Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo lagu casuumay Machadka daraasaadka Arrimaha Dibedda ee Denmark

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG aya atibaaxay sidan:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Professor Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka qeybgalay kulan ay Machadka daraasaadka Arrimaha Dibedda ee Denmark soo qabanqaabiyeen, halkaas oo uu ka jeediyey khudbad ama cashar xiiso badan oo uu ugu talo galay ardayda Jaamicadaha ee dalka Denmark. Kulankan ayaa waxaa goobta ku soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha Mr Holger Bernt Hansen oo ah Guddoomiyaha Machadkan.

Mr Hansen ayaa warbixintiisa ay ku jirtay taariikh nololeedka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo kulamadii uu Qaramada Midoobey ku yeeshay oo uu halkaas ka xusay qeybo ka mid ah khudbadihii Ra’iisul Wasaaraha uu ka jeediyey Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa khudbadiisa ku saleysneyd muhiimadda hay’adaha dowliga ah oo uu sheegay inay muhiim u yihiin horumarka, dimoqraadiyadda iyo nabadda.

RW waxuu sheegay in Somalia ay 20sano oo dictator ah iyo 20 sano oo dowlad la’aan ah ay keentay inay burburaan dhammaan hay’adihii dowliga ahaa ee u adeegi lahaa shacabka. Waxuuna sheegay inay muhiim tahay in hay’adihii dowliga ay shaqeeyaan si loo helo amni, kala danbeyn iyo nabad waarta.

RW waxuu sheegay inuu u yimid Soomaaliya sidii dib loogu soo celin lahaa hay’adihii dowliga si ay u soo celiyaan amnigii iyo kala danbeyntii, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen fursad ay kula tartamaan dalalka kale ee caalamka.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli M. Ali ayaa sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u ad-adag, isla makaana leh hab curin oo haddii ay helaan fursad ay suurtogeleyso inay dalkooda dib u dhisaan. Waxuu kaluu sheegay in waddanka Soomaaliya oo burbur ku jira 20 sano, haddan ganacsatada Soomaaliyeed ay horumar ballaaran ka sameeyeen dhinacyo badan, sida isgaarsiinta, xawaaladaha iwm.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.