Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan oo ku kulmay New York

Wasaxafadeed ka soo baxay xafidka ra’iisul wasaaraha DFKMg ayaa tibaaxay sidan:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa qaatay kulan waqti dheer socday. Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda Turkiga ah ay ka go’antahay saacidaada shacabka soomaaliyeed iyo dowladdoodaba. Waxuu sheegay in safaaradii Turkiga laga furay Muqdisho, isla markaana la bilaabay mashaariicdii uu ballanqaaday. Waxuu kaluu sheegay inuu diyaar u yahay inuu sii wado saacidaada oo muddo dhow la dhisi doono Isbitaal qaada 200 sariir, waddooyinka, airportka, Iskuulo iyo mashaariic kale. Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey RW Turkiga sid geesinimada leh ee uu u qaatay inuu caalamka u horseedo sidii loo saacidi lahaa shacabka Soomaaliyeed, waxuuna uga mahadceliyey booqashadii uu ku yimid Muqdisho, oo uu sheegay inay bilow u aheyd booqashooyin isdaba joog ah oo mas’uuliyiinta caalamka ay ku imanayeen Soomaaliya, taasoo wax weyn ka bedeshay fikirkii caalamku ka qabay Muqdisho. RW Abdiweli ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda u baahantahay dhismaha hay’adihii dowliga ahaa (Institutions) iyo mashaariic si Soomaalida ay isagu tashato mustaqbalka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu u istaagayo arrimaha Soomaaliya kala hadlayo madaxda caalamka, oo uu sheegay inay waajib ku tahay caalamka inay xal u helaan arrimaha Soomaaliya.

 
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan oo ku kulmay New York "

  1. Bilqeyr says:

    Asalaamu caleykum/ waxan salaamaya somaalida nabada jecel meel kasto ay dunida ka joogan, salaan kadib waxan jecelahay in aan dhiibto fikradeyda oo ah.

    somalia in badan bey dagaalo iyo abaaro kusoo jirtay ilaa hadana wax horumar ah oo la gaaray majiraan in ay sii darsato dhibaatada mooyaane
    xiligan hadda la joogana waxan heysanaa jaanis weyn oo ah in caalamka ay hadda usoo jeesten in ay na caawiyaan waxase nasiib daro weyn ah in aan ka faa’deysan weyno jaaniskan oo dowladda turkiga ay hormuud utahay in ay na caawiso aad iyo aad ayuu umahadsan yahay Ra’iisulwasaaraha turkiga oo 100% ka damqaday somalia dhibaatada heysata wuxuuna garab inagu siinayaa in aan horumar ka gaarno dhibaatada iyo colaada heysata wadankeena sidii aan uga bixi laheynay
    waxaase la yaab leh ninkii diidan in uu ka faa’deysto in wadankiisa loo dhiso ama nabad lagu soo dabaalo.

    CODSI.

    waxan DKM somalia iyo shacabka somaliyed ee jecel in uu wadanka dhismo ka codsanayaa in haweenka iyo ragga la kala soocin xagga dowlada haddii la doonayo in uu wadanka dhismo oo uu noqdo wadan dimoqraadi ah waa in ay haweenka hormuud unoqdaan dowlada sababta uu maanta wadankeena uburburay waa ragii oo is,heysta oo qori iyo qabiil iyo qaad ka bixi la’a marka haddii dib loo fikiro meeshas waxa ka maqan waa haweeinkii maamuli lahaa sababtoo ah ragga iyo haweenkuba waa bidix iyo midig laba midig ama laba bidix wax ma tarayaan ee isku shandheeya labada si uu wadanka horumar ugaaro waxad ogaatan haweenku in ay yihiin iftiinka nolosha.
    waxan kaloo idin sheegayaa dowlada waa in ay ku shaqeeyan aqoon sare nin aan laheyn shahaado cilmiyeed ma maamulikaro daldhan mas’uulna ma galo ee labadaas arimood hala sameeyo si looga baxo dhibaatada heysata wadankeena.

    WABILAAHI TOOWFIIQ.

  2. somali says:

    Ilaahay ha ka abaal mariyo walalken erdogan. waa walaal u taagan difaaca bini-aadanimada sey u dhan tahay.