Home » Warar »

Maxkamadda sare oo shirkadda SKA u fasaxday inay howlaheeda ka sii wadato Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.

Iyadoo waayadaan danbe qilaaf uu u dhaxeeyay shirakadda SKA iyo shirkada kale oo ay Soomaali leedahay , kaddib markii lagu eedeeyay Shirkadda SKA ee ku tagrifasho dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maxkamadda sare ee DKMG ah ayaa maanta u xukuntay shirkadda SKA Air & Logistic inay ka shaqeyso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda sare mudane Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, isagoo sheegay in shirkadda SKA ay ku joogto heshiis ay wada-galeen iyada iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

“Dacwadda oranaysa garoonka diyaaradaha waxaa qabsatay SKA, dhaqaalaha ayayna gurataa… waxba kama jiraan, balse dalka waxay ku joogaan heshiis sharci ah oo dhexmaray iyada iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ilko-Xanaf

Guddoomiyaha maxkamadda sare wuxuu ka codsanaynaa shirkadda SKA inay dadka Soomaaliyeed ee aqoonta leh ay shaqooyinka siiso, isagoo xusay inay mar walba ku talinayaan in shaqooyinka la siiyo dadka Soomaaliyeed ee kartida u leh inay qabtaan.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Martin Pill oo SKA ka tirsan, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aanka ay qaadatay Maxkamadda sare ee dalka, uuna u mahadcelinayo qareenkii u doodayay shirkaddooda oo lagu magaaabo C/risaaq Nuur.

Dhidhaca kale Shirkadda SKA ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed u soo gabgabeysay tababar ku saabsan sugidda ammaanka garoommada maalintii doraad aheyd
Tababarkan oo ay shahaadooyinkiisa bixisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada iyo garoomada diyaaradaha ee (ICAO) ayaa si xowli ah ku socday muddo laba todobaad ah.

Dhalinyaradan waxay barteen dhammaan howlaha la xiriira sugidda ammaanka garoommada, rakaabka iyo diyaaradaha, waxaana 19 ka mid ah la guddoonsiiyay shahaadooyin muujinayay inay koorsadii si habsami leh u dhameysteen.

Tababarkan ayaa waxaa maali-gelisay shirkadda SKA oo ka howlgasha garoonka diyaaradaha ee Muqdishu. Macalinka tababarka bixinayay ayaa lagu magacaabaa Vilimonica Caucau, isagoo sheegay in tani ay tahay arrin taariikhi ah waayo waa markii koobaad ee 20 sano kaddib ay dhallinyaro Soomaaliyeed fursaddan oo kale ay ku helaan dalkooda gudihiisa.

Waxaa munaasabadda goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka kala socotay qeybaha kala duwan ee hay’adaha garoonka ka howlgala oo uu horkacayay maareeye ku xigeenka hay’adda duulista hawada Maxamuud, maamulaha garoonka diyaaradaha Adan Cadde International Ibraahim Imaan, madaxa shirkadda SKA ee Soomaaliya, Anthony Randerson oo dhamaantood qiray in tababarka noocaan ahi yahay tallaabo weyn oo horay loogu qaaday sidii lagu horumarin lahaa garoonka diyaaradaha Adan Cadde International ee Muqdisho.

W:D. Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail. amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail. amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.