Home » Warar »

Kulankii Wadatashiga ee Soomaalida ku dhaqan South Africa oo la soo gaba-gabeyey

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg shir mudo sadax maalin uga socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Africa. Shirkaan oo ay si wadajir u soo qaban qaabisan Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed (CRD) iyo Jaaliyadda Sooamalaiyeed ee dalkaas ku nool. Waxaa uu daba socday wadatashiyo so socday lixdii bilood ee la soo dhaafay kaas oo qayb ka ahayeen ma’uuliyiin ka soctay dowladda South African, Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Xarunta CRD.

Kulankaan waxaa uu sal u ahaa barnaamij balaaran oo lagu doonayo

1) in midnimo la’aanta ka dhaxeeyso Jaaliyadda Soomaaliyeed, la soo afjaro si ay u suuragasho in Doowladda South Africa wax qabato dhibaatada ku wajahan Jaaliyadda Soomaaliyeed

2) in si cilimyeeysan loo soo bandhigo dhibab haysta Jaaliyadda , kuwaas oo ay ka mid tahay dilal loo gaysto gacansatada Soomaaliyeed, dhibka Soomalida iksy geeysato iyo in laga wadahadlo arimaha la xiriira sharciga iyo deganaanshaha dalka South
Africa

3) Wax ka badalida Siyaasadda Dowlada Africa ee ku wajahan Soomaalida ku nool South Africa

4) iyo guud ahaan sidii Dowladda South Africa ay kaalmo lixaad leh uga gaysan lahayd dib u dhiska Dalka Soomaaliyeed.
Mudada shirku Socday waxaa si saraaxad leh looga munaaqashooday qodobada kor ku xusan.

Kulankaan waxaa uu suurgal ka dhigay in markii ugu horeeysay ay qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo indheer garadkoodu isku yimadaan kana tashadaan mustaqbalkooda.

Inta uu socday kulaankaan waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka kala socoday dowladda Soomaaliya iyo Doowlada South Africa, Hay’aada ACCORD. Dhanka Soomaaliya waxaa ka soo qayb galay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo uga qayb galay qadka teleefanka iyo wasiir ka socday xukuumadda Soomaaliya . dhanka South Africa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin wakiil ka ahaa dolwada iyo madaxwaynaha dalka South Africa.

Jabril Ibrahim Abdulle, oo ah madaxa Xarunta Clmibaarista iyo Wadatashiga (CRD) oo qaban qaabada kulan kaalin ka gaysatay ayaa ku adkeeyay shacabka ku dhaqan South Africa in ay ka faa’iideystaan fursada ay haystaan.

“ Soomaaliya waxaa burburiyay waa midnimo la’aan, hadii adaan helina midnimo dhexdiina ah, ma jiri karto cid idin caawi kartaa. Markii ugu horeeysay Doowlada South Africa waxaa ay idin muujisay in ay doonayso in ay dar dar galiso kaalmeeynta Soomalida ku dhaqan Soomaaliya iyo kuwa Soomaaliya ku dhibaatysan, waxaaa ay u baahan yihiin dad ay shaqeeyaan oo midaysan, fadlan adkeeya midnimadiina” Jabril ayaa sidaas u sheegay ka qeyb galayaashii shirka.

Vasu Gouden, oo madaxa hay’ada ACCORD, kalana taliyo doowlada South Africa, arimaha nabadda iyo kalameynta wadamada colaada ku habsatay ayaa sheegay ”Soomaaliya waxaa ay ahayd saaxiibka runta ah ee dadka South Africa xiligii midab takoorka, waxaad na siisiin, lacag, hub iyo codkiina, kaalin aan la ilaabi karina waad ka qadateen xureenta walaalihiin, waxaan hadda diyaar u nahay in aan idinkana idin caawino, diayaar ayaana u nahay”

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Abdiwali Gaas ayaa balan qaaday in ay doowladiisu xil iska saari doonto sidii wax looga qaban lahaa dilalka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan South Africa, sidoo kale waxaa uu uga mahad celinyay shacabka iyo doowlada South Africa kaalmada ay u fudiyeen dadka Soomaamliyeed ee ku tabaalaysan Soomaaliya.

Fury Malebogo oo ah ergiga gaarka ee loo magaacabay arimha Soomaaliya ayaa u sheegay Jaaliyadda in Doowladiisu diyaar u tahay in ay is garab taagto shacabka Soomaaliyeed, Waxa uu sheegay in uu isagu ku nool yahay gudaha Soomaliya taasn ay daliil u tahay sida ay u doonayaan in ay taageeraan dadka Soomalida ah.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay mdaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan South Africa, iyaga oo balan qaadan in dadka Soomaaliyeed ee ka maqan kulankaan la doono doono si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo suuragaliso in la gaaro yididiiladda Shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqan Dalka South Africa.

Waxaa dalka South Africa si isdaba joog ah ugu soo qul-qulaya dad Soomaaliyeed oo ka soo qaxaya colaada Soomaaliya taasna waxaa ay keentay in dad ka badan 70,000 oo qof Soomaali ah ay ku nool yihiin dalka South Afrcia. Dadkaasina waxaa ay yimaadeen 5 tii sano ee la soo dhaafay. In kayar 7 sano shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan South Africa, waxaa ay noqdeen shacabka ugu dhaq dhaqaaa badan marka la fiirshi jinsiyadaha kale, waxaa ay iibsadeen hati maguurto ah, ganacsigooduna waxaa uu gaaray dhamaan daafaha dalka South Africa.

In ka badan 10 Million oo dollar ayaa ay u diraan Somaliya bil kastaa – taa oo ka dhigaysa Soomalida ku nool South Africa ay yihiin dadka ugu badan ee lacag gaarsiiya Soomaliya.

Gababadii kulayaka waxaa la xulay gudo farsamo kaas oo isku soo duwaya qodabii la horgeeyn lahaa Madaxda sare ee doowlada iyo hoolwadeenada xisbiga talada haya ee ANC.

Qoraalkaas oo ahaan doono mid noqdo “policy documents” ama qoraal siyaasadeed oo ay istcimaasho doowlada South Africa si ay wax uga qabato daruufaha haysta umaadda Soomaliyeed.

Documentiga waxaa uu ahaa qoraal ay codsatay dowladda South Africa. Waxaa uu noqon doonaa qoraal u noqda dowlada tixraac.

Sidoo kale waxaa la magaacaabay gudo isku doono Soomaalida kana shaqeeyo midnimadda umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan South Africa , gaar ahaan goboladda ayan u suura galin in ay ka soo qayb-galaan kulanka. Waxaan mudo kooban gudaheeda la qaban doonaa kulan baalan – oo loogu mgacdaray gogol-Soomaaliyeed kaasoo oo lagu soo afjaro is qab qabsiga ka dhexjira jaaliyadda isla markaana culays lagu sarayo doowladda South Africa.

Kulankaan oo ahaa mid kulmiyay Soomaalida waxaa uu noqon doonaa mid sii socda mirana dhala.

Dhamaad.

CRD Media Department

Waxaa soo tebiyey:
Mohamed Mascud mascudmedia@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.