Home » Maqaallo »

Maamul Goboleedyada iyo Kaallinta ay kaga jiraan Horumarinta Dalka

Hordhaca sooyaalka taariikhda Soomaaliya ayaa waxaa ka soo ifbaxaya maamul goboleedyo kala duwan kaddib dagaaladii sokeeye ee burburka ugu geystay guud ahaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan kuwaasi oo bedelay wejigii siyaasadeed ahaa burburka iyo dagaalada sokeeye, kuna bedelay jawi xasiloon oo ku dhisan nabad iyo horumar taasi oo ay maanta horseed u noqotay in ay Soomaaliya ka abuuranto dowlad ku meel gaarka iyo maamul goboleedyo la shaqeynaya si loo gaaro hadafka ay ummaddu hiigsanayso ee ah geedi socodka nabadda taasina waxaa keliya oo lagu gaari karo waa in la taageero dhammaan maamul goboleedyada dalka jira kaddibna dib loo soo celiya midnimadii uu dalku lahaa.

Haddaba, maamul goboleedyadu kaalin intee le’eg ayey ku leeyihiin horumarinta dalka? jawaabtu waxay tahay aragtida ayey ka muuqataa sida ay beeluhu ugu faraxsan yihiin degaanadooda iyo horumarkooda nabadeed ,waddamada dunida ugu quwadaha waaweyn sida Midowgii Sofeyeetiga iyo Maraykanka ayaa waxay soo mareen marxaladan aan maanta ku jirno oo kale waxayna kaga gudbeen wejiga aannu maanta ku sugan nahay oo kale iyo mid la mid ah dunida oo dhami waxay soo martay dagaallo sokeeye kaddibna maanta waxay maraysaa horumar, nabad iyo shacab midaysan, sidaa darteed dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya kaallin muhiim ah ayey ku leeyihiin dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira.

Dhinacyada horumarinta iyo gargaarka bani’aadanimada markaan dib u jeleecno maamul gobleedyadu waxay ka qayb qaateen banaamijyadii lagu gargaarayey abaaraha dalka soo food saaray waxayna ka geysteen kaallin muhiim ah sida maamul gobleedka la magac baxay Udubland oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha maamul gobleedkaasi Mudane Eng. Ibraahim Cabdullaahi Caddow iyo Dowladda Malaysiya oo deeq deg-deg ah oo isugu jirta dawo, raashin iyo lacagba la soo gaaray shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu afeeyeen ee ku sugan dalka gudihiisa kuna soo beegan xilli runtii la oran waa xilligii ugu darnaa ee ay u baahnaayeen, taasi oo ay tahay in looga mahad celiyo dowlad goboleedka Udubland iyo Dowladda Malaysiya oo ah dad jecel walaalahooda Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya maxaa kala gudboon maamul goboleedyada dalka ka jira? sida ka muuqta booqashadii uu Madaxweynaha dowladda FKMG ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ay ku tageen maamul goboleedka Puntland wuxuu ahaa mid gogosha u sii xaaraya mustaqbalka iyo horumarka maamul goboleedyada dalka ka jira iyo sidii ay dowaladda FKMG ahi u heli lahayd una hanan lahayd kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee ay afeeyeen dagaalada sokeeye, abaaraha iyo burburka iyo qaxa, haddaba si loo gaaro arimahaasi dhami waa in la helaa maamul goboleedyo ku dhisan caddaalad oo dalka horumarkiisa iyo nabad gelyadiisa ka qayb qaata.

Saadaasha iyo sahanka 21-Sanadood kaddib Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in ay gaarto nabad, horumar iyo dib u heshiisiin waarta haddii ay noqdaan maamul goboleedyada maanta jira kuwa si dhab ah ula shaqeeya dowladda FKMG ah ee dalka ka jirta dowladduna ay aqoonsato maamul goboleedyada dalka ka jira kalsooni iyo wada shaqyna ay yeeshaan waxaan kaloo marna la hurayn in geedi socodka nabadda ee dalku uu ku xiran yahay horumarka ay gaaraan maamul goboleedyada sidaa darteed waa in dhammaan laga wada qayb qaataa dhistaanka dalka iyo nabadda taasina waxay tahay wadda keliya ee loo marayo in dalku uu ku soo noqdo kala dambayntii iyo horumarkii uu hore lahaan jiray oo dhan.

Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanayd, maamul goboleedyada iyo kaallinta ay kaga jiraan horumarinta dalka ayaa waxaan ku soo koobayaa shirkii ugu dambeeyey ee Muqdisho ay Dowladda FKMG ay kula yeelatay qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa wuxuu noqday wadda cusub oo nabadeed oo horumar lagu gaari karo mustaqbalka iyo dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya haddii la helo dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira inay ku midoobaan hal mabd’a la shaqeeyaan dowladda FKMG ah.

Sida ku cad war saxaafadeedka dowladda ee uu Wasiirka Qorshaynta uu shaaca ka qaaday Mudane Cabdulaahi Goodax Barre go’aankani wuxuu mudan yahay in la soo dhowooye laguna taageero dowladda FKMG ee Soomaaliya maamul goboleedyaduna ay ka soo wada qayb galaan shirarka dambe ee dib u dhiska dalka ee lagu qabanayo Muqdisho sidoo kale mucaaradka dagaalamaya waxaa la gudboon inaysan awoodooda wiiqin kana faa’idaystaan horumarka iyo geedi socodka nabadda kuna soo laabtaan miiska wada hadalka.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.