Home » Warar »

Hayadda SEDHURO oo Tababar ku saabsan Waxyeelada Hubka u Qabatey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya

Tababarkan oo looga hadlayo Rasaasrta iyo Hubka looga tegay gudaha magaalada Muqdisho ayaa maalinimadii Sabtidii oo taariikhdu ahayd 17th Sept 2011ka furmay Xafiiska Sedhuro ee Magaalada Muqdidho.
Waxaa lagu casuumay Saraakiishii hore ee aqoonta sugan u lahaa agabka hubka iyo dhamaan waxyaabaha Qarxa , waxay ay lafo gureen arimaha khatarta ah ee Hubku uu u gaysanayo Bulshada Rayidka ee reer Muqdisho,Waxayna soo saareen Warbixino iyo Talooyin wax ku ool ah oo ku aadan arintaas hubka.
Waxaa Siminaarkaan waciyogelinta Furey Wakilka Hayadaas SEDHURO Cabdulaahi Xaashi Xasan isagoo sheegey in in Bulshada Soomaaliyeed ay si aad ah dhibaatooyin ugu qabaan Rasaasta iyo Waxyaabaha Qaraxa loona baahan yahay in Saraakiisha iyo Ku xigeenadooda ay talooyin wax ku ool ah ay gaysataan dhamaam arimaha la xirriira Hubka iyo agabka Qarxa ee looga tegay gudaha Magaalada Muqdisho iyo dhamaam agagaarkeeda.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Tan iyo markii ay dhaceen Dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya dalka wxaa ku soo qulquleyey Hub Fara fara badan iyadoo weliba si aad ah loo Bililiqeystey Kaydadkii Hubka ee ee Dowladii Hore ee Milatariga isla markaana waxyeelo ka soo gaartey dada fara badan iyadoo taasi ay jirt ayaa Hayadda Sean Deaveroux Human Rights Organization (SEDHURO) waxay ka howlagashaa Gobolka Banaadir , Jubooyinka , Geddo Dalka Kenya iyo Holland .

W.D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.