Home » News »

Kaalmo Loo Doonayo Masjidkii Ugu Weynaa Soomaaliya Oo Dhismihiisu Socdo.

Gudiga Masjidka Weyn ee Magaaladda Baydhabo, waxay Walaallahooda Muslimiinta ee ku nool daafaha caalamka ka codsanayaan, in ay gacan ka geystaan qaybaha ka harey dhismaha Masaajidkii ugu weynaa dalka soomaaliya oo laga dhisayo magaaladda Baydhabo.
Dhismaha masjidkan waxaa uu ka kooban seddax dabaq, Dhismihiisuna waxaa uu socdey muddo hal sanno ah, intii uu socdey waxaa gacan ka geysanayey dhamaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan dadka deegaanka, jaaliyadaha dibadda iyo ganacsatadda soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda.
Waxaa la dhameeyey dhismaha guud ee masjidka, waxaa harey qaybaha ugu shaqada badan dhismayaasha oo dhameystirka, waxaana walaallaha muslimiinta soomaaliyeed iyo kuwo kale ee caalamka laga codsanayaa in ay gacan weyn ka geystaan, maadaama uu yahay Meelaha ugu khayrka badan ee lagu bixiyo maalka muslimiinta.
Cidii gacan ka geysaneysa, waxaa laga codsanayaa in ay ku soo hagaajiyaan Akoonadda kala ah.

WAXAA LAGALA XIRIIRAYAA MASAAJIKA TALIFOONADA IYO E-MAILKA HOOS KU QORAN.

00252695590014 AMA 00252615590049 AMA 00252615578984

Masjidka Baydhabo Xisaabta waa: Shirkada Amal 45721

Dahabshiil BAy D0009350

mibhassana@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.