badan, laysku halleyn karo, isla markaana gaara meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya. Tani waa tallaabo kale oo Al-Shabaab ay kaga hor istaagayaan in
gargaarka la gaarsiiyo dadka baahan.

Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), ayaa yiri:

“Al-Shabaab waxay ciqaabayaan ganacsiga ka hana-qaaday dalka ee ku shaqeynayay duruufta adage ee ka shaqeynaya inuu dalku dib u soo kabto.

“Xukuumaddu waxay taageereysaa ganacsiga iyadoo ka shaqeyneysa sidii loo heli lahaa suuq xor ah oo xasilloon oo ay ganacsatadu ku shaqeysan karaan iyadoo aysan jirin caga-jugleyn”

DHAMMAAD

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.