Home » Warar »

DFKMG oo faahfaahin ka bixisay Xeerka Xaaladda degdegga ah iyo Waxqabadka Maxkamadda Ciidamada

Waxay Amnesty International soo saartay 2dii Sebtember 2011 war saxaafadeed ku wahajan Xeerka ku saabsan Xaaladda degdegga ah ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ka soo saaray aagagga ay banneeyeen Al-Shabaab oo caalamku u aqoonsan yahay koox argagixiso ah iyo xerooyin ay ku jiraan dadka ka soo barakacay gobollada ay saameeyeen abaarta iyo dagaallada ay kooxdaasi waddo. Waxaa kale oo ay si gaar ah uga hadashay howlqabadka Maxkamadda Ciimada Qalabka Sida oo si sharci ah waajibkeeda u gudaneyso.

Waxaa Dowladda Soomaaliya waajib ku ah inay ka difaacdo muwaadiniinteeda in loo geysto falal ka baxsan xuquuqdooda iyo xaqa ay u leeyihiin inay ku naalloodaan nabadgelyo.

Waxay Amnesty International ogsoon tahay inay Soomaaliya qeyb ka tahay Xeerarka Caalamiga ah ee lagu daryeelayo xuquuqda ay dadku leeyihiin, waxayna isla markaa ogsoon tahay xaaladda adag ee ay dadka iyo dalkuba marayaan, taasoo la doonayo inay si wadajir ah bulsha-weynta caalamka iyo Dowladda Soomaaliyeed wax uga qabtaan, waxaana fiicnaan lahayd inay Amnesty International si xaqiiq ah oo waaqici ah uga talo-bixiso arrimaha ka jira Soomaaliya.

Waxay Dowladda Soomaaliya ku howlan tahay wax-u-qabashada iyo dib-u-dejinta dadka soo barakacay iyo dadka doonaayo inay ku soo laabtaan guryahoodii ay Al-Shabaab ka barakiciyeen, isla markaana waxay ka hortageysaa iyada oo aan cidna uga heybeysaneyn in qof kasta oo doonayo ama la damacsan dhibaato inay u geystaan dadkaasi, ha ahaadaan rayid ama ciidan.

Waxaa dalka ka jira sharciyo iyo qawaaniin u degsan Dowladda. Maxkamad kasta, gaar ahaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxay wax u fulineysaa siduu sharciga qabo inay dhaqangelinayaan waajibaadka ka saran goobaha ay kala wareegeen koox kasta oo hubeysan sida Al-Shabaab si loo badbaadiyo dadka rayidka ah. Waxay maxkamaddaasi ku dhisan tahay sharciga qaranka.

Dowladdu waxay ballanqaadeysaa iyadoo markasta tixgelineysa danaha shacabkeeda inay ka hortagto dembi kasta oo loo geysto muwaadiniinteeda. Dowladda Soomaaliyeed iyada ayaa muwaadiniinteeda uga welwel badan cid kasta.

Dhammaad

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.