Home » Warar »

Kulan Balaaran oo dhexmarey Ururka Dhalinyarada SYL ee San Diego iyo Urur ay ku Mideysan yihiin Ardeydii ka soo Qalin Jabisey Jaamacadaha iyo Machaahida

Ururka SYL ee ka dhisan Magaaladda San Diego ee Cariga Mareykanka ayaa Gudoomiyahoodu Cabdi Maalik Cali Bucul waxaa kulan la yeesheey Urur ay ku mideysan yihiin Ardeyda Ka soo Qalin jabisey Jaamacadaha iyo Machaahida Dalka oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SUHA Somali Students of University and Highs institute Association kasoo ka dhacay Xafiiska Ururkaas ee Magaaladda Muqdisho

Isbarasho ka dib ayaa waxaa halkaa looga doodey qodobo ay ka mid yihiin sida Dhalinyarada wax baratey ay u kaalmeyn karaan dadka dhibaatooyinka kala duwan ay ka soo gaaraan Abaaraha , Colaadaha iyo Cudurada sidoo kale waxaa looga doodey sida Dhalinyarada ugu qaybqaadan karto Nabadda iyo Dibu dhiska iyo sida looga baahan yahay Dhalinyarada gaar ahaan kuwooda Waxbartay ay dadka Soomaaliyeed uga saari karan Jahliga maadaama uu Jahligu uu yahay mid koowaad ee Caqabadda ku ah Nabada Soomaaliya

Cabdi Maalik oo halkaa ka Hadley ayaa sheegey in Ururkoodu SYL San Diego uu aad ugu faraxsan yahay in Dhalinyaro Soomaaliyeed ay Dalkooda wax ku bartaan oo Muddo 21 Sano ay ku jireen Dagaalo iyo Nabad la’aan waxaa kaloo sii farax geliyey markii uu maqley in iyadoo Madaafiic dhaceyso aysan marnaba u baajin in ay dhameystaan Waxbarashadooda islamarkaan ay haatan Diyaar u yihiin in wixii ay barteen in ay uga faaideyaan Dhalinyarada kale ee iyana aan helin fursadii waxbarashada

“Dalkeena waxaa badbaadin kara Dhalinyarada, Xisbigii SYL iyaga oo 13 ah ayey keeneen Xoriyada aan maanta haysano marka waxaa idinkana la idiin ka doonayaa in aad dalkiina ku soo Dabaashaan nabad iyo Dib u heshiisiin dhab ah” ayuu yri Cabdi Maalik oo sheegey in uu ka shaqeyn doono in uu isku Xiro Dhalinyarada kale ee Dibada wax ku bartey iyo kuwa dalka jooga si ay dalkooda dib ugu dhisaan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Gudoomiyaha SUHA oo isna halkaa ka Hadley ayaa sheegey in ururkoodu aad u soo dhaweynayao in uu iskaashi uu dhexmaro iyaga iyo kuwa dibadaha jooga si ay ugu qaybqaataan samatabixinta dalkooda iyo Dadkood , wuxuu uga mahadceliyey ururka SYL sida uu u daneynayo iska xirka Dhalinyarada ku nool Dalka Gudihiisa iyo dibadiia

Ugu dambeyn waxay isku raaceen labada urur in ay si wadajir ugu Howlgalaan sidii dalkooda uga saari lahaayeen Dhabaatada isla markaana Aqoonta ay barteen ugu faaideyn lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Gudihiisa iyo Dibadaas taasi marka ay timaado waxaa soo baxaya Dhalinyaro ka fayow arrimaha Dagaalada , Qabiilka , Qoriga iyo Qaadka sidoo kale Gudoomiyaha SUHA Cabduqaadir Ibraahim Maadeey ayaa u mahadceliyey Ururka Dhalinyarada SYL Sen Deigo sida ay uga Go’an tahay sidii uuu iskaashi u dhexmari lahaa Labada Dhinaca

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kulan Balaaran oo dhexmarey Ururka Dhalinyarada SYL ee San Diego iyo Urur ay ku Mideysan yihiin Ardeydii ka soo Qalin Jabisey Jaamacadaha iyo Machaahida "

  1. WADANI says:

    waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa cidkasta oo ka dhawaajiso dhibaato la geystay ILAA MAALINTII UU WADANKA BUR BURAY
    walaale yaal cidkasta waxay geysato (wanaag iyo xumaan)marnaba lama hilmaamayo taariikhda ayaan qoreyso) FROM GENERATION TO GENERATIONS
    1-KII WAX DILAY:2KII WAX DHACAY:3KII WAX GADAY:KII WAX KUF SADAY IWM
    THRUTH HEARING WILL COME OUT ONE DAY(KEEP HONESTY PERSONALITY)