Home » Warar »

Maxaa ka jira in Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ay Dowlada Mareykanka Sanadkaan u diiday dal ku galka (Visa) Mareykanka

Labadii sano ee ugu dambeysay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sh eekh Axmed wuxuu ka qaybgalayey shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobey kaas oo lagu qabto xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York, hase yeeshee warar aanu ka helnay Diblomasi ka tirsan Dowladda Federaalka oo magiciisa qariyey ayaa noo sheegay in Madaxweyne Shariif ay Dowladda Marey kanka sanadkaan u diiday fiisihii dal ku galka Mareykanka.

Sababaha loogu diiday ayaa waxaa ka soo baxa warar kala duwan, qaar waxay sheegayaan in Dowladda Mareykanka ay si aad ah uga carootay halka ay martay lacag gaareysa 75 Milyan oo Doolar oo Dowladda Sheekh Shariif loogu deeqay, waxayna Dowladda Mareykanka aaminsan tahay in lacagtaasi la Musmaasuqay kadib markii ay Dowladda Federaalka cadeyn weysay halka ay ku baxday lacagtaasi faraha badan.

Lunsashada Lacagtaan ayaa waxaa hore u baahiyey Hayadaha inta badan ka hadla arrimaha Musuqmaasuqa inkastoo Madaxweyne Shiikh Shariif uu beeniyey Lacagahaas kuna tilmaamey kuwa faafiyey kuwa doonaya in ay Sumcadda ka haleeyaan Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo sugayey fiisaha Mareykanka ayaa lagu wargeliyey Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Gaas in uu ka qaybgalo shirkaasi, waxaana lagu waramay in Madaxweyne Shariif si weyn uga carooday arrintaasi, waayo shirka waxaa wadan kasta uga qaybgalayey hogaamiyaha ugu sareeya ilaa iyo haddana Dowlada Mareykanka wax faahfaahin ah kama bixin sabaha ay uga hor istaagtay Madaxweyne Shariif in ay u soo dirto Viisihii Dal ku galka Mareykanka

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Mareykanka aysan la dhacsaneyn Siyaasadaha Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ee ku aadan arrimaha Siyaasadda, Dhaqalaaha iyo Amniga, iyadoo Dowladda Mareykanka ay ahayd Dowladdii hormuudka u ahayd in Sheekh Shariif loo doorto Madaxweynimada Soomaaliya kadib markii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf lagu qasbay in uu is caliso, iyadoo haatan Sheekh Shariif uu ku haminayo in mar kale mudo 5 sano ah loo doorto xilka Madaxweynimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu tiriyo Madaxweynaha ugu safarka badan adduunka ayaa mar wax laga weydiiyey safaradaasi tirada badan, wuxuu ku jawaabay “Haddii aan iska fadhino gudaha Soomaaliya cid na soo xasuusaneysa ma jirto, marka waan ku qasbanahay in aan safaro shaqo ku kala tango wadamada Caalamka”.

Magaalada New York waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka hase yeeshee kama mid aheyn wafdigii Dowladda Federaalka uga qaybgalay shirkii New York, waxaana lagu waramay in uu halkaasi u tagay arrimo siyaasadeed oo la xiriira hamigiisa siyaasadeed ee ku aadan in uu Soomaaliya ka noqdo Madaxweyne wuxuuna dalka Mareykanka kula kulmay siyaasiyiin ka tirsan Aqalka cad ee Mareykanka, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo siyaasiyiin kale oo Mareykan ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.