Home » Warar »

Warsaxaafadeed golaha Wasiirada oo maanta aqoonsaday Golaha Kumeelgaarka ah ee Liibiya

Golaha Wasiirada ee Xukuumada
Federaalka KMG ah Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga
ahaa ee khamiislaha waxayna uga doodeen qodobo kala duwan oo ay ugu
horeysay barnaamijka deeqaha waxbarashada ee dowladda Turkiga iyo weliba
aragtida dowladda ee golaha kumeelgaarka ee Qaranka Liibiya.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen
Ugaas Khaliif iyadoo goluhu ugu horeyn ay ka doodeen qorshaha sugida
Amniga waxayna si wada jir ah isugu raaceen in la adkeeyo sugida Amniga
magaalada oo ay ku sugan yihiin hay’addo u soo gurmaday dalka.
Sidoo kale, shirka ayaa waxaa lagu dhegeystay warbixin ay soo jeedisay
Wasaaradda Waxbarashada oo ku aadan qaabka loo maamulo iyo habka loo
maro, waxaana Wasaaradu ay cadeysay in Dowladda Turkigu ay qaaday arday
tiradoodu dhan tahay 350 Arday oo u badan arday heysata shahaadada dugisga
dhexe, waxaana ugu dambeyntii goluhu ay go’aamiyeen in wixii haatan ka
dambeeya loo saaro guddi si gaar ah uga shaqeeya deeqaha waxbarashada,
qeybintiisa iyo weliba Imtixaan qaadista sidoo kalena la gaarsiiyo deeqahan
dhamaan gobolada dalka.
Golaha ayaa looga warbixiyay safarka R/wasaaraha iyo kulamadii uu ka
qeybgalay ee ay ka mid aheyd shirkii guud ee Q/midoobay ee ka dhacay
magaalada New York, waxaana wax kama jiraan lagu sifeeyey warar sheegayay
in ergada Soomaaliya uga qeybgashay shirka Q/midoobay (UN General
Assembly) ay ka kaceen fadhiga markii uu khudbeynayay madaxweynaha dalka
Iiraan Mudane Maxamud Axmedinijad.

Halkan ka akhri qoraalka oo PDF ah
Ugu dambeyntiina Golaha Wasiiradu waxay ka doodeen sugnaashaha golaha
kumeelgaarka ah ee Qaranka Liibiya iyo aragtida ay ka qabto dowladda
Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed, waxayna isku raaceen in golahan loo
aqoonsado golaha saxda ah ee kumeelgaarka ah ee Qaranka Liibiya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.