Home » Warar »

Xarunta Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo lamagacaabay Gudoomiye ku xigeenadiisa iyo gole fulineyd

Xarunta Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo lamagacaabay Gudoomiye ku xigeenadiisa ,gole fulineyd iyo
Gudoomiyaha xisbiga Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo manta loo Caleemo Saarey in uu noqdo Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ( diinaari )

Xalaf balaaran oo si aad ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka qeybgaleen xildhibaano ,siyaasiyiin,odoy dhaqameydyo ururada bulshada rayidka ah dhalinyaro ,haween iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay

Shir wada tashi ka dib xubnaha xarunta nabada iyo horumarinta bulshadu waxay gudoomiye u doorteen Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ( diinaari ) waxaana saxaafada u aqriyey liis dheer oo ay ku qoraayeen magacyada hogaanka sare ee xisbigaan

Xisbigan cusub ee nabada iyo hormarka bulshada somaliyeed oo dhawaan looga dhawaaqay magalada muqdisho ayaa waxaa maanta loo magacaabay xubnaha
gudoonka sare ee xisbiga.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Munaasabada lagu shaacinayay golaha fulinta ee xarunta nabada iyo hormarka bulshada ayaa waxaa azoo qeyb galay madax dhaqameedyada beelaha somaliyeed qaar ka mid ah garadka somaliyeed iyo ururada bulshada rayidka.

C/qaadir xaaji Maxamed luga dheere oo ka mid ah xubnaha gudiga ayaa waxa uu halkaasi ka aqriyay xubnaha loo magacaay gudoonka xisbiga.
Waxayna kala ahaayeen sidaan
Cabdiraxmaan nuur Maxamed ( diinaari )gudoomiye
Cabdi iimaan shar ma arke gudoomiye ku xigeen
Ugaas siidow shire gudoomiye ku xigeen
Porf cabduaalhi xeydar .xooghaayaha guud
Cabduqaadir Xaaji Maxamed ( suldaan Luga dheere ) xubin
Cismaan Maxamed Ayaanle xubin
Cabdiraxmaan Cismaan Maxamed jeelle xiriirka dibada
Prof Adan Cali Xubin
Xasan Xaaji Maxmed Xubin
Yuusuf Cali Maxamed Xubin
Maxamed Barre Kuusow Xubin
Cadar Shalaqbeen Xubin
Maxamed Cali gadiid Xubin Arimaha Sama falka
Xubnaha ka dhiman ayaa la sheegay in dib magacyadooda loo gudbin doono

Cabdiraxmaan nuur Maxamed ( diinaari ) ayaa ka codsaday maamulada dalka ka jira iyo beesha caalamka in ay gacan ka geystaan sidii ay xubnahaasi ku gudan lahaayeen waajibaadka ka saran howshaan loo igmaday oo ah nabadaynta iyo horumarinta dalka iyo dadka somaliyeed .

Mas.uuliyiintii xaflada ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye oo sheegay in ay si xushmad iyo qiimo badan leh u soo dhaweynayo .
Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray hadalkiisa in magaca xarunta uu aad u qiimo badan yahay balse uu sheegay in ay sababadi doonto in dhib badan oo horey u jirey looga bixi doono lana xiiiseynayo wixii cusub oo ay ka mid tahay xaruntaan .

Gdoomiye Xaad “waxaan ka arkaa magacyadaan kuwo nadiif ah oo aan rajeynayo in ay mudan yihiin “,waxaan u soo jeedinayaa umadda somaliyeed in ay taageeraan isaga oo beesha caalamkana ka codsaday in xaruntaan ay la shaqeeyaan isla markaana ay garab istaagaan.

gudoomiyaha cusub ee xrunta nabada iyo hormarka bulshada somaliyeed ambasador C/raxman Nuur Maxamed (diinaari ) oo munaasabada ka jeediyay
qudb bad dheer oo uu kaga hadlay dhinacyo fara badan ayaa waxa uu ka digay in abaaraha ka jira wadanka somaliya ay keento in qoysas hor leh ay kasoo barakacaan Gobalo aan wali laga soo bara kicin wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay talaabo muuqata ka gadato samata bixinta umada somaliyeed

Waxgaradkii iyo Madaxdhaqameedyadii hadalada ka jeediyay munaasbada oo soo dhaweyay xisbigan cusub ayaa waxay ka codsadeen in xaruntani ay u istaagto wax u qabashada bulshada somaliyeed

Madax dhaqameedyo iyo qaar ka mid ah Waxgaradka somaliyeed xarunta nabada iyo hormarka bulshada somaliyeed.

Marwo shariifo cadow ayaa ka mid aheyd marti sharaftii Munaasibada ka hadashay ayaa sheegtay in ay aad iyo aad ugu faraxsan tahay ku dhawaaqida mas.uulkaan waxayna intaa ku dadhay in ay rajeyneyso in magca uusan noqonin mid meel lala fadhiisto ee uu noqdo mid wax tar muuqda bulshada u qabto .

Gudoomiyaha cusub ayaa Beesha caalamka gaar ahaa qaramada midoobey in ay musiibadaan xal u helaan waxaana uu sheegay in caruurta Somaliyeed iyo dad waayeelo ah ay u dhimanayaaan raxan raxan iyada oo hadda ay gobolada Sh.dhexe, Ceeldheer .Galgadud,Matabaan .ceelbuur .cadaado.Dhuuso mareeb .hiiraan ,ilaa Gaalkacyo hada abaartii ka bilaabtay isla markaana ay tahay dhul nabadeed .

Waxaa jirto in la gaarsiin karo goboladaasi waxaana la sugayaa inta ay muqdisho ku imanayaan qaab fatahaad o kale ah

Dinaari “dalalka reer galbeedka iyo marayknaku waa ka indha qabsatay gobolada koofurta iyo bartamaha “

Baan kii muun waa in uu diyaarado raashin uga soo daadiyo ama uu keeno ciidamo wax ka qaban kara dhibaatada taal dalka

Cabdiraxmaan Diinaari “Xaruntaan waxay ka shaqeyndoontaa sidii ay dib u dajin ugu sameyn laheyd dadka guryahoodii ka barakacay dowlad ayaan gaan ku siin doonto “

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.