Home » Warar »

Shir looga hadlayay Mabda Xagjirnimada iyo saameynta ay ku yeelan karto Soomaalida qurba joogta oo lagu qabtay Holland.

Shirkani oo ahaa mid aad u ballaaran oo looga hadlayay saameynta mabda xagjirnimada ay ku yeelan karto dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ayaa lagu qabtay magaalada Deh Haag ee xarunta siyaasadda wadanka Nederland, waxaana ka soo qeybgalay Aqoonyahano Soomaaliyeed iyo Ajaaniib lagu casuumay.

Shirkani ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Dalmar Foundation ee xaruntiisa tahay dalka Nederland oo gacan ka helayay Dowladda Hoose ee Den Haag iyo ururada caawiya dadka qaxootiga ee la yiraahdo VON, waxaana shirkani ku lamaananaa Siminaar aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayay arrimaha Argagixisada iyo sida looga wacyi gelin karo dhalinyarada.

Xubnihii lagu marti qaaday shirkani ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Macallin ka ah Jaamacad ku taal dalka Mareykanka, Saskia Tempelman oo ka socotay Wasaaradda Amniga iyo Caddaalada ee Nederland, una qaabilsan la socoshada dadka Argagixisada ka mid noqonaya iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Dowladda KMG Cabdinuur Maxamed Maxamuud waxaana ay halkaasi ka jeediyeen khudbado ay kaga hadlayeen xagjirnimada iyo Soomaalida sida ay ka aaminsan yihiin.

Saskia Tempelman oo ka socotay Wasaaradda Caddaalada iyo Amniga Nederland ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ka fog xagjirnimada sida looga tiriyo dadka kale ee dalalkooda dhibaatada argagixisonimo ka jirto isla markaana aysan muuqan dhibaato Dowladda Nederland ay ku qabto Soomaalida degan dalkani.

Waxay sheegtay in Dowladda Nederland ay ku howlan tahay sidii ay u abuuri laheyd barnaamijyo dhalinyarada u sahlaya in aysan u weecan dhinaca xagjirnimada iyo argagixisada caalamiga.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa isna goobta ka jeediyay khudbad wajiyo badan oo ka hadleysay xaaladda dalka uu ku sugan yahay, heerka ay gaarsiisan tahay wadaninimada Soomaalida iyo nidaamyadii soo maray dalka oo uu sheegay in wax maamul caddaaladda iyo wadaninimada ku dhaqmaya aan la arag mudo 40 sano ah.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Waxaa uu ka hadlay Prof. Axmad Samatar Sadax qodob oo uu ku tilmaamay in Soomaaliya haysato, kuwaasoo kala ah Fahamka danta guud, lagana door biday dan gaar ahaaneed, 2-Qaran jab iyo Hoggaan xumo, isagoo tilmaamay in cilada koowaad ay tahay hoggaan xumo.

Prof. Axmed Ismaaciil waxaa uu ku dheeraaday waxyaabihii laga dhaxlay burburka iyo nidaam la’aanta, isagoo carabka ku adkeeyay in xagjirnimada ku faafeysa meelo badan oo caalamka ka tirsan in looga hortegi karo nidaam adag iyo hoggaan mideysan, wuxuuna kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha u soo hayaamay in ay ka faa’iideystaan dalalka ay joogaan kana fogaadaan waxyaabaha keeni kara ka mid noqoshada ururada Argagixiso ee dalka ka dhisan.

Shirkani oo barbar socday Siminaar looga hadlayay doorka Dowladda Nederland kaga aadan ka hortaga asal raacnimada ee Argagixisonimo iyo Jaaliyadda Soomaalida qaabka ay isaga kaashan karaan, waxaana dooda ay aheyd mid diirada lagu saarayay arrimaha argagixiso ee Soomaaliya iyo dhalinyarada ka mid noqoneyso ee dalalka caalamka ka tegaya.

Dowladda Nederland ayaa mudooyinkii u danbeeyay il gaar ah ku heysay dhinaca amaanka dalkeeda, iyadoo dhawaan mas’uul ka tirsan waaxda nabadgelyada iyo la socoshada argagixisada uu sheegay in xubno xagjiriin ah oo gacan saar la leh ururka Al-Shabaab ay soo galeen gudaha dalka Nederland.

Ali Muhiaddin Ali
Utrecht, Nederland
Muxiyaddiin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shir looga hadlayay Mabda Xagjirnimada iyo saameynta ay ku yeelan karto Soomaalida qurba joogta oo lagu qabtay Holland. "

  1. Abuu Anas says:

    Asc bahda somalitalk iyo bulsho weynta somaliyeed.
    Run ahaantii maanta bulshada somaliyeed waxay u qeybsan tahay qurbe joog iyo iyo qurbe u hanqaltaage har iyo habeyn ku qarwaya, sidii ay ku tagi lahaa. Waxaan kula kulmay wiil jaamici ah waddan Afrika ka mid ah isagoo tahriib ah. Waxaan weydiiyey sababta ka soo ka xaysay dalkiisi hooyo, isagoo aqoon leh oo ka shaqeysan kara. Wuxuu iigu jawaabay, !! markaan jaamacadda dhammeeyey ayaan kala doortay dhoof ama waalasho!! waayo niyad waddanka lagu joogo ma jirto, xitaa shaqadeedu kuu biximeyso ayuu sii raaciyey “macnaha kalsooni waddan ma jirto”.

    Haddaba waxaan leeyahay maaddaama dalkii hooyo sidaas looga soo cararayo oo ku kalsoonaantiisi dhuntay, dhulalkii shisheeyana dadkii lagu kala soo cayo oo qofkii diintiisa iyo dhaqankiisa ilaashada farta lagu fiiqo, isagoon faldanbiyeey ku jirin, waa arrin khatar weyn ku ah bulshadeenna somaliyeed ee ku nool dhulalka reer galbeedka, waayo shiikhii dadka wacdin lahaa, haddii shaabbad argagixiso lagu dhajiyo, wiilkii khamrada iyo gabdhaha cad cad ka dhawrsada oo diintiisa iyo dhaqankiisa suubban gaws dambeedka ku qabsada lagu yiraahdo “yaa kuu macllin ah? Masaajidkee ku tukataa? Maxaa damacsan tahay in aad sameyso iwm oo la walwal galiyo. Gabdhaha xijaaban la caayo har iyo habeyn, lana cabsi galiyo iwm.
    Arrimahaan waxaan u arkaa waa arrimo siyaasadeed oo lagu doonayo, in bulshada somaliyeed khal-khal laga galiyo diintooda iyo goobaha ay isugu yimaadaan, gaar ahaan da’yarta somaliyeed ee la doonayo in la diin iyo dhaqan siibo mustaqbalka.
    Arrimahaan ha laga digtoonaado oo ha la isku duubnaado, yaan qofba maalin la cunin, inta magac been ah loo sameeyo. Dadkeennu argagixiso waxba kama oga, in dadkale ku shaqeystaan mooyee.
    Waxaan kula talinayaa jaaliyadaha somaliyeed ee qurbayaasha ku nool, gaar ahaan waddamada reer galbeedka, in ay midoobaan oo diintooda, afkooda iyo dhaqankooda ilaashadaan, kuwooda xunna gacanta iyagu ka qabtaan, si aan loogu soo marmarsiyoon. Waa in la iska ilaaliyaa dadka bulshada ku dhex jira ee calooshooda u shaqeystayaasha ah, kuwaas oo fidnada bulshada lacagta ku qaadanaya, shisheeyahana u gudbinaya.

    Ha la isku duubnaado dhammaan, yaan diintenna, afkeenna iyo dhaqankeenna nala ka suulin.