Home » News »

Xaflad Jaaliyadda Denmark u qabteen Ra’iisul Wasaaraha DFKMG

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali Gaas oo ku sugan magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark si uu uga qeybgalo shirka ICG (International Contact Group) ayaa ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Denmark ay ku soo dhoweynayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo taabaneysey dhinacyo fara badan, gaar ahaan dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, maamul wanaaga iyo abaaraha ka jira dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha waribintiisa waxaa ka mid aheyd sidii ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ay ugu guuleysteen inay Al-Shabaab ka saaraan magaalada Muqdisho, isla markaana ay si wanaagsan u xasiliyeen caasimadda. RW waxuu sheegay in la sameeyey ciidan u qaabilsan arrimaha dhowrista sharciga oo lagu guuleystay in Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad si nabad ah amnigii loo sugay. Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in kulankii lagu qabtay Muqdisho ee 4 ilaa 6dii September uu ahaa kulan taariikhi ah oo Soomaalidii ay ku heshiiyeen Roadmap.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa sheegay in warar jaraa’id yada lagu soo qoray oo sheegayey in isaga iyo wafdigiisa ay ka baxeen goobta shirka QM markii uu hadlayey Madaxweynaha Iran in uu warkaas been abuur ahaa, oo wafdigii Soomalida ay wada joogeen goobta shirka bilowgii ilaa iyo dhammaadkii khudbadii Madaxweynaha Iran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa beryahan waday dadaalo uu kula hadlayey Soomalida Qurbojoogta ah oo uu xaflado kala qeyb galay Virginia, Toronto iyo Copenhagen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmayey Qurbojoogto inay kaalin fiican ka qaataan u gar-gaarida shacabka soomaaliyeed iyo dhismaha dalka.


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.