Home » News »

Bayaan ka soo baxay Beesha Xasan Gaashireedle oo ka tirsan beelweynta Sade

Beesha Xasan Gaashireedle oo ka tirsan beelweynta Sade ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inuusan jirin Ugaas guud oo beesha Sade ee reer Gedo ka dhaxeeyo iyo qodobo kale oo muhiim ah 

Beesha Xasan Gaashireedle ee ku dhaqan dalka Soomaaliya oo ka tirsan beelaha Sade oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay shir ku laheyd qad Teleefan oo laga soo galay daafaha adduunka ayaa sheegtay inuusan jirin haba yaraadee wax la yiraahdo Ugaas guud oo ay beesha la wadaagto beel weynta Sade.

Waxgaradka Xasan Gaashireedle oo isugu jira aqoon yahano rag iyo dumarba leh, siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo oo beryahaanba uu shirar isdaba joog ah uga socday qad Teleefan ayaa maanta baaq wada jir ah kasoo saaray qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Dhinacyada dhaqanka, siyaasadda, nabad-gelyada, iyo abaarta ba’an ee gobolka Gedo ka jirta.

DHANKA DHAQANKA

Beesha Xasan Gaashireedle ee ku dhaqan dalka Soomaaliya ayaa waxay daboolka ka qaaday in uusan jirin haba yaraatee wax la yiraahdo Ugaas guud oo ay beeshu la wadaagto beel weynta Sade ee reer Gedo, balse Ugaaska guud ee Xasan Gaashireedle ee dalka Soomaaliya uu yahay Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, kaasoo sanadku markuu ahaa 1999 ay beeshu si wada jir ah u dooratay looguna caano shubay Tuulada Golweyn ee gobolka Gedo, mar kalena si cad loogu xusay bayaan kasoo baxay shirweynihii beesha Reer Yuusuf ee socday May 31-June 11, 2007 ee ka dhacay Tuulada Daabley ee gobolka Gedo in shaqsiga dhanka dhaqanka ugu sareeya beesha Xasan Gaashireedle uu yahay Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow (Guji halkaan si aad u aragto baaq ay horay usoo saartay beel ka mid ah beel weynta Xasan Gaashireedle.)

Si ay u suurtagasho wada shaqeyn hufan oo dhex marta Ugaaska beesha Xasan Gaashireedle iyo oday dhaqameedyada kale, waxay beeshu isku raacday in ay haboon tahay in ugaaska dib loogu caano shubo, ayada oo xafladda caano-shubkiisana ay kasoo qeyb gali doonaan mas’uuliyiin ka kala socda dowladaha dariska la ah Soomaaliya, oday dhaqameedyada gobolka Gedo iyo kuwa ka howl-gala gobolada deriska la ah gobolka Gedo.

Waxgaradka bayaankaan soo saaray ayaa sheegay in goorta, waqtiga, iyo madasha shirweynaha dib loogu caano-shubayo Ugaaska guud ee Xasan Gaashireedle Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow dib laga soo sheegi doono.

Dhanka kale, beesha Xasan Gaashireedle ayaa waxay si diiran usoo dhaweyneysaa bayaankii dhawaan ay beesha Talxe soo saartay kuna sheegtay in ay beesha gooni u leedahay hogaan dhaqameed, kaasoo ah Ugaaska guud ee beesha Ugaas Cabdi Buule Xasan Dabac (Guji halkaan si aad u aragto baaqa beesha Talxe.)

Qodobada kale ee ay beesha bayaankooda ku xuseen waxaa ka mid ahaa:

DHANKA SIYAASADDA

Beesha Xasan Gaashireedle waxay ka xun tahay in Siyaasadda Soomaaliya ay noqotay mid sal dhigi weysay, taasoo qarankii Soomaaliya u horseeday bur-bur baaxad leh oo dhan walba leh, sidaas awgeed; waxay beeshu ugu baaqeysaa dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay u turaan shacabkooda dhibaateysan, iskuna dayaan in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa mushkiladaha jira, isla markaana loo helo hanaan dowli ah oo ku dhisan cadaalad iyo garsoor dhab ah oo loo siman yahay.

DHANKA NABAD-GELYADA

Si loo helo nabad waarta oo ka dhalata geyiga Soomaaliyeed, Beesha Xasan Gaashireedle waxay ugu baaqeysaa dhamaan kooxaha kala fekerka duwan ee ku loolamaya sidii ay qolo walba u hanan laheyd majaraha mamulka Soomaaliya in ay isfahan waaga ka dhaxeeya ku xaliyaan wada hadal, ayna ogaadaan inuusan xalku ku jirin qori caaradiis iyo in wax la dilo ama wax la bur-buriyo.

DHANKA ABAARTA

Beesha Xasan Gaashireedle waxay ugu baaqeysaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolka Gedo iyo guud ahaan cid kasta oo uu ku jiro damiir bani’aadan-nimo in ay gurmad deg-deg ah lasoo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee reer Gedo ee la’il daran dhibaatada kasoo gaartay abaarta ba’an ee ku dhufatay qaar ka mid ah Koofurta Soomaaliya oo ay waliba wehliyaan barakacayaal naftooda kala soo cararay gobolada Bay iyo Bakool ee hadda ku sugan gobolka Gedo.

Baaqaan waxaa si wada jir ah usoo saaray waxgardka beesha Xasan Gaashireedle ee uu magacyadoodu yahay midka hoos ku xusan:

01. Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow (Ugaaska guud ee beesha Xasan Gaashireedle)
02. Nabadoon Cali Xandule Caddow (Ku xigeenka Ugaaska guud ee beesha Xasan Gaashireedle)
03. Nabadoon Macalin Aden Cabdi Geesey
04. Suldaan Aden Xuseen (Aden Gaab)
05. Nabadoon Maxamed Mursal Aden (Irbey)
06. Nabadoon Cali Cabdi Xasan (Cali Madaxey)
07. Nabadoon Maxamed Sh. Cali Nuur
08. Caaqil Ismaaciil Cumar Macalin (Ismaaciil Afweyne)
09. Nabadoon Cabdi Macalin Muxumed (Madaxey)
10. Nabadoon Bashiir Macalin Cabdulahi (Bashiir Amxaar)
11. Nabadoon Maxamed Yacquub Xasan
12. Nabadoon Dhaqane Xasan Yarow (Ila-goo)
13. Nabadoon Bare Ismaaciil Muxumed (Bare Qabeyste)
14. Nabadoon Macalin Aden Dhiire
15. Nabadoon Bilow Cabdi Xaad
16. Nabadoon Mahad Macalin Cusmaan
17. Nabadoon Xuseen Cabdulqaadir Muxumed (Xuseen Dheere)
18. Nabadoon Xasan Daahir Xasan (Garab-roor)
19. Nabadoon Saney Nuur Xiirey
20. Nabadoon Cusmaan Cawir Cabdi Kaabey
21. Nabadoon Xuseen Cilmi Nuur (Xuseen Cawil)
22. Nabadoon Xuseen Aden Xasan (Xuseen Ganey)
23. Nabadoon Muxumed Daahir Cabdule
24. Nabadoon Cabdulahi Abuukar Duurow
25. Nabadoon Muxumed Afey Faarax
26. Nabadoon Muxumed Baraaki Xaydar
27. Nabadoon Bakaal Aden Geesaale
28. Nabadoon Mataan Aden Faarax
29. Nabadoon Cali Yare Xasan
30. Nabadoon Isaaq Xareed Sharmaake
31. Nabadoon Maxamed Xaaji Axmed Colujoog
32. Nabadoon Muxumed Cabdi Salaad Duqow
33. Nabadoon Axmed Jimcaale (Kaaradile)
34. Nabadoon Maxamuud Aden Taamboy
35. Nabadoon Faarax Cabdulahi Garmadow
36. Sh. Axmed Ismaaciil Xaaji (Gees-diir)
37. Xildhibaan Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab)
38. Xildhibaan Hilowle Aden Guumow
39. Col. Xasan Daahir Yarow (Xasan Dheere)
40. Col. Cusmaan Xaaji Axmed
41. Cabdi-yare Daahir Xasan (Garab-roor), Guddoomiye-ku-xigeenka jaaliyadda beesha Sade ee Koofurta Suudaan.
42. Faarax Cabdulahi Abayle (Faarax Rooti)
43. Maxamed Xuseen Cusmaan (Afmaran-diid)
44. Faarax Ilyaas Aden
45. Diiriye Cabdulahi Irbad
46. Dr. Shire Cabdi Maxamed (Shire Caley), Guddoomiyaha beesha Sade ee dalka Ugandha.
47. Mukhtaar Kaamil Kuulow
48. Cabdirashiid Cabdi Xasen (Hoolaa)
49. Axmed Macalin Faarax
50. Shaakir Maxamuud Ibraahin
51. Axmed Sh. Cali Nuur
52. Bashiir Maxamed Cali (Bashiir Galey)
53. Cusmaan Maxamed Cali (Shuqaale)
54. Axmed Bashiir Cusmaan (Madoobe)
55. Diyaad Cabdi Kaliil
56. Muuse Sh. Cali Nuur
57. Xuseen Ibraahin Isaaq
58. Maxamed-weli Aden Gaab.
59. Maryan Sh. Cali Nuur
60. Cabdulqaadir Bile Aden
61. Cali Macalin Faarax.

Bayaankaan waxaa lagala xariiri karaa saddexda nin ee hoose:

Col. Xasan Daahir Yarow
Wakiilka Ugaaska Xasan Gaashireedle ee dalka Kenya
Tel. 254-713-476-030
Nairobi, Kenya

Cabdirashiid Cabdi Xasen (Hoolaa)
Madaxa Guddiga Farsamada Beesha Xasan Gaashireedle
Cleveland, Ohio (USA)
Tel. 216-258-2700
xalane161@hotmai.lcom

Axmed Sh. Cali Nuur
Tel. 476-211-0292
Oslo, Norway

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Bayaan ka soo baxay Beesha Xasan Gaashireedle oo ka tirsan beelweynta Sade "

  1. maadey says:

    waxaan u habalyeynayaa beelaha reer xasan iyo talxe iyo labada ugaas waxaana leeyahay masuuliyada iyo xilka idinsaara ilaahay uga cabsada ogaadana in la idin suaali doono masuuliyadaas

  2. Barqo says:

    Aslc .waxaa iimuqaneysa burburkale oo sowajahey beelweynta sade .waxaan baaq udirayaa beesha xasan gaalshiredle. Iyo beesha talxe .Waxan leyahey reer xasanow.iyo talxow .joojiya kala qeybinta SADE waligeen waxeynu laheyn ugaasyo sootaxnaa qarniyo badan marka hadii uu xumaadey ugaas cumar. Waxan filayaa ineysen jirin wax dhaliil ah oo loo hayo ugaas yadii ka horeyey . Waxaan rajeynaa ugaaska hada shaashada sarana inuu noqdo mid caqli usaaxiiba .kuna dhaqa reer SADE cadaalad .wabilahi tawfiiq